Tuesday, March 22, 2011

Imisa Magac leh Ah ayaa Mooyga Ku maqan….

Imisa Magac leh Ah ayaa Mooyga Ku maqan….
20 Sano ayaan ku jirnaa Dil,dagaal,daad, Abaaro,iyo musiibo aan dhamaad laheyn intaa oo dhan waxaan jirin bidhaan nabad ama neecaaw lagu nasto maanta.
Hadaba qoraalkan ayaan ku muujin doonaa akhristow inta qof ee soomaali iyo ajaanib ah ee lagu dilay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo taariiqaha la shirqoolay oo aan wali la soo gacan galin gabood falayaashi geystay dhagartan lagu maja xaabinayo inta aqoon iyo caqli u saaxiib ah ujeedaduna waxey tahay si aan loo helin qof soomaali ah oo meel ka soo muuqda.
Sida aan la socono Soomaaliya waxaa lagu dilay dad badan oo u badan culamaa’udiin, aqoonyahano, Saraakiil Ciidan, Samalfale, Ganacsade, Nabad-doon iyo in badan oo aan magac (Title) wadan balse gardaro lagu xasuuqey, dilalkan fool xumada badan ayaan wali laheyn cida ka danbeysa si loo soo taago xukun cadaalad leh maadaama ay ayagu yihiin kuwa daba gura inta yar ee dalka ka muuqata.
Waxaan Shaki ku jirin iney jiraan gamco shiishe oo aalaaba u xusul duuban iney cagta mariyaan inta ay ku tabi karaan inay u taagan yihiin bad baadinta dalkooda iyo dadkooda.
Hadaba qoraalkan ayaan ku muujin doonaa akhristow qaar ka mid ah soomaali iyo ajaanib ee lagu dilay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba sidoo kale taariiqaha la shirqoolay si aan u diwaan gishano maadaama aan wali la soo gacan galin gabood falayaashi geystay dhagaradan xanuunka badan.

Military group (ciidanka Xoogga dalka)
ท Milatry General yuusuf ahmed talan hotel sahafi, muqdisho, Gobalka Banaadir, October 18, 2000.
ท Colonel Abdulahi Mohamed Warsame “Nero”, Deegaanka Lafoole, Gobalka Shabeelada Hoose. April 2003.
ท Captain Mohamed Adan, Dagmada Xamarweyne, Gobalka Banaadir, April 2003.
ท Colonel Mohamed Ismail “Gure”, Augoust, Muqdisho, Gobalka Banaadir 14, 2004.
ท Police Colonel Ismail Haji Osman. Gurigiisa, degmada Howl-wadaag, Muqdisho, Goabalka Banaadir, Augoust 14, 2004.
ท General Maxamed Cabdi Maxamed, degmada Shibis,Muqdisho,Gobalka Banaadir September 11, 2004.
ท Colonel Ahmed Ugaas “Foodey”, Magaalada Muqdisho, Gobalka banaadir,Octebor 2004.
ท S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani Asaga oo meyd ah lagu arkey hotelka uu daganaa, Nairobi, Kenya October 18, 2004.
ท Colonel Maxamuud Abdinuur Aadan “Bataar”, Degmada Howl-wadaag,Muqdisho, Gobalka Banaadir, October 26, 2004.
ท Police General Yusuf Ahmed Sarinle, X/ War dhiigley degmada, Howl-wadaag , Muqdisho, Gobalka Banaadir,January 23, 2005.
ท Colonel Xirsi Maxamuud Cumar ”Xirsi Dhoore”, degmada Yaaqshiid, Muqdisho, Gobalka Banaadir, January 31, 2005.
ท Police Officer Cabdullaahi Kaahiye Cali, Afisyoone,Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, March 07, 2005.
ท Police Colonel Maxamed Saciid Maxamed, degmada Yaqshiid, Muqdisho, Gobalka Banaadir, may 21, 2005.
ท Police Colonel Max’ed Cusmaan Coon, Three Biano, Muqdisho,Gobalka Banaadir, July 31, 2005.
ท G/le Sare Maxamed Maxamuud Raage (Raage Coon), waxaa dilkiisa gaystey laba nin oo ku hubaysanaa bastoolado Xaafada Tubaweyne Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, October 7, 2005.
ท Colonel Maxamed xasan maxamuud “cadaawe” BL lagala dagey Wadada Tarabuunka, Muqdisho, Gobalka Banaadir, January 21, 2006.
ท Marines Colonel Abuukar Maxamed Xusen (Abukar Dheere) Degmada Wardhigley, muqdisho,Gobalka Banaadir, March 16, 2006.
ท Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka gobalka Banaadir General Axmed Jilicow Caddow isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho, October 5, 2007.
ท Gaashaanle Cali Aadan Diiriye, degmada Xarfo ee Gobolka Mudug June 7, 2010.
ท Sarkaal tirsanaa ciidamadii nabad sugidda qaranka Somalia Cornel max’ed Max’uud Sheekh, degmada Huriwaa, Muqdisho, Gobalka Banaadir, May 30, 2007.
ท G/lle Sare Faarax Cabdulle Siyaad (Garam-Garam), Taliyihii hogaanka tababarada ciidamada DFKMG, meel ku dhow Isgoyska Bakaaraha magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir,December 31, 2007.
ท General Abdi Kahiye (Harag Shabeel),Degmadda Xamar jajab, Gobalka Banaadir, February 25, 2008.
ท Sarkaal lagu Magacaabi jiray Aadan Amxaar masjidka iimaan waabari,salaada jimca ka dib, Muqdisho, Gobalka Banadir,October 16, 2009.

Dhaqaatiir Caafimaad (Medical Doctors)
ท Dr Maxammed Warsame Cali cudurada haweenka (gynecology) laga af-duubtey cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ka dib meydkiisa la heley November 11, 1992.
ท Dr Mohammed Musa Sugule MSF Doctor, Kismaayo, Jubadda Hose, December 8, 1992,.
ท Valerie Place Nurse, kalkaaliso 23 jir ah inta u dhaxeysa Afogey,Gobalka Shabeelada Hoose iyo Muqidishu Gobalka Banaadir, February 20, 1993.
ท Graziella Fumagalli madax ka ah cisbitaal lagu daweeyo cudurka TB ee Marka, Shabelada Hoose,October 22, 1995.
ท Dr Ricardo Marques MSF- Portugal, Magaalada Beydhaba, Bay June 20, 1997.
ท Dr Ayuub Sheekh Yarow caruurta (pediatrician doctor) degmada Balcad, Shabelada Dhexe, Septmebar 15, 1999.
ท Dr Daahir Sheekh Axmed Raajooyinka (radiology) Mount Sinai, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, April 28, 2001.
ท Dr. Xuseen Muhammad Nur Indhaha (Optical Doctor), la dhashey, MP Shaatigaduud,Iridka cisbitaalka Mount Sinai ee magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir,july 4, 2003.
ท Dr Annalena Tonelli dhaqtar cudurada Tuberculosis TB-da, magaalada Boorama, Gobalka Awdal October 7, 2003.
ท Dr Cabdi Maxamed Aadan, Magaalada Kismaayo, Gobolka Jubadda Hoose, October 23, 2005.
ท Dr Maxamed Muuse Cali, International Medical Corps IMC, Degmada Ceelberde, Goboalka Bakool, June 27, 2007.
ท Dr C/llaahi Cali Xalane (Dr Cigaal), Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, October 11, 2007.
ท Dr Victor Okumu, Qaliinka haweenka dhalaya (Obstetrics surgeon) (Qarax Gaari shaqaale MSF-Holland), Magaalada Kismaayo, Gobalka Jubada Hoose, January 28, 2008.
ท Dr Cumar Max’ed Shiikh Abuukar Indhaha, (Optical Doctor) isgooyska Debka axad,Muqdisho, Gobalka Banaadir March 23, 2008.
ท Dr Iid Shire Samatar (Surcad), Hotel Dalmar ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, March 25, 2008.

Mullahs (culumaa’udiin)
ท Sheekh Axmed Muumin Haaruun khadiibkii Masjika abuu Hureyra, Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 29, 2005.
ท Shiikh cali mu’adinkii masjidka xareed, March 05, 2007.
ท Sheekh Maxamed Sheekh Axmed oo la yaqaan “Kashka” deegaanka Buulo-xuubeey ee Degmada Wadajir,Talaado, March 11, 2008.
ท Macalin Dugsi Qur’aan Macalin Yusuf , Garoowe, Gobalka Nugaal January 5, 2010

Peace worker ( nabad doon &sama fale)
ท Aabihii nabadda Maxamuud Cali Axmed (Elman), Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, March 9, 1996.
ท Halgamaa Istarliin cabdi caruush xiriiriyaha hay’ada Cosv, Nairobi, Kenya January 10, 2002.
ท British aid worker; Richard Eyeington iyo xaaskiisa Enid Eyeington, Sheikh Secondary School, waqooyi galbeed. October 21, 2003.
ท Project Manager GTZ’s; Florence Cheriuyot, April 19, 2004.
ท Cabdulqaadir Yahye Ali Cibaar, Ololeeye nabada madaxna ka ahaa ururka Center for Research and Dialoge CRD, Gurigiisa oo ku yaala X/ Bula Hubey, Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 11, 2005 .
ท U.N Worker; Mohamed Musse Guraage Kismayo, Gobalka Jubada Hoose, October 05, 2005.
ท High assistance kalkaaliye sare Cabdi Kheyr kismayo, Gobalka Jubadda Hoose novermber 05, 2005.
ท C/qaadir Ciise Farayare, Deegaanka Lugoshow, Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe April 11, 2006.
ท Madaxa hay’adda horumarinta iyo nabada ee Kasimayo Ciise Cabdi Ciise muqdisho, Gobalka Banaadir, March 14, 2007.
ท Madiina Maxamuud Cilimi (Madiinda Janaraal) oo ka mid ah ururada bulshada rayidka u dhimatey dhaawac daran ka soo gaaray rasaas uu furey Maleeshiyo xilli ay Deeq ka qeybineysay Kulyadii hore Beeraha ee Gobolka Sh/Hoose, November 16, 2007.
ท Eng. Max’ed Xasan Kulmiye: Kulmiye oo ahaa madaxa ururka CRD waxa lagu diley Magaalada Beledweyne, Gobalka Hiiraan, June 22, 2008.
ท Madaxa UNDP ee Somalia, head of the Unite Nation Development Programme in Somalia, Osman Ali Ahmed, Salaada Cisho ka dib, X/ Buula Xuubey, Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 10, 2008.
ท Madaxii tababarada ee hay’adda CARE International, Cumar Shariif degmada Marko ee xarunta Sh/Hoose, April 19, 2009.
ท Maxamed Maxamuud Qeyre Gudoomiye ku Xigeenkii hay’ada Daryeel Bulshada Guud (DBG), Muqdisho, Gobalka banaadir, July 13, 2008.
ท Maxamed Mayow Maxamed, Maamulaha Ganacsiga, (Trade Manager) of HIJRA Somalia, Afgoye, Sh/Hoose, April 28, 2010.

Journalist’s (saxafiyiin)
ท BBC Correspondence: Kate Peyton, Hotel Sahafi hortiisa, Muqdisho, Gobalka Banaadir, February 9, 2005.
ท Horn Afric Correspondence Duniya muxidiin nuur, Afgoye, Sh/Hoose, Sundau. June 5, 2005 10:11 pm
ท British Correspondence: Martin Adler, Tarabuunka Hortiisa,Muqdisho,Gobalka Banaadir, June 23, 2006.
ท Idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Gaalkacyo, Gobalka Mudug, Max’ed C/llaahi Khaliif ,5 May, 2007.
ท Idaacadda Jowhar, Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad, Gobalka Shabelada Dhexex, 16 May, 2007.
ท Agaasimihii Capital Voice iyo aasaasayaashii kana mid ahaa milkiilayaashii Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharmarke, Muqdisho, Gobalka Banaadir, August 11, 2007.
ท Idaacadda Banaadir C/qaadir Mahad Macalim (Kaskey), Gobalka banaadir, August 24, 2007.
ท Ku simaha Agaasimaha Idaacadda Shabelle, Bashiir Nuur Geeddi,Muqdisho, October 19, 2007.
ท Aabaha Saxaafada Afhayeenkii Maamulka Gobalka Banaadir, Maxamed Muxiyaddiin Cali qarax miino lala beegsaday xili uu ka soo baxay hoyga uu ka deganaa Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir,December 29, 2007.
ท Afhayeenka Maamulka Gobolka Banadir, Cabaas Maxamad Nuur “Galayr -Dilki M Muxidiin cali bil ka dib- Degmada Xamarweyne Gobalka Banaadir, Februray 1, 2008.
ท Wariye madax banana Xasan Kaafi Xareed Kismaayo, Isniin,(Qarax Gaari shaqaale MSF-Holland uu la socdey), Gobalka Jubada Hoose, January 28, 2008.
ท Wariyahii BBC-da iyo wakaalada Reuters, Nasteex Daahir Faarax Kismaayo, Gobalka Jubada Hoose, June 7, 2008.
ท Agaasimihii Idaacadda Hornafrik Tahliil Axmed, Suuqa Bakaaro, Muqdishu, Gobalka banaadir February 4, 2009.
ท Xasan Subeyr Fantastic, Filim Qaade u ahaa Taleefishinka Al-Arabia, shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.
ท Maxamed Amiin Aadan Cabdulle, oo ka tirsanaa idaacadda Shabeelle, shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.
ท Wariye kale oo lagu magacaabo Yaasir oo isagana ahaa Sawir qaade, , shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.
ท Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Radio Muqdisho, Sh. Nuur Max’ed Abkey, (Magafe), Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho, Gobalka banaadir, April 4, 2010.
ท Idaacada Daljir, C/laahi Cumar Geeddi, xaafada Garsoor ,Galkacyo, Gobalka Mudug Arbaco, September 1, 2010 (Dilkaas waxaa loo adeegsaday Mindiyo ama Tooreey).

Political relation (xiriir siyaasadeed)
ท Xildhibaan Shiikh Ibraahin Cali Cabdulle Nairobi Kenya 2003.
ท Maxamuud Xasan Taakow degmada, Yaaqshiid, Muqdisho, September 10, 2004.
ท Philosophy: Cabdiraxman Maxamuud Takbiir, degmada Yaaqshiid, December 1, 2004.
ท Dr.Abdirahman Warsame Elmi, X/ Madiina, Degmada Wadajir, Muqdisho, Gobalka Banaadir, Janaury 29, 2005.
ท Faay Mac’buud Cabdi dumar lagubay ka dib lacag lagu sheegtay, February 6, 2005.
ท Drs.Maryan Maxmed Xasan Kuulow, degmada Waberi, March 19, 2005.
ท Qadar Cismaan Cilmi Boqorre, wiilka X. boqorre, km 4. Muqdisho, November 12, 2005.
ท Cabdalla deerow isaaq wasiirkii dastuurka DFKM baydhabo Friday July 28, 2006.
ท Maxamed Cabdullaahi Yuusuf (Curcuro). Gudoomiyahii rugta ganacsiga MGPL Augost 8, 2006.
ท Cabdi naasir seerjito Qunsulki Soomaaliya u fadhiyey Isku Taga Imaaradaha Carbeed, U A E, muqdisho March 28, 2007.
ท Abuukar socdaal ku xigeenka shirka dib u heshiisiinta muqdisho March 31, 2007.
ท Ku xigeenka duqa magaalada muqdisho (Mayor) Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye), Nairobi Kenya April 20, 2007.
ท Madaxa Hiiraan comuntiy Education Project (HICEP),Prof Daa’uud Xassan Cali, Baladweyne, Gobalka Hiiraan,April 13,2008.
ท Wiilka uu dhalay Xaaji Cabdi Iimaan Gudoonka Beelaha hawiye April 15 2007.
ท Miino lagu qariyey qashin dhexdiis ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 24 haween oo ku shaqeysan jirey xoog cuno ku badalasho, -Food fo Work- Gobalka Banaadir, Augoust 3, 2008.
ท Maxamed Cismaan Maye, oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu diley magaalada baydhabo isagoo ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Cishaha, September 8, 2008.
ท Qaraxyo is daba joog oo ka dhacey Hargeysa iyo Boosaaso: October 29, 2008 waxa qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa Gobolka Waqooyi galbeed iyo Boosaaso Gobalka Bari oo ku geeriyooday ugu yaraan 30 qof oo rayid ah.
ท Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo ka mid ahaa madaxdii isbaheysiga dooxada Juba oo ay ku toogteen maamulka Islamiga Kismaayo January 30, 2009.
ท Afhayeenkii shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed C/raxmaan Max’uud Jimcaale (Shifti), March 30, 2009.
ท Hotelka Madiina,Baladweyne June 18, 2009 waxa baabuur lagu soo xiray walxaha qarxa lala beegsadeyhotel Madiina ee ku yaal magaalada Beledweyne Gobalka Hiiraan waxa halkaasi ku dhintay 80 qof oo uu ka mid ahaa wasiirkii amniga qaranka Cornel Cumar Xaashi Aaden. Wasiirka waxa dadkii la geeriyooday ka mid ahaa,
. Safiir Cabdikariin Faarax Laqanyo
· G/ le sare Maxamed Barre Fiidow
· G/ le sare. Maxamed Cabdi Yarow (shanle)
· G/ le sare Cumar Xassan Dhudi
· Colonel/ Yuusuf Xusseen (Timocade)
· Abwaan/ Maxamed Cabdi Cibaar
· Abwaan/ Cabdidhuux Guure Cali
· Ganacsade/ Buule Xaashi Aaden (Waziirka walaalkiis)
· Eng/Cabdifitaax Cali Xaydar
. Nabadoon/ Faarax Cabdulle Fiidow
· Nabadoon/ Xassan Biriqow
· Nabadoon/ Xassan Cilmi Hurre
· Nabadoon/ Axmed Carabey
· Nabadoon/ Cilmi Shire

ท Hotel Shaamo Muqdisho December 3, 2009 Qarax aad u baaxad weyn ayaa lala beegsadeyxaflad qalin jebin oo ka dhaceysay Hotel Shamo waxana halkaa ku geeriyooday 24 qof oo ay ka mid ahaayeen 3 wasiir oo ka tirsan dowlada Soomaaliya. Dadka ku geeriyooday qaraxii hotel Shaamo oo u badnaa arday ka baxday jaamacada Banaadir waxa ka mid ahaa.
Wasiirkii Tacliinta Sare: Prof Ibraahin Xassan Cadow
Wasiirkii Caafimaadka: Drs Qamar Aaden Cali
Wasiirkii Waxbarashada: Dr Axmed Cabdullaahi Waayeel
Wasiirkii Isboortiga : Saleebaan Colaad Roble oo ku geeriyoodey Sacuudiga KSA
Dr. Maxamed Warsame Shahiid
Dr. Max’ed C/qadir Max’ed
Dr. Muxyadin Aweys Axmed
Dr. Maxamed C/lahi Cali (Dayax)
Eng. Jamaal Luqmaan Ismaciil
Dr. Aadan Mukhtaar Xasan (Korneele)
Abubakar Ibrahim Xasan (Waalid)
Abubakar Xuseen Faarax (Qoorey) (Waalid)
Xuseen Macalin Xasan

Business man ( ganacsade)
ท Ganacsade Cumar cabdi diini nation link laanta guriceel guri ceel July 18, 2005.
ทGanacsade Cabduqaadir Aweys Sheekhuna (Nuuraani)
oo ahaa Magaalada Baraawe,Gaobolka Shabeelada Hoose, October 8, 2005.
ท Ganacsade Cabdi Axmed Nuur (Cabdi yare) Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, October 11, 2005.
ท Ganacsade C/nuur Aw-cali Golis telecommunication company bosaso
ท Afhayeenka midowga ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale, Muqdishu, 5 Feb 2009.
ท Ganacsade Cumar Nuur Baashara,degmada xamar Weyne, Gobalka Banaadir, July 21,2008.
ท Ganacsade Cabdikariin sh Ibraahim Jeegaweyne, koox dabley ahi toogasho ku dileen salaada casir kadib,Dagmada Hodon ee Gobolka Banaadir February 7,2008.
ท Ganacsade Cabdiwahaab Cilmi, Xaafadda Shaqaalaha ee magaalda, kismaayo, march 01, 2010.
ท Ganacsade Jaamac Aaden Siibaato, magaalada Bosaso, November 5, 2009.
ท Wakiilka Shirkaddaha duulimaadyada diyaaradaha ee Daalo Airlines iyo Jubba Airways.Ganacsadde Raage Cabdi, koonfurta Gaalkacyo, Galmudug State, March 5, 2010.
ท Ganacsade Daa’uud Dirir, waaxda Qacle ee xaafadda faanooole ee magaalada kismaayo, August 21, 2010.

Jilaa/Comedian
ท Axmed C/laahi Amiin Rooble Awkukuu, Xamarweyne ee magaalada Muqdish, November 25, 2010.
ท Abshir Cabdulaahi Owkuukuu, rag hubeysan ku dileen aqalkiisa xaafada xaafada Ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho March 13,2011.

Garyaqaano/Lawyers
ท Ku xigeenkii xeer ilaaliyii gobalka Banaadir C/qaadir Max ed Yuusuf Jidka Aadan Cadde ,muqdishu, October 6, 2007
ท Xeer ilaaliyihii darajada koowaad ee gobolka, Bari Cali Jaamac Khalaf, Suuqa sarrifka lacagaha ee magaalada Boosaaso, june 10,2010.
ท Xeer ilaaliyaha darajada kowaad ee Gobalka Bari, Cabdullahi jaamac shirwac Bosaso, November 11,2010.

Salaadiin/Malaaq/Wabar/Nabad doon/ Ugaas/Duub iyo Tun weyne.
ท Malaaq Seemow Cabdi Garuun, oo ay dileen ilaaladii TFG-da Baydhabo, Gobalka Bay, June 9, 2006.
ท Sultan Ahmed Mohamed Hurre, waxaa lagu dilay toogasho af-galis (point blank) ah tuulada Kala-bayr ee Gobalka Bari, Puntland August 17, 2006
ท Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow, koox hubeysani ku dishay bartamaha Magaalada Beledweyne, Gobalka Hiiraan, October 8, 2008.
ท Nabad doon xaaji clow, Degmada Dharkeenleey,Muqdisho, February 12 ,2010
ท Gudoomiyaha Golaha Samadoonada Soomaaliyeed, Nabadoon Sh Maxamed Tahliil Warsame, Ceelasha, Gobalka Shabellada Hoose, Agoust 15, 2010.
ท Suldaan Ciise Xasan Cumar,xili uu soo tukaday Salaadi Cishe, Boosaaso, November 12, 2010.
ท Nabadoon Macalin Haaruun, Dagmada Yaakhshiid, Gobalka Banaadir, Agoust 18, 2008.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN
Akhristow inta aqoon yahay, culumaa’udiin, sama fale,ciidan iyo inta siyaasad qalafsan loo dilay waxaan lee yahay qabriyadooda ALLAH ha u qaboojiyo anagana sabar iyo iimaan naga siiyo, gacan ku dhiiglayaasha (dad iyo dawlad) ka danbeeyay fal xumadaas waxaan rabi ka rajeyn in indhaheena mar uun ku qaboojiyo iyagoo cadaalada la marinayo.
Ugu danbeyntii inta samaha jecel ee guudkan dushiisa ku nool ALLAH ka bad baadiyo gacan ku dhiiglayaasha ku dhuumaaleysanaya dalka iyo dibada, waxaana ka codsan inay qalinka u qaataan fadhigana ka kacaan si ay u meel mariyaan dar daarankii, howlahii adkaa, geesinimadii iyo dhaxal wanaagii ay ka tageen inta inaga baxday si aan u gaarno guul iyo guri wanaagii ay noo bilaabeen geesiyaashii cadawgeena ka hor istaagay inay dhameys tiraan, una hurno naf iyo maal sidii aan usoo ceshan laheyn karaamadeenii luntay dalkana uga xureyn laheyn cawadaga iyo caada qaatayaasha lumiyiyay halgankii aabayaasheen.

Tixraac/ Reference
1- Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda aadanaha Jimcaale
2- Xarunta Hey’adda Xuquuqul InsaankaElman ee Muqdisho.
3- Human Rights Watch, Somalia beyond warlords The Need for a Verdict on Human Rights Abuses 1993.
4- Alison Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port january 5 1993 The New York Times.
5- Médecins Sans Frontières. Three MSF aid workers killed in serious incident in Kismayo, Somalia, 28 January 2008.
6- Dennis King, Chronology of Humanitarian Aid Workers killed in 1997 – 2001 reliefweb Int 2002.
7- Jaamacada Banaadir Reports.
8- Reuters Suicide bomber kills three Somali ministers December 3 2009.
9- World Human Rights Reports.
10- Al-Shaahid Center for Research and Dialogue..
11- Somali Articles.

Qalinkii: Dalmar Haji
DalmarXaaji@live.com

Sunday, August 29, 2010

Aqoon kororsi

Aqoon kororsi
OPEC waxaa laga soo gaabshey Organization of Petroleum Exporting Countries somali ah waxey noqon kartaa Hey'ada mideysa dalalka soo saara batroolka ee OPEC.

Dalka Venezuela ayaa ahaa dalki ugu horeyay ee keentay fikir ah in Dawladaha dhaqlaahooda ku xidhan yahay Shidaalka aay samaystan Urur uu gar ah sanadkii 1949.


Dalka Venezuela ayaa ahaa dalki ugu horeyay ee keentay fikir ah in Dawladaha dhaqlaahooda ku xidhan yahay Shidaalka aay samaystan Urur uu gar ah sanadkii 1949. Waxana ku taageeray fikirkii Venezuela wadamada Iran , Gabon , Libiya ,Kuwait iyo Boqortoyada Sucuudia Arabia.

Sanadkii 1960,bishii October 14 ayaa waxa shir u ka dhacay Magalada Baghdad Casiimada Dalka Iraq.Shirkas waxa ka qayb galay Madaxda iyo Wasirada Shidalka ee wadama Iraq,Iran,Venzeuela,Kuwait iyo Saudia Arabia.

Sababaha iyo ujeedooyinka ka dembaysa kulankas aya aha sidii loo adkaayn ama xoojin laha ganacisga shidalka ee ka dhaxeeya dalalkas lana ilaaliyo,horumar-na lagu samayo qimaha iyo ganacisga petrolka.Natijadii shirkas aya Madaxdasi isla garteen in go’an la soo saro tas oo ah in la dhiso urur ka shaqeeya arimaha kor ku xusan waxana lagu magac daray OPEC “The Organization of Petroleum Exporting Countries”.

Xubnaha OPEC ayaa sii kordhay ka dib markay dalal farabadan aay ku so bireen kuwas oo kala ah Qatar (1961), Indonesia , Libya (1962), Emirates(1967), Algeria (1969) iyo Nigeria (1971).

Dalka Ecuador aya ka baxay ururka sanadki 1992 ka dib marku dalkas u bixini karii wayay 2$ million dollar tas oo ah fee-ga xubinimada.Lakiin sanadki 2007 ayay Ecuador dib ku so noqotay xubinimada OPEC.

Wadanka Angola ayaa ka mida wadamada dhawan ku so biirey OPEC waxanu so galay 2007. Dalalka Russia iyo Norway waxay ka mid yihiin xubnaha aan joogtada ahayn.

Dalka Indonesia ayaa ka baxay ururka marku dalkas ka mid noqday wadamada so deejiya shidalka.Sida sharciga OPEC uu dhigmayo waxa xubin ka noqoni kara dalalka dhoofiya shidalka.Wadamada so dejista lama ogola in ay xubin ka noqdan.

Headquater-ka OPEC ayaa ku tala Magalada Vienna Casimaada dalka Switzerland,xagas oo ay Madaxda iyo Wasiirada dalalka dhoofiya shidalka aay isku yimadan,shirarna ku qabtan.

Waxa imaka Xogahaye ka ah uruka OPEC Mr.Abdallah Salem el-Badri oo u dhashay dalka Libya waxana shaqada u qabsaday 2007.

Hadaba Wadamada kuu bahoobay Ururka OPEC ayaa badanka Xaddida waa soo sarka shidaalka .Qiimaha shidalkana wuxuu ku xidhan yahay inta Foosto ee shidaal aay soo saran wadamada OPEC.

Dalalka ugu keydka badan Shidalka (Reserve) :

1.Saudia Arabia 267 Billion Barrels/Day

2.Canada 179 Billion Barrels/Day

3.Iran 138 ,, ,, ,,

4.Iraq 115 ,, ,, ,,

5.Kuwait 104 ,, ,, ,,

6.UAE 98 ,, ,, ,,

7.Venezuela 87 ,, ,, ,,

8.Libya 41 ,, ,, ,,

9.Nigeria 36 ,, ,, ,,

Dalalka ugu soo Dejista badan (Import) :
1.USA 122,220 Barrels/day

2.Japan 5,097 Barrels/day

3.China 3438 ,, ,,

4.Germany 2483 ,, ,,

5.South Korea 2150 ,, ,,

6.France 1893 ,, ,,

Dalmar Omar Gacal
Nairobi- Kenya
qoraalkan waxuu soo baxay 19/01/10

Burcad badeed?

Burcad badeed?

Dhawaanahaan waxaa isa soo taraya tirida marakiibta lagu afduubto xeebaha Somaliya. Arintaan ayaa waxay sababtay caalamka oo rabay in uu indhaha ka qabsado dambiyada culus ee laga geysanayo dhulka Somaliya uu haatan xariir iyo shirar ka yeesho arimaha Somaliya, inkastoo xiriirkaa uu ku saabsan yahay oo kaliya “sida looga hortagi lahaa dhibaatada ay u keeni karaan dhaqaalaha wadamada Europe, Asia iyo Mareykanka burcad badeeda Somalida”.
Waxaan qoraalkeyga oo ku saleysan maqaalada Reuters, AFP, Interfax, AP iyo ANP iyo arigtideyda shaqsi ahaan uga jawaabi doonaa su’aalaha hoos ku xussan:

Waa maxay sababta uu caalamka indha iyo dhagaha uga qabsaday arimaha Somaliya?
Waa ayo ‘burcad badeeda Somalida’?
Yaa ka dambeeyo ama maamulo waxaan lagu tilmaamay ‘burcad badeeda Somalida’?
Waa maxay danaha laga leeyahay hawlaha burcadnimo ee laga fulinayo xeebaha Somaliya?
Rajo malaga leeyahay in dalka Somaliya uu nabad iyo dowlad yeesho?
Caalamka:
Dalka Somaliya waxaa in muddo ah laga geysanayey falal ka dhan ah xaquuda aadanah. Ma rabo in aan kugu dawakhiyo tirada hogaamiye koxeed, wasiir, madaxweyne iyo dawladaha ajaanibka ah ee Somaliya ka geystay falalkaan ka dhanka ah xuquuxda aadanaha.
Basle waxaa isweydiin u baahneyn in Somaliya laga geystay falal uusan xamili karin uurka qofka caafimaad qaba. Arintaan iyada ah ayaa sababtay in caalamka uu indha ka qabsado arimaha Somaliya, maadaama aan maxkamad lagu soo taagi karin fal aysan joogin markii uu dhacayey isla markaan aysanba ogeyn in uu dhacay. Waxayna wadamada aduunka arimaha Somaliya u dhaafeen wadamo danaha ay Somaliya ka leeyihiin ay ka weyntahay cabsida ay ka qabaan in mustaqbalka maxkamad lasoo taagoo. Wadamadaan Somaliya falalkaan ka wada oo ay ugu horeyso Itoobiya, waxay ku dhiradeen ku dhaqaaqida falalkaan loo geysano caruurta iyo dumarka Somaliyeed markii ay Mareykanka ka heleen damaanad ah in aan maxkamad lasoo taagi doonin.

Wadamada EU waxay arimaha Somaliya ka ahaayeen mararka qaar dhax-dhaxaad markaad fiiriso kaalinta weyn ee uu Mareykanka ku leeyahay burbarka iyo dhibaatada wali ka socoto dalka Somaliya. Balse waxaan si saa'id ah u daboolneyn dhaqaalaha ay wadamada EU ku bixiyeen soo galitaanka iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya / Uganda ee dalka Somaliya.

Waxaase dhacday in wadamada EU markii ay arkeen dhibaatada ka dhalatey maalmihii ugu horeeyey ee ay ciidamada Itoobiya soo galeen dalka Somaliya iyo tirada dadka gacanta ciidamda Itoobiya ku dhintay, in ay bilaabaan dib u gurasho. Siyaasiin reer Europe ah oo uu ka mid yahay Louis Michel, Eric van der Linden iyo Jens Orlander ayaa markiiba waxay bilaabeen in gudaha EU looga shiro dambiyad EU uga imaan kara falalka laga geysanayo Somaliya oo ay EU dhaqaale ku bixiso. Waxaana EU u suurto gashay in ay sameeyaan guddi ka kooban xeer yaqaano oo baritaan ku sameeyey eeda EU uga imaan karta falalka ay ciidamda Afrikaanka ah ee maal geliyeen ka geysanayaan dalka Somaliya. Waxay guddigaan ku guuleysteen in ay helaan qorsho ay EU uga baxsan karto hadii mustaqbalka maxkamad lasoo taago. Gushaan ay gareen guddiga waxay suurta galisay in markiiba lacagtii loo balan qaaday ciidamda Afrikaanka lagu wareejiyo gacanta dowladaha Afrikaanka ah.

Wixii maalintaa ka dameeyey EU waxay ku dadaashay in magacayada EU iyo Somaliya aan 1 buug lagu wada xussan 1 qalinna lagu wada qorin. Siyaasiinta reer Europe ugu tunka weyn waxay sidoo kale bilaabeen in wixii su'aalo ah oo ku saabsan Somaliya ay ka caga jiidaan. Sidoo kale siyaasiin badan oo Afrikaan, Asiaan iyo Mareykan ah waxay bilabeen in markasta oo ay maqlaan Somaliya ay dhagaha, afka iyo indha is qabtaan.
Majiraa caadil/maxkamad kuu ciqaabi karto fal aadan geysan amaba aadan ogeyn in uu dhacay?

Burcad badeeda Somalida
Somalida waa dad aadanaha intooda badan kaga roon bad-baadinta naftooda, iska dhicinta hogaamiye-koxeedyada, risiq doonka (ganacsi), u dagaalanka cadaalada iyo waxyaabo badan oo aan halkaan kusoo koobi karin.
Bal waxaad eegtaa hooyada Somaliyeed ee kadib markii ninkeedi la’dilay ganacsi ay gashay caruurteeda horumar ku gaarsiisyay.

Imisa caruur Somaliyeed oo waalidkood la dilay, ayaa si karti leh uga baxsaday dalka Somaliya maantana dhaqaalo ay ka sameeyeen dalka dibadiisa ku bixinnaya xalka Somaliya?

Dib ugu noqo wakhtiga ee soo xisaabi tirada shaqsiyaad awood leh ee ay gacan isaga qabteen shacabka Somaliya.
Sidoo kale soo xisaabi tirada buugta uu caalamka ka qoray sida kartida leh ee ay isaga qabteen gumeysigii adeegsanay hub xiligaa casriga ahaa oo ay ka mid yihiin dayuuradaha wax lagu laayo.
Si maantana la isaga dhiciyo burcad badeeda waxaa loo baahayn in marka hore dhawr arimood la ogaado.
Burcad badeedaan tirada badan Somaliya hore looguma arag, ee xagey ka yimideen?
Wuxu ma’ahan qabiil meel daga, oo meel ama oday loogu hagaago leh. Mana ahan jabhad ama maamul goboleed. Waa run in dad badan ay ku eedeeyeen maamul goboleedka Puntland uu ka dambeeyo hawlaha afduubka, balse aniga ma doonayo in aan qoraalkeyga ku weeraro maamul/qabiil.

Balse marka aan akhriyey qoraalada Admiral Philip Jones iyo Andrew Mwangura, oo ay 1-da bisah oktober 08 xabsiga u taxaabtay dowlada Kenya maadaam uu qoraal ka qoray markabka MV FAINA ee hubka u siday Kenya laguna heysto xeebte Eyl ee dalk Somaliya iyo qoraalo ay arimaha Somaliya kasoo saareen xafiisyo madaxbanaan oo isku hawla amaanka biyaha Somaliya. Waxaan arkay tirada afduubka oo sii kordheyso iyo dhaqaalah laga helo afduubkaan (sanadkaan kaliya waxaa la afduubay ka badan 30 markab, waxaana laga helay ka badan 30 milyan dollar)
Burcaddaan maahan dhalinyaro calooshood u shaqeystaal ah. Waxay leeyihiin maamul ka caawiyo:
- Qorsheynta falalka burcadnimo
- Helista hub casri ah
- Isticmaalka ama qaabka loo adeesado doomaha dheereeyo
- Helista iyo barashada isticmaalka qalabka isgaarsiinta casriga ah
- Guriyenta iyo waxyaabo badan oo u suurta galiyey in ay u sahlanaato afduubista ` maraakiibtaan.
Dhalinyaradaan ma’ahan kuwo matalo qabiil, inkasta oo intooda badan ay kasoo jeedaan hal qabiil, lamana oran karo waa kuwo u shaqeeyo dano qabiil.

Yaa ka dambeeyo ama maamulo?

Falalkaan waxaa ka dambeeyo siyaasiin Somaliyeed oo bilawgii dhaqaalo badan ku bixiyey, balse haatan hawlaha burcadnimo ka helo dhaqaalo / faa’iddo badan.
Siyaasiintaan waxay qaarkood ka mid ahaayeen dowladihii soo maray Somliya halka qaarkood ay wali xubun ka yihiin ama miisaan ku leeyihiin siyaasada DFKMG ah.

Danaha laga leeyahay

Caalamka wuxuu haatan ku hawlan yahay sidii uu kaga fogaan lahaa eed ku saabsan xuquuqda aadanaha oo mustaqbalka kaga timaado Somaliya. Sida awgeed waxay wadamada EU xaddadeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen Somaliya. Arintaanna waxay sababtay in dhaqaalaha iyo awooda DFKMG ah uu hoos u dhac ku yimaado.
DFKMG / siyaasiinta qaarkood waxaa lasoo daristay cabsi saa’id ah. Waxaa yaraadey dhaqaalihii soo gali jirey DFKMG, ciidamada AMISOM oo dhaqale badan loo hayn iyo wararka sheegaya in Itoobiya ay kala baxeyso ciidankeeda Somaliya oo batay ayaa cabsi darran ku abuuray siyaasiin Somaliyeed.

Sida kaliya ee siyaasiintaan ay cabsidaan uga bixi karaan ayaa ah iyadoo caawinaad dalka dibadiisa ah ay helaan maadaama aysan wax kalsooni ah ka heysan shacabka Somaaliyeed.
Maadaama uu caalamka baroorka siyaasiintaan iyo DFKMG dhagaha ka fureystay waxay danta ku qasatay in la helo qaab kale oo caalamka markale loogu soo jeediyo arimaha Somaliya.

Shidaalka ay wadamada aduunka helaan 30% waxaa laso marsiiyaa wabiga Suez (Qanâ el Suweis). Waxuu wabigaan isku xiraa qaaradaha Afrika iyo Asiya waxaana isticmaalo sanad walba 15 kun oo markab.

Wadamad EU iyo Rush-ka amaanka wabigaan muhiim saa’id ah ayuu u leeyahay maxaa yeelay qeb weyn oo dhaqaalohooda ka mid ah ayaa ku xiran halkaan.
Sidaa awgeed waxay dantu ku kaliftay in ay wax ka badalaan siyaasadoodi ahayd wax ma maqlo waxna ma arko.

Xiriirkaan sida cajiibka lagu soo noleysiiyey wuxuu farxad galiyey tiro siyaasiin ah iyo DFKMG ah.

Wadamada haatan marakiibta dagaal usoo diray Somaliya ama qorshohoodu yahay waxaa ka mid ah: Belgium, Cyprus, France, Germany, Lithuania, the Netherlands, Spain, Sweden, Britain iyo Rusia. Waxaana lagu heshiiyey xafiiska weyn ee laga maamulayo qorsha laga hor tagaayo ‘barcad badeeda Somalida’ in laga dhigo magaalada London.
Waxaase su’aal ka taagneyn in mar walbo marakiib dagaal iyo dhaqaale caalamka laga helo aan lagu maamuli karin dalka iyo dadka Somaliyeed isla markaana ay muqaddas tahay in la helo kalsoonida Somalida.

Rajo
Somaliya waxay ka tilaabtay marxalado kala duwan, shakina kuma jiro in xaalada ay hadda ku jirto ka bixi doonto.

Waxaa soo kordhayo tirada dibad baxyada xorta ah ee ka dhaco Somali, tirada siyaasiinta dibada joogo ee midoobayo, tirada qabaa’ilada wada shaqeynayo si ay danta guud ee ka dhaxeyso u gaaraan iyo arimo badan oo ku dayasho muddan oo ay dhawaanahaan ku dhaqaaqeen muwaadiniin Somliyeed. Marka aad aragto tirada sii kordheyso dalka iyo dibidaba ee muwaadiniinta Somaliyeed ee wadaninimada ay ka muuqato isla markaan ka fogaanayo wax walba oo salka ku hayo qabiil iyo neceyb, waxaa kuu muuqanayo in xalku uu soo dhaw yahay.

Guul iyo nabad aan loo dhibtoonna ma raagaan.
W/Q Dalmar Omar Gacal
Hargeisa- Somalia
qoraalka waxuu ahaa 20/02/09

SIDEE LAGU HELAA SHAHAADADA TACDIILKA AMA ISBARBARDHIGA (THE EQUIVELENCE CERTIFICATE) EE WADANKAN PAKISTAN?

SIDEE LAGU HELAA SHAHAADADA TACDIILKA AMA ISBARBARDHIGA (THE EQUIVELENCE CERTIFICATE) EE WADANKAN PAKISTAN?


HORDHAC/GOGOL DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaah ha siiyo.

Intaa kabacdi; Shahaadada Tacdiilka (The Equivelence Certificate) ayaa ah, shahaado ardeyda Soomaaliyeed si aad ah eey ugu wareereen, waliba qaar mustaqbalkooda waxbarasho Mugdi weyn galisey oo gilgishey dhab ahaan, illaa maantadan lajoogana ardey aad u farabadan ayaa ku wareersan Shahaadadaa Muhiimka ah. Nasiib wanaag! Waxaan isu xilsaarney in aan baaritaan xoogan ku sameeyno dhibka jira, si aan u ogaano waxa keeney, waxa gaarsiiyey meesha uu gaarey iyo Xalka arintan jiqda isku ah ee madaxa isla gashey, taasoo Alla mahadiis Nasiib wanaag aan soo helney! Ugu dambeyna waxaan usoo gudbineynaa Xalkaas loo wada ooman yahay ummadweynta Soomaaliyeed si looga faa’ideysto. Waxaana Allaah ka rajeyneynaa in Waalid farabadan iyo ardeydooduba warbixintan xaqiiqdii Utun ama Mariid ku taagneyd ka siibi doonto, Duco hal haleel ahna inoo duceeyndoonaan. Anigan qorey, intii iga caawisey iyo website-kan qiimaha badan ee ummada wanaagan usoo gudbinaya, ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karinna Allaah uu inaga wada siiyo.Aamin

WAXA EEY TAHAY SHAHAADADA TACDIILKA AMA SHAHAADADA ISBARBARDHIGA (EQUIVELENCE CERTIFICATE}

Hadii aan marka ugu horeeysa qeexno ama tacriifino (The Defenition) Shahaadada Tacdiilka ama Shahaadada Isbarbardhiga (The Equivelence certificate), waa shahaado cadeyneysa in shahaadada ardeygu kala yimid wadan kale eey la mid tahay tan laga qaato wadankan Pakistan ee ardeygu uu doonayo in uu waxkabarato. Shahaadadan ardeygu wuu u baahan yahay marba hadii uu Shahaadooyinkiisa dibada kala yimid, rabana in uu wadankan Pakistan waxbarashadiisa kasii wato. Shahaadada ardeygu uu wato waxeey noqon kartaa mid Dugsi sare, ama mid ah heerarka kala duwan ee waxbarashada jaamacadeed.

Shahaadadan Isbarbardhiga ama Tacdiilka waxaa loo kala qaadaa labo qeybood. Waa mida Koobaade ardeyda wadata shahaadada Dugsiga sare, taasoo eey kala yimaadeen wadan aan Pakistan aheyn, waxaa loo sameeyey meel u gaar ah oo eey ka doontaan. Qeybta kale waa ardeyda wadata shahaadooyinka kala gadisan ee jaamacadeed iyana waxaa loo sameeyey meel kaloo aan aheyn isla xaruntii hore, inkastoo labada waaxoodba eey isla hoos tagayaan kana mid yihiin Hey’ada Tacliinta Sare ee wadankan Pakistan ee loo yaqaa (Higher Education Commission “HEC”).

Ardeyda dooneysa in eey jaamacad ka bilaabaan wadankan Pakistan, waxaaa looga baahan yahay in eey soo qaataan waxbarashada asaasiga ah ee ka kooban 12-ka sano “12- years of formal basic education” taasoo kala ah: Dugsiga Hoose , midka Dhexe iyo Kan sareba. Maadaama ardeydaas eeysan wadankan ku qaadan 12-kaa sano ee waxbarasho, waa in eey heeystaan shahaadadan cadeyneysa (The Equivelence Certificate) in eey soo qaateen waxbarasho 12-sano ah, waliba 12-kaa sano la midtahay 12-ka sano ee waxbarashada asaasiga ah ee wadankan Pakistan laga qaato. Shahaadadaas waxeey ka saacideysaa ardeyda in eey si dhib la’aan ah loogu ogolaado waxbarashada jaamacadeed ee wadankan Pakistan, una noqdaan ardey u qalanta “Qualified” waxbarasho Jaamacadeed.

DHIBKA MARKII HORE KATAAGNAA SHAHAADADA TACDIILKA AMA ISBARBARDHIAG

Xaqiiqdii in Mudo aheydba dhib weyn ayaa ka taagnaa helidda Shahaadadan. Ardey aad u farabadanna waa eey ku rafaadeen, qaar ayaa iyagoo jaamacada dhamaad u mareyso kusigteen in Shahaadadaa darteen loogaba eryo gabi ahaanba waxbarashadii jaamacadeed. Illaa iyo hadana ardeybaa qarka u saaran in laga joojiyo waxbarashada jaamacadda. Ardey kaloo jaamacaddii dhameeyseyna waxaa laga xayirey oo loo diidey Shaahadadii jaamacadeed (The Degree) laguna yiri illaa aad keentaan shahaadada tacdiilka, cidiba idin siinmeyso Degree-giina.

Waxaa is weydiin mudan; hadii waqtiyadii hore Shahaadadan iska sahlaneyd helideeda maxaa keeynay in laga joojiyo Soomaalida siinta shahaadadan? Waxaa loo aaneeynayaa dhowrkan arimood ee soo socda:

1-Niman Si Khaldan u fikirey: Marka aan leeyahay niman si khaldan u fikirey, waa sax maxaa yeeley hadii akhristoow sida eey u fikireen sababtey in ardeyda Soomaaliyeed dukumiintiyo eey heli jireen, gabi ahaanba waayeen oo loodiidey, soow fikirkooda ma qaldana? ayaguna soow kuma sifoobayaan niman si khaldan u fikirey? Jawaabtu waa haa. Mudo markii xafiisyada Pakistan u qaabilsan dukumiintiyada ardeyda Ajaanibta ah Soomaalida ku wareersanaayeen, ayaa waxaa eey madaxdii Pakistan-ta aheyd ee qaabilsaneyd howlahan weydiiyeen ardeydii Soomaaliyeed iyagoo dhahaya “waxaad inoo keentaan ardeydiina Soomaaliyeed bil gudaheed shahaadooyin eey ku kala saxiixan yihiin boqolaal waziir oo midkastaba saxiixiisa u gaaryahay, ee waziiradiinu ma maaliskasta ayaa la badalaa mise wax weyn ayaa si idinka ah? Hadii aan si kale u dhahno micnuhu waa “Ma Foojiriisteyaal baad tihiin?” Guuxa markii uu batey ayaa waxaa Xafiisyada Dowlada tagay Koox is wadata, waxeeyna u geeyeen shahaado gaar ah, waxeey u sheegeen mida eey wataan in eey tahay tan kaliya ee saxda ah, taasna eey noqoto mida eey tahay in eey aqbasho Dowlada Pakistan, waxa kalana eey yihiin wax qaldan oo aan sax aheyn gabi ahaantoodaba, lana soo wadafarsameeyey, sidaa daraadeedna eey qashinka ku daraan. Ogoow akhristoow! Talaabadaas khaldan ka hor ardeyda Soomaaliyeed waxeey geeysan jireen shahaadadii eey wataan, ha ahaadeen shaadooyinkii Dowladii ka horeysey buburka, ama shahaadooyinka Iskuulada waqtigan shaqeeya, iyo hey’adaha eey ku bahoobeen intaba sida: FPENS. Natiijadii waxeey noqotey in Shahaadadii eey la gulfinayeena cidi ka aqbalin, kuwii kalana guud ahaanba la joojiyo! Xaqiiqda ayaa waxeey tahay “Meelkastoo Soomaalida ka xiranta, Soomaali kale ayaa Sooxirtey” laga yaabe in eey is lahaayeen, ummada dhuunta qabta, “Mukhallasiin” ka noqda, kadibana ka lacageysta!. Soow xaalkuba ma noqon “ Afkiibaa Juuqda gabay!”

2-Burburka ku yimid Wadankeeni Hooyo, Cabdalla Shideeye iyo Xarumahiisa Dalka: Arinta labaad ee loo aaneynayo ayaa waxeey tahay burburka ku yimid wadankeenii Hooyo. Wadan burburkiisa wuxuu yahay isaga sheekeeyn meyno oo waa waxa nadhigey meesha Soomaali taal manta, ee xaqiiqdii dad badani kaba quusteen “Naxariista Allaah lagama quustee”. Burburkii wadanka waxaa la burburey waxkastoo Soomaali Shansaneeysey. Hadaanse dhinaca Ardeyda iyo waxbarashadooda si gaar ah uga hadlo, waxeey waayeen waxbarashadii lacag la’aanta aheyd dibadana Dowladoodu ugu diri jirtey, halkii waalid aan waxba heysan culeyskaa lagu fiirsan lahaa, -waqtigan dhibka badana iskaba daa warkiisa- iyo ufududeynta waxkastoo wadanka ardeygu waxkabaranayo uu uga baahdo, inkastoo aan maantaba leenahay Safaarado Agoon ah.

Hadaan usoo laabto Maxallushaahidka ama ujeedada hadalka, akhristoow waxaa dhacda in laba shahaado oo wadanka laga soo wada qaatey iskuna waqti ah, ayaa midi waxaa uu magaca wadanka ugu qoran yahay sidatan: Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya “Somali Democratic Republic” halka tan kalana uu ugu qoran yahay Jamhuuriyada Soomaaliya “Somali Republic” labadii ardey oo halmar wadanka isla yimid, hal wadanna kawada Socda, iskuna waqti ah, ayaa magacii wadanku kala duwan yahay, sidee Dowlada loola tagayo u fasiran kartaa? Dabcan magaca wadan mararka qaar weey dhacdaa in la badalo, laakiin mar hadii la badalo wixii dukumiinti ah ee ka dambeeya waqtiga magaca wadanka la badaley, waxeey qaataan magaca cusub ee Wadanka loo bixiyey, laakiin hadii labadan Shahaado ee isku waqtiga la bixiyey, magacii wadankaas laba siyaabo ugu kala qoran yahay, bal adiga si uun u sharax! Waxeey Soomaalidu tiraahdaa “Nimaan yaabinaa waa yaabey yiraa (dhaha)” waxaase intaa kasii dhib badan labadaa magac ee halka wadanba aan wadannee, “Waa ka daroo dibi dhale!” shahaadooyinka haltaariiq lawada saxiixey ayaa waxaa kala saxiixey waziirayaal Waxbarasho ee aan lasoo koobi Karin cadadooda, oo midba magaciisa iyo saxiixiisuba u gaar yihiin!, waayaabe ma waxaan dhahnaa Ilbiriqsiyo ayaa Waziiradeena waxbarasho loo badalaa!?. Waxaa sidoo kale jirta in shahaadooyinka qaar dadka farsameeya eey ku soo gaaraan iyadoo magaca waziirku ku daabacan yahay oo mabadalikaraan, laakiin maadaama meelo farabadan oo isla Cabdalla Shideeye ah lagu sameeyo iyo xarumihiisa kala madaxa banaanba ee daafaha wadankoo idil ku kala yaala, waxaa saxiixa Shahaadadaas iyadoo magaca waziirku uu ku daabacan soo baxdey ninka markaa uun kuu sameynaya, hadaba waxaa kuusoo baxa magaca hal waziir waxbarasho, malaayiin Saxiix oo kala Duwana leh!, keebaa sax ah? keebaase khaldan? BaL adiguba isweydii! Sideed u sharaxeysaa Ileyn waxa Dukumiintiyada loogeynayo waa Dowlad nidaam iyo kala dambeyn leh oo sida eey xoriyada u qaadatey Augost14,1947 aan sideena oo kale dib u noqon oo aan is cunine.?

Xikmadaheena Soomaaliyeed ee Hodonka ah ayaa waxaa ka mid ah mid dhaheysa “Gaalka dil Gartiisana sii” oo micnaheedu yahay: Hadii aad waxsheegeeyso xumaan iyo wanaagba ka sheeg, inta aad xumaanta uun sheegi laheyd. Xaqiiqdii Cabdalla Shideeye wuxuu ummada u hayaa howshii wazaaradihii Dowlada ummada u qaban jireen, marka laga hadlo wixii dukumiintiyo ku saabtsan. Xaqiiqduse waxeey tahay waxwalboo wanaag leh xumaana wey leeyihiin haba kala badnaadeene.

Cabdalla Shideeye, isagaa ah meesha waxkasoo baxaan, marka waad dareemi kartaa kaalinta uu ku yeelan karo dhibka jira.Waxaa dhacda in Shahaadooyinka uu cabdalla Shideeye Sameeyo qaar waxyaabo xaqiiqdii iyagu eey ku filnaan lahaayeen, eeysan wax mas’uuliyad ah iska saarin- laga yaabe in qaarkood tabarba eey ka noqotey-. Wixii dhib guud ah ee jira ee wax weyn eeysan ka qaban Karin waa gaar, laakiin wixii eey ku filanyihiin waxaa wanaagsanaan laheyn in eey si dadnimo leh ugu guntadaan. Tusaale ahaan waxaa ardey degdeg kusoo baxaya loosoo sameynayaa oo hoosta laga soo galinayaa shahaado maadooyinka qaarna loosoo buuxbuuxiyey, qaar kalana meeshii oo banaan laga tagayba, ama magacii maadada meesha ku qoran yahay ayadoo buundooyinkiina banaanyihiin, halka kuwo kalana maadooyinkii iyo buundooyinkiiba qoran yihiin laakiin loo qorey in ardeygu maado kastaa ku dhacsan yahay oo kale, halka luqadaha qaarna eey buundooyin sareeya ugu qoran yihiin -waa isla shahaadadiiye akhristoow ogoow!-.

Bal fiiri sawirka Shahaadadan ee la socta warbixintan. Maxaa yeeley dadka kawada shaqeysta cabdalla Shideeye qasab maaha in eey isku si uwada yaqaanaan Carabiga, Soomaaliga iyo English-ka, ummad farabadan ayaa waqtigu geeyey cabdalla Shideeye, waligoodba yeysan xafiis shaqadiis arkine, ileyn “Dani waa Seetee!”


Shahaadadii Khaldaneyd ee Cabdalla Shideeye

Waxaa iigu Yaab badneyd markii Arday aan u xareynayey Shahaadadan Tacdiinka aan ku baraarugey in Sanadka uu Dhashey ee ugu qoran Baasaboorkiisa iyo kan ugu qoran Shahaadada Dugsiga Sare eeyba u dhaxeeyo Sanad dhan! Sanadkee baad u qoreysaa ardeygaa? Hadiise aad sidaas ku gudbiso oo lagu qabsado wixiisoo dhan soow Cancel maaha? Waliba soow lagama yaabo in eey Saameyn Mustaqbalkiisa waxbarasho ee Wadankan Pakistan ku yeelato? “Allow Sahal Amuuraha, Anna waan ku Sugayaa!”

MUKHALLISIINTA IYO MAXAA KALA HEYSTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE WADANKAN PAKISTAN

Soomaalida ayaa waxeey ku maahmaahdaa “Nin Bukoow Boqoli kuu talisey!” taasoo micnaheedu yahay marka qofku Bukoodo/Xanuunsado/jirrado, cidkastaa talo kusoo tuurta, “Bal sidaasna maa lagu dayo/tijaabiyo!” ayaa qofkiiba ka naxaya dhahaa.

Dhibweyn ayaa ka taagnaa helida Shahaadadan Muhiimka ah. Dhibkaa jira darteed waxeey noqotey in xalkastaa leysku dayo. Qaar Cabdalla shideeye ayey Lasoo xiriireen -ileyn iyagaa waxkasta farsameyn jiraye- si uun jaamacada eey u tusiyaan, shahaadadii ka xanibneydna ugu qaataan, waana arrin aad u Risky badan, maxaa yeeley waa shahaado leh Tiro Tixane ah “Serial number”, wey sahlan tahay in lagugu qabto, hadhowna lagugu qaado xukun “Foojiriinte!” oo ah mid aan sahlaneyn. Pakistan-se waxaa kugu filan in halmar lagugu tuuro “Xamsiyadeeda sida sahlan lagu galo laakiin sanado eey qaadato in lagu soo xasuusto”.

Maxbuus Pakistani ah laguna magacaabo Shehbaz Javed oo laga daawadey TV-ga DAWN NEWS ayaa wuxuu yiri “Waxaa leygu xukumey halsano oo kaliya waxaana hadda ii dhamaadey Tobankii sano, walina waan ku jiraa!!!” Soomaalida qaarkeedse waa Qar iska tuuryaal. Cabdalla shideeyuhu aduunka meelkastuu ka jiraaye, qaarbaan Soomaaliyaba waxba u dirsan oo gudahaba ka heley kuwo wax farsameeya, ayadoo dadka intiisa badan looga dhigey mid saxan, maadaama eeysan ka warheyn, loogana qaatey dukumiintigaa “Bugta ah” lacago u dhexeeya Rs: 9,000/ taasoo la eg ( $150), -illaa 12,000/ ($200/) dabcan qiime kasii badanna waa jiraa kaasooo dad looga qaatey-.Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa “Ilaahoow qof aan wax ogeyn ha cadaabin” Lacagtaa waxaa ardeyda ka daldasha niman Soomaali ah oo la qaraabta niman Suudaan iyo Pakistaani ah, oo waa kala qeybsadaan wixii ardeygaa Soomaaliyeed looga helo waraaqahaa aan waxba istaahilin. Mukhalasiinta qaarkooda “Goowso Dhacsadeyna” waxeey Pakistan-ta u tuuraan Shantoo Boqol oo rubi ($8.3/) wixii kalana iyagaa qaata.

Qaabka ugu xun ee Mukhalasiinta qaar ee ugu indhaha adag sameeyaan ayaa waxaa ka mid ah, in eey u tagaan madaxda joogta meelaha laga bixiyo dukumiintiyada Muhiimka ah nuucii eey rabaan ha ahaadeene, kadibna ku yiraahdaan ninkii Pakistaniga ahaa “War maxaad lacag la’aan ugu bixineysaa Dukumiintiyadan, dadkan lacag waa weyn ayaanba nooga qaadi karaaye, hada kabacdi kiiba Soomaali ah ee kuu yimaada hebel u tag dheh, si aan u noqdo qofka kaliya ee wax kaasoo sameyn kara, ee heliba kara dukumiintigaa loo baahanyahay, waa ballan in aan lacag ka wada dharagnee” Pakistani markii horaba mushaarka ku yaraa, dukumiinti uusan lacag gaar ahna ku heli jirina bixinjirey, hadii Dollar waa weyn la baro, soow ummadoo dhan hal Mukhallas cunaha ha ku wada dhago maaha!? Akhristoow meesha Hunguri dadka qaar la galayse Arag!

Xaalku intaa kuma ekee, waxaa jira warar Suuqeed ayaamahan Soomaalida wadankan Pakistan isla dhexwareegeysey, kaasoo sheegaya in Shahaadooyinka lagu soo sameeyo Cabdalla Shideeye kala roonyihiin! Tusaale ahaan in shahaadada “Nin gaar ah” uu sameeyo laga aqoon sanyahay wadankan Pakistan! Oo hadii aad ninkaas kasoo sameysato shahaadada dugsiga Sare, aad heleyso Shahaadada Tacdiilka ah ee lagu wareersan yahay, waliba si fudud lagugu siinayo. Waxaas wax kajiraa haba yaraatee ma jiraan. In warkaas dhahaya shahaadada nin hebel sameeyo ayaa saxan uusan habayaraadee waxba ka jirin waxaan u cuskanayaa oo dabcan wax loo cuskado ugu haboon xaqiiqatan, xiriirka aan la yeeshey Safiirka Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan H.E Danjire Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, wuxuuna ii xaqiijiyey in waxaasi eeysan waxba ka jirin, Aniganna waxaan u xareeyey dhowr ardey oo Shahaadooyin kala Duwan ee Cabdalla Shideeye wata, weyna usoo wada baxdey oo Alla mahadiis hadda wey wada heystaan. Kuwii warkaa faafiyey ula jeedada eey ka lahaayeen Nin walboow sidaad rabto u qaado!

Waxaa jirta in Shahaadada ugu roon ee Pakistan qofba la soo aado eey tahay shahaadada FPENS, waliba waxeey nimankan Pakistan-ta ku dhagan yihiin Shahaadadii FPENS-ka ee wadata Saxiixii Ustaad Axmed Cabdullaahi Sheik Muxammad (Macallimkeygii Taariikhda islaamka ee Dugsigeygii Sare, ahna Madaxa Iskuulkeeygii Mu’assasatul Imam-A-shaafici.). Waxaanse hubaa in Safaarada Dadaal u geli doonto in eey ka dhaadhiciso xafiisyadan Pakistan-ta in gudoomiyayaasha is bedeli karaan, sidaasna sixiix kale ku imaankaro, inkastoo wixiiba FPENS wata raja weyn lee yihiin, gaar ahaan marka aad xareysaneyso engineering ama Medicine. Xaqiiqdii ma garanayo waxa ku dhacay hey’adihii kale sida: SAFE iyo SOFA. Laakiin Shahaadooyinkii kaloo idil ee Cabdalla Shideeye ama Dowladii Millatery-ga, wax eey is dhaamaan haba yaraatee ma jiraan ee “Guntiga Dhiisha ka dhigo”.

MALLA HELAA SHAHAADADAN?, WADADEESE LOOMARAA?

Waxaan dagaal xoogan kala kulmey rag isugu jirey Mukhallasiin Socod barad ah oo afka kala tagay oo Hungurigoodu uu Caqligiiba ka dheereeyey, iyo Mukhallasiintii ku Goowso dhacsatey ee meesha ka Hunguri baratey. Soomaalida ayaa tiraahda “Dawaco (Dacawo) meeshii eey macmacaan ku barato ayey Macluul ugu baqtidaa” waxaa leygula dagaaley in aan ahay nin aan shaqeysaneyn, ragu in uu shaqeystana aan u ogoleyn,“Riibi geedo ma daaqo, lagamana Daaqo” Rag ayaa yiri lacag xoogan ayaa la inoo ogolyahay ee Cabdi Boqorow wadadan hadii aad soo heshey Anagana inoo sheeg “Sir ahaan” Nimcatul Fashuuqanna inala guro oo ummada ha gaarsiin, hadii aad rabto adiga ayaan kuu wada keeneynaa lacagta aan dadka ka qaadno iyo dukumiintiyadaba ee adiga xaree lacagtana inoo qeybi ee fadlan ummada ha gaarsiin. Waxaan ku iri “Lacagtaa Ilaah meel ka kheyr badan ha iiga Sahlo” maxaa yeeley xaqiiqdu waxeey tahay, qofka laga qaadayo $200/ waa dhibane nafla Caarignimo wado, oo aan garaneyn meel kaluu aado, hadii xaqiiqda sida lagu soo helo uu ogaan lahaana ma bixiyeen lacagtaa, wax gaar ah uusan isaga qabsan karin oo nimankan qabanayaana ma jiro, soow lacagtaa Xaaraan maaha marka?

Mukhallasiinta qaar ayaa ku qaraabta in eey wadada caadiga ah ee lagu helo dukumiintiyada qaar soo raadiyaan oo dadaal galiyaan, markii eey soo helaana dadka uga dhiga wax aan la heli Karin in eey iyagu doonaan maahane. Calool xumada jirta ayaase waxeey tahay in ummadu eeysanba rabin in eey is luraan (Is dhibaanba) oo hadiiba la yiraahdo “Hebelbaa sameeya ama soosaara dukumiintigaas”, waxeey horey ka leeyihiin “Lacagta waa iga tan ee hoo”, ayadoo laga yaabo in guriga Muskiisaba uu ku yaalo xafiiska la geynayo, isagoo lacag la’aan ah, wadaduna fududahay. Marka lacagtii larabana waa lagaa qaadanayaa, gurigaada Muskiisana dukumiintiyada ayaa lageeynayaa!

Akhristoow markii aan safaro dhaadheer u galay wax ka ogaashaha Shahaadadan Tacdiilka ee murugada Ummada ku dishey, anigoo sidoo kale dhowr wiil oo wadanka ku cusub hal mar u wada xareeyey, 9-maalin gudo hoodna ugu soo wada baxdey dhib la’aan Shahaadadii Tacdiilka ee helitaankeedu Mustaxiil-ka ahaa, ayaan waxaan go’aan sadey in aan ummada gaarsiiyo in la heli karo iyo wadadii saxda aheyd ee aan u marey, qarashkana yareyd, aanna loo baahneyn in “luuqluuq la maro” ama wax “Laaluush” ah la bixiyo.

Akhristoow waa la helaa Shahaadadan wadadii loo marayey oo si waafi ah u faahfaahsanna waa tane si fiican u dhuux. Marka horase; waxaa Allaah mahadiis ah in xal loo helay shahaadadan lagu wareersanaa ee ardeydu ka taagneyd “ Alloow Ur u bixi”. Inkastoo Nasiib darro! ardey ogba eeysan jirin qoraalkan ka hor marka laga reebo inta aan Af-ahaan “Orally” ugu sheegay. Xaqiiqdii waxaa mahadweyn iska leh “Allaah kabacdi” H.E Mudane: Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan,(The Ambassador), Mudane: Axmed Cabdiraxmaan Sh. Nuur (First Secretary and D.H.M.) iyo dhamaan shaqaalaha Safaarada Soomaaliyeed ee Wadankan Pakistan oo dadaal xoog leh u galay sidii dhibka Ardeyda heysta uga dulqaadi lahaayeen, xalna ugu heli lahaayeen mushkilada meesha ka oogan, iyagoo ugu dambeyntii ku guuleystey Allaah Mahadiis.

Wadada loo maro helitaankeeda ayaa ah sidan soosocota:

Ugu horey waxaad u baahan tahay in aad Safaarada kasoo qaadato warqad sheegeysa in aad sooqaadatey waxbarasho 12-sano ah, shahaadada Dugsiga sare ee aad wadatana la midtahay ama u dhiganto shahaadada wadankan ee lagu magacaano “F.SC”, waxeey safaarada kaa qaadeysaa lacag aad u yar dhanna Rs: 300/ ama $5/, oo ah “Ka qeyb qaadashada Ijaarka/Kirada Safaarada”, waxaad warqadaas orginal-keeda iyo min hal Koobi oo ah Shahaadada dugsiga sare, passport-kaada (Valid Passport) iyo fiisaha waxbarasho (Study visa) ee aan dhicin, iyo sawir Passport size ah, ula tageysaa xarunta Hey’ada Tacliinta sare ee Pakistan qeybteeda u qaabilsan shahaadada Tacdiilka ee Dugsiyada Sare.

Waxaa xusid mudan in meesha laga xareynayo eey tahay Caasimada wadankan Pakistan ee Islamabad, waxaa sidoo kale jirta in xarumaheeda aad u farabadan yihiin, waliba meelo kala duwan ku kala yalaan, oo isla magaaladaa ah, maxaa yeeley qeybkastaa waxbey ku shuqul leedahay. Tusaale ahaan mid ayaa waxeey bixisaa wixii quseeya Shahaadooyinka jaamacadaha dibada laga soo qaatey oo kaliya, hadeey ahaan lahaayeen : Bachelor, Masters, M-phil ama Phd. Hadii aad dooneyso tan waa Xarunta Weyn ee Hey’ada Tacliinta Sare, adresskeeda, taleefanka iyo fax-ka lagala xiriiri karo waa sidan: Higher (Education Commission, Sector H-9,Islamabad. Ph: 0092-51-9040714, Fax: 0092-51-9040713, ama 0092-51-9258744).. Laakiin tan hadda ina quseysa ee aan ka hadleyno -madaama ardeyda wadankan soo gasha u badan yihiin ardeyda wadata Shahaadada Dugsiga sare-, ayaa xarunta lagala xiriirikaro iyana Addresskeeda, Taleefankeeda iyo fax-keeduba yahay sidan (Inter Board Committee of Chairman “IBCC”, At Federal Board Building, Near Shifa Hospital, H-8/4, Islamabad.Tel:0092-51-9235020 ama 0092-51-9235017. Fax: 0092-51-9250454), waxaad ula tageysaa dukumiintiyadii aan kor kusoo xusey, waxaad ka qaadaneysaa labo form oo midna lagu buuxbuuxinayo warbixin ardeyga kusaabtsan “Stdudent particulars”, halka kan kalana uu yahay midkii aad lacagta ku shubi laheyd.

Waxaa leyska qaadaa lacag dhan Rs1500/ una dhiganta ($25/,) waxaana markii hore lacagta lagu shubi jirey Bankiga address-kan leh, Allied bank Limited, I & T Centre, Branch Sarya Chowk, G-8/4, Islamabad, Laakiin waa laga badalley hadda oo Account-koodii weey kasoo rarteen, Muhiimada eey leedahay in aan xusana waa in formka lacagta lagu bixiyo uu wali ku yaalo/ku qoranyahay magaca Bank-gan iyo address-kiisaba taasoo laga yaabo in ardeygu uu ku habsaamo ama ku lug-go’o weyna dhacdey, iyadoo waqti iyo lacagba ka khasaarayaan ardeyga maadaama Islamabad meeshii aad aadaba Taksi uun la qaato. Hadase waxaa lagu shubaa lacagta Bangi isla xarunta ku dhexyaalla oo lagu magacaabo United Bank Limited (UBL), waxaa xusid mudan, in meesha eeysan laheyn meel wax lagu koobiyeysto sidaa daraadeed waa muhiim in aad Dukumiintiyadaada hore usoo koobiyeysato (min hal koobi),-hadii aan hada loo sameyn- maxaa yeeley meesha kuugu dhow waa meel aad Taxsi u qaadaneyso. Labada form ee aad buuxbuuxineeyso iyaga wax koobiyeyn ah lagaagama baahna, sidooda ayaad ku dhiibeysaa, waxaa sidoo kale jirta in “Orginal-ka Shahaadada Dugsiga sare” iyo Original-ka warqadii aad safaarada kasoo qaadatey iyo koobiyaashaba halmar lagaa wada xareynayo, waxaana lagu ballaminayaa 9-maalmood ka bacdi.

Waa muhiim in ardeyga shahaadada iskuullo kale tusin lahaa si uu ugu bilaabo, uu ku xisaabtamo in Original-ka Shahaadada laga xareeynayo. Waxaa sidoo kale in lagu baraarugsanaado eey tahay in xafiisyada Dowladu la xiro 2:00Pm ama Sideed saac oo duhurnimo sida dadka qaar u yaqaanaan si aadan u luggo’in.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan rajeynayaa in ummad farabadanna eey ka faa’ideysan doonaan, waxaa la yiraahdaa warku waa awood “Information is Power” oo hadii aad war hesho go’aan sax ah in aad gaarto ayuu kugu saacidayaa. Soomaalida ayaa tiraahda “War helaa Talo Hela”. waxaase Calool xumo iyo caloolyoow ah, hadii Waalid iyo ardey masaakiin ah dukumiintiyo aan waxba ka jirin iyo warar been ah lacag looga gurto, ama ardeygu uusanba dhaqaaqin isagoo dukumiintiyadii uu u baahanyahay, laakiin uu ku andacoonayo ma furna ama maba garanayo sidii aan ku heli lahaa ama wadadii aan u mari lahaa. Waxaan si gaar ah uga codsanayaa akhristaha sharafta badan ee warbixintan aqriyey in uu uga faa’ideeyo qofkasta oo eey quseyn karto si eey wax ugu tarto adigana Allaah kaaga Abaal mariyo.

AFEER IYO FIIRO GAAR Ah

Wixii aad u dhib badan ee aan laheleyn, qofkii kartidiisa kusoo saara, qarashka laga qaatey maahee, wax macquul ah dulsaarta Sida Islaamku ogolyahay, umaleyn maayo in eey dhibleedahay maadaama Waqti iyo Tamarba (Time ana Energy) uu galiyey. Laakiin meesha kuma jirto in wax aan lacag kaaga bixin Boqolaal Doollar Ummada looga dhaco, ama wax fudud oo wada sahlan loo maro qofka looga dhigo wax aan laheliba Karin Mukhalaskaa in uu howlgalo maahee, ayadoo laga faa’ideysanayo Habacsanaanta ama cuseybka ardeygaa miskiinka ah, sidaana waalid lacag looga feero daaro.Anigase waxii tabarteyda ah dadaaley. Rasuulka (SCW) ayaa xadiith ku yiri “Qulil Xaq Waloowkaana Murraa” oo micnihiisu yahay xaqa sheeg haba qaraarnaadee.wuxuuna sidoo kale yiri “Allaahu fiicownilcabdi maakaanalcabdu fii cowni Akhiihi” oo micnaheedu yahay Allaah wuu caawinayaa, inta uuba adoonku caawinayo walaalkiis. Yaan caawinta Allaah u baahneyn!? Jawaabtu waa Cidna.

W.Q Dalmar Omar Gacal

Islamabad-Pakistan

E-mail dalmaryare@hotmail.com


qoraalkan waxuu soo baxay Fri 9/11/07

Thursday, July 29, 2010

shan sano ka dib geeridii foosha xumeyd Marxuum C/qadir Yaxye

shan sano ka dib geeridii foosha xumeyd Marxuum C/qadir Yaxye
Geeridii Marxuum C/qaadir Yaxye oo ay shan sano ka soo wareegatay iyadoo ay sii socdaan waxyaabo uu ka digi jiray intii uu noolaa ayna sababtey inuu ku waayo naftiisa qaaliga aheyd.

Afar sano ka hor xalay oo kale ayay ahayd markii ay kooxo hubeysan oo ah kuwa wax khaarijiya gurigiisa Buulaxuubeey ku dileen marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sare ee Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga CRD.

Marxuum C/qaadir Yaxye waxaa uu ka tegay xusuus aysan hilmaamin Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ah kaalintii uu ku lahaa u ololeynta nabadda, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga shaqeyn jiray sidii loo soo celin lahaa Nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

Hadallo uu ka jeediyay Shirar badan oo uu ka qeybgalay ayuu ka sheegay hadallo weli taagan oo ku aadan Dhibatada Soomaaliya ka jirta haddii ay ahaan lahayd dilalka, xaalufinta lagu hayo kheyraadka dalka iyo weliba sida uu dalka Soomaaliya dhul, cir iyo bad uu u noqday mid laga isaga tallaabiyo waxyaabo sharci darro ah.

Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayuu sheegay in ay lacag aad u badan Qaad uga bedeshaan Dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay Dowladda Itoobiya lacag aad u badan ugu bedesho dadka Soomaaliyeed hub, wuxuuna intaas ku daray in uu dalka Soomaaliya noqday meel la isaga gudbiyo waxyaabo sharci darro ah oo ay daroogada ka mid tahay.

Runtii C/qaadir Yaxye waxaa uu ahaa Nin wax badan ku baraarujin jiray Dadka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay ogaadaan wixii dhibaato ugu jirto iyo wixii u faa’iido ah, wanaaggaas uu Umadda u sheegayay dartiis ayaana loo dilay, sida ay sheegeen Dad badan oo ka qeybgalay aaskiisii oo dhacay 11-kii July 2005.

Muxuu yiri C/qaadir Yaxye,
Maxaase laga yiri Geeridiisii?

“Magaalada hadda aan joogno ee Muqdisho dadka ayaa la dilayaa, Soomaalida dhaqan iyo caado uma lahayn in ninka wax dila uu dadka iska dhexmaro qof la hadlana aysan jirin, dadkiina dad nool oo sharaf, diin, dhaqan iyo caado leh waaye, waxba kama duwana marka dhurwaa intuu Ri’ iska qabsado iska dilo oo halkaas iska maro, Dadka waa ka sheekeynayaan dhibaatadaas waxba kama qabanayaan, dadkaas annaga ayaa ka mid ah, idinka ayaa ka mid ah, kuwa naga maqan ayaa ka mid ah, Dad badan oo Diinta iiga fiican ayaa idinku jira, Soomaaliya xaaladdeeda waxay taagan tahay Aleysa Minkun Rajulun Rashiidun, mala waayay nin fiican oo idinka mid ah”ayuu ka yiri C/qaadir Yaxye Dood wadaag looga hadlayay Xal-u-helidda Mushkiladda Soomaaliya, taasi oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda CRD.

Waxaa xusid mudan in ay sii socdaan waxyaabihii uu marxuum C/qaadir Yaxye ka digi jiray ee ay ugu horeeyeen dilalka dadka aan waxba galabsan loo geysanayo, kuwaasi oo kuwii ugu dambeeyay loo geystay Afhayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale, Guddoomiyihii Guddiga Taakuleynta Agoonta C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe oo isaguna ganacsade ahaa iyo Cusmaan Cali Axmed oo ahaa MAdaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay'adda UNDP.

Wuxuu ka hadlay C/qaadir Yaxye waxyaabo haddii ay sameyso ay ku guuleysan karto Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaas xubnaheeda ay Muqdisho iyo Jowhar kala deganaayeen, wuxuuna sheegay in ay Dowladda guuleysan karto haddii ay la timaado cod dib u heshiisiineed, wuxuuna sheegay in haddii ay cod dib u heshiisiineed oo ka qaldamay Dowladdii Carta ay la timaado ay guuleysan karto, haddii ay la imaan weysana ay guul-darreysaneyso.



“Ma jiro qof doortay in uu noqdo reer hebel, Sidaas darteed waa qalad in qof loo waxyeeleeyo ama loo dilo waa reer hebel” sidaas waxaa intii uu noolaa yiri C/qaadir Yaxye oo intaas ku daray in Soomaaliya ay u eedeysan tahay Shacabkeeda, Shacabkeedana ay u eedeysan yihiin amuur aysan iyagu ka arimin.

Marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali isagoo dhibaatada Soomaaliya ka fogaan karay ayuu go’aansaday in uu dhibataada la qeybsado dadka Soomaaliyeed, isagoo uu dhibkii la qeybsanaya ayaana la dilay.

Magaalooyin badan oo ka tirsan Caalamka ayaa maanta waxaa lagu qabanayaa xusas loogu baroor-diiqayo marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali oo u ololeyn jiray Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha.

Ugu dambeyntii, Marxuum C/qaadir Yaxye oo aan qirsanahay inuu yahay Abti igu weyn waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1957, wuxuuna wax ku bartay isla Muqdisho, wuxuu ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Beeraha xiligii Dowladdii hore, Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ka soo shaqeeyay, sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyay howlgalkii rajo soo celinta ahaa ee UNOSOM II ay Soomaaliya ka waday, wuxuu la soo shaqeeyay Midowga Yurub oo ka gaaray Wakiilka EU ee Somalia.
wuxuu xubin ka ahaa Bahda Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuu la soo shaqeeyay Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG), markii ugu dambeysayna wuxuu ka tirsanaa madaxda Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD oo uu lahaa fikrada hal abuurkeeda.
Allaha u raxmado C/qadir yaxye sh cali cibaar waxuu ifka kaga tagay 9 caruur iyo laba xaas iyo magac weyn oo u reebay inta aqoonta ee soomalinimadu ku weyn tahay.
Dalmar Omar Gacal
Hargeisa, Somalia
qoraalkan waxuu ahaa 07/11/2008
NB- peace activist Yahye Webpage
http://nabaddoonyahya.com/

Dalki aan u tacliin tagay dadkiisa aaway

Dalki aan u tacliin tagay dadkiisa aaway

Inkastoo aanu jewiga ahayn mid nabad, farxad, iyo rayn-rayn kuu sheegaya, haddana aroornimo hore ayaan gurigayga ka soo baqoolay anigoo u arkayey inaan bulshada hawl muhiim u ahu hayay ayna lama huraan tahay inaan sii wado, sidii caadada ii ahaydna anigoo wata gaarigeygii duugga ahaa ayaan soo abbaaray goobtaydii shaqo ee aan ka howl gali jiray.

Muuqaalka guud ee magaalada muqdisho wuxuu ahaa subaxnimadaas mid aad u cakiran ayna ka dhadhameyso colaad iyo hoog, socodka dadku wuxuu ahaa mid teel teel ah, ruuxkastana wajigiisa dhiilada waad ka dheehan kartay, dhawaq rasaaseed oo goos goos ah ayaan meel fog ka maqlayay, waxayna u badneyd in saacadaha soo socda dhawaqa rasaastu uu xoogaysto, sida caadada ahayd oo deegaanku la qabsaday ayaamahaas danbe, aragtida guud ee magaaladu waxay kuu sheegaysay in dhibaato wayni ay geyiga ka dhacday, goobaha ganacsigu inta badan waa ay xirnaayeen kuwana kal hore ayaaba laga guuray oo waa ay haawanayeen.

Waxaan galay fikir dheer, waxaana aan la yaabay musiibadan baaxadda leh ee ku habsatay dadkeena iyo dalkeena, waxaan is waydiiyey sababta ay dadkani dalkooda sidan ugu galayaan, mid kastaaba kan kale waa uu ka daran yahay, waxaadba is leedahay malaha duulka dhul kale oo ay deggaan ayaa loogu baaqay marka wixii qaadmi kara way ka qaadanayaan dhulkan hadda loo yaqaan Soomaaliya oo waxay ula guurayaan halka aay dagi rabaan.

Dhaawacyo ba’an iyo waxyeelo aan la soo koobi Karin ayaa loo geystay xitaa goobihii saldhigyada u ahaa adeegyada bulshada sida isbitaalada iyo goobihii waxbarashada, anigoo fikirkaas dheer ku fogaaday ayaan si lama filaan ah uga war helay koox baabuur ah oo nooca xamuulka qaada ah oo ay dhuxuli ku raran tahay oo wadadii isku gadaamay meel laga marana aan lahayn, runtii waxaa argagax lahayd sida ay baabuurtaasi u rarnaayeen oo aad moodaysay midkasta in lagu yiri hal maalin oo qura dhirta soomaaliya ku taal oo dhan ku soo xaalufi.

Intii aan sidaa u xayirnaa aanna sugayay uun fursad aan ku dhaafo wadada ayaa waxaa dhinacayga soo istaagay gaari yar oo aad u qurux badnaa aana ku qiyaasayey qiima ahaan inuu joogo lacag aad u farada badan, gaariga waxaa watay nin ay haybad iyo mas’uuliyadi ka muuqato una muuqday nin xilkas ah, durbadiiba ninkaasi intuu isoo eegay isagoo faraha iigu fiiqaya dhanka dhuxusha baabuurta ku dul tubneyd si hal heel ah iigu yiri “ RAG MACNAHA GANACSIGA WAX KA YAQAAN AYAA LACAG KA TACBADAY”.

Runtii hadalka ruuxaasi aad ayuu ii xanuujiyey damiir keygana u gil-gilay, waxaana aan doonay inaan u jawaabo una sheego in tani ay tahay dembi wayn oo laga gelayo dalka iyo dadkaba ee anay ahayn ganacsi layskana xisaabin doono goorey ahaataba, laakin intii aanan wax hadal ah u celin ayaa mid ka mid ah gawaaridii waxoogaa baneeyey wadadii isla markiibana waan kasoo xaluushay muuqaaladii foosha xumaa ee ay indhahaygu qabteen, iyo codkii kasoo yeerayay mid ka mid ah damiir laawayaasha dalkeena aafeeyey.
madaxa ayaa I xanuunay waxaana aan dhibsada sida dadkeygu u dhaqmayaan, horay ayaanan iskaga soo dhaqaaqay anigoo erayadan ku hadaaqayey:-

dammanow dadkaygow.
Damiir laawihii xumaayow.
Doqon aan wax tarinow.
Damiin aan wax garanow.
Danta tiisa gaariyo,
Dalkiisa kaan u nixinow
Damiir laawow ayaa tahay?
Dalkan aad gureysee
Daarihiisii dummiseen
Ma duul kalaa u maqanoo
Cirkaas uuga soo degi
Adiguse xaggeed qaban?
Ma qaruumaha midoobiyo
Xeryahaas qaxootiga
Yaad qaylo gaarsiinoo
Ku oran qamadida keen!!
Mise yemantii cadmeediyo
Carabtaa sacuudigaad
Cagta saar is leedahay
Iyagaad cuddoon iyo
Ka heli casuumaade

Cakuye dadkaygaygow
Doqoni calaf maleh
Waa baaq abwaan iyo
Murti aad u qaro wayn
Qisadaa dhigeedana
Innagaa ku qiranoo
Quruxdii dalkeeniyo
Qiimihiisii weynaa
Qalqalooc ku dhaafnoo
Qarankii dalkeenana
Qabuuraha ku aasnee

Qamandhacada I haysiyo
Qammuunyada I saarani
Waa qolayahay wax garo oo
Qayraadkaaad jaraysiyo
Qaraxaan dadkii guray
Ma ogola ilaahey

Intii aan wadada ku soo jiray oo aan usoo socda goobtayda shaqo waxaan la kulmay wax yaabo badan oo damiir ahaan I dhibay marnabana aanan jecleysan aragtidooda.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaan soo gaaray rugtii aan ka hawl gali jiray, markii aan sidaa gaariga uga soo degay ayaa durbadiiba waxaa iga hor yimid Xassan oo ka mida ahaa howl wadeenada rugta caafimaad ee aan ka howl galo waxaana uu igu yiri, “ditoore dad badan oo xaalladdoodu liidato ayaa nasoo gaaray ee bal horay u soo dhaqso” ilaahay ha fududeeyo intaan iri ayaan horay u soo galay, laga bilaabo saacadaasna waxaan galay howl aan kala go lahayn intii awoodayda ahna waxaan ku dadaalay inaan dadka dhibaataysan wax u qabto anigoo ilaahay talo saaranaya.

Muddo markii aan waday hawlo iskugu jira qaliin iyo daawayn kalaba ayaan helay waxoogaa jaanis ah waxaanan doonay inaan waxooga ka baxo jawiga murugada badan oo aan banaanka u yara baxo si aan usoo hawa qaato koob shaahana qac uga soo siiyo , laakin intii aanan iridka gaarin ayaan kusoo baxay laba ruux oo xaalladdoodu aad u xumeyd oo dhex xoornaa barxadda isbitaalka , waxayna ahaayeen gabar iyo wiil dhalin yaro ah , hayeeshee ay diif badani ka muuqatay , ma’aadan kala garan Karin halka dhibku kaga yaal iyo sida wax u gaareeen waayo dhiig badan ayaa oogadooda oo dhan qariyey, sidoo kale ma’aadan sixi Karin inay naftu ku jirto iyo in ay dhinteenba waayo waxa dhaq-dhaqaaqa ah malahayn, iima aanay muuqan cid dadkaas la socdatay waxanya u muuqatay in dadkii meesha keenay ay iskaga tageen , si dhaqsi ah ayaan ugu yeeray qaar ka mid ah shaqaalahii goobta oo aan ku codsaday in ay dadkan dhibaateysan gudaha geliyaan si wax uun looga qabto, iyaguna iyagoo dareen bani’aadanimo ku shaqaynaya ayay markiiba gudaha ula carareen.

Geeridu waa xaq ruux kastaahina inuu dhadhamindoono ilaahay ayaa noolaha u sheegay welibana waxaa naloo cadeeyay marka ay ajashaadu timaado inaadan hal daqiiqo ka hormareyn kana dib dhacaynin , sidaas dartees ruuxii haweenka ahayd daqiiqado ka bacdi dunida way iskaga hulaashay iyadoo u kictintay hooygii dhabta ahaa iyo halkii loo badnaa .

Inkastoo ay geeridu xaq tahay hadana waxaan aad uga xunuunsaday dacdarada ay u dhimatay gabadhaas iyo sida ay u dayacantay , dhiig bax daran oo ku dhacay daraadii ayey u geeriyootay , haddii ay heli lahayd wax ina soo gaarsiiya daqiiqado yar ka hor markaas waxay rajadu ahayd mid intaa ka roon .

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa halkii noogu haray wiilkii oo isaga xaaladiisu ay ahayd mid aad u xun , laakin kalsoonida aan ku qabay ilaaheenna na abuuaray iyo aqoontayda ayaa igu dhiirri galisay inaan si hufan ugu istaago badbaadintiisa anigoo waliba kaashanaya asxaabtaydii shaqada, laakiin dhibka ugu wayni waxa uu yimid kolkii aan ogaaday in ay lagama maarmaan tahay in la jaro mid ka mid ah labdiisa lugood si uu ugu sii waaro nolosha, hayeeshee taas horay kama aanan fulin Karin oo waxaa qasab ahayd inaan helno ruux mas’uul ka ah, taasina waxay nagu qasabtay inaan si ku meel gaar ah usii dawayno tan iyo inta aan ka heleyno eheladiisa .
Xaalku maalintaas sidaas ayuu ku idlaaday ilaa iyo habeenkiina ma aannan arkin cid raad sanaysa wiilkaas dhaawaca liita ahaa iyo waliba maydkii gabadha oo isagu habeenkaa ku baryey isbitalka.

Subaxnimadii xigtay anigoo aad uga murugaysan xaaladda wiilkaa iyo sida aan ka yeeli doonno iyo waliba maydka gabadha oo aan arkin wali cid heyb garaneysa ayaa waxaa ii yimid Xassan oo gacanta haya oday da’ ah oo ay daruuf xoog lihi ka muuqatay, waxa uu xirnaa macawiis duug ah oo dhanka hoose isaga soo laalaabmatay iyo shaati dhammaad ah oo meelo badan ka kar-karnaa kuwa kalana ka dul-duleelay , madaxa waxaa ugu xirnaa cimaamad aan midabkeedu qurx badnayn , wasaq isku biirsatay iyo ayadoo duug ahayd awgeed , indhihiisuna waxay ka soo jeedeen meel fog waxaadna dareemeysay inuu mutay rafaad badan , xassan markaas salaan ka bacdi waxuu ii sheegay in ninkani uu garanayo gabadha maydka ah iyo wiilka dhaawaca ahba , inkastoo aan hubay odaygaasi inaanu wax qaban Karin haddana aad ayaan ugu farxay oo waxaan is tusay soo if bixiisu inuu xalka bilowgiisa yahay , durbadiibana anigoo ay jawigayga wax iska badaleen ayaan odayga ugu baaqay inuu fariisto , waxaanna u dalbay koob biyo qabaw ah .

Markii uu odaygii biyihii cabbay , ayaan ku iri “ adeer wiilka iyo gabadha maxaad u tahay?” odaygii markaa isagoo aad ka dareemayso murug fara badan ayuu igu yiri, “maandhaw waa caruurtayda oo kale inkastoo aan dhalyo ahaan iskaga soo dhacno soomaali , haddana waa kuwo in badan igu dheer dhib iyo dhaacaw fara badanna aan qaybsanay , waa kuwa iyagu tusaale nool u noqon kara dhiibaatooyinka ku dhacay shacabkeena, waa dhibanayaasha dhabta ah ee kuwa damiir laawayaasha ah ee soomaalinimada nala sheegta ay sida sabab la’aanta ah boqnaha u jareen , waa qayb muhiim ah oo bulshada ka mid ah oo nacas aan wax gelini uu si aragagax iyo dareen laawenima ah uga jaray bulshada, waa maskaxdii ummadda oo si aan ka fiirsasho lahayn dabka loogu daaray, waa indhihii wadanka oo si aan caqli gal ahayn loo riday , waxba yaan hadal tiradii kugu daalinine kuwani sidaan horey kuugu sheegay waa caruurteyda oo kale hooyo, aabbe, iyo qaraabo kale oo iiga dambeysaahina ma jirto ee hadda maxaa la iiga baahan yahay oon yeelaa ?

Odayga hadalkiisu wuxuu I galiyey dhiillo hor leh, waxuuna ii sawiray dhibaatooyin badan oo iga qarsoonaa inay jiraan, cabaar ayaan aamusay, dabadeedna odaygii ayaan u celiyey oo ku iri “ adeer adigoo iga raali ah aaway waalidiintii dhalay gabadha iyo wiilka ?”

Odaygii isagoo indha naxariis leh hayeeshee dhibaataysan igu eegaya ayuu igu yiri wiilkeygiyoow waalidiintoodi way ka nasteen dhibaatooyinka adduunka ee aan dhammaadka lahayn , inkastoo ay hormuud u ahaayeen kumanaanka sababsatay gacmaha manaxayaasha, ee maandhaw kuwan ehel iyo dad kale oo aniga iyo adiga nooga sokeeya ma lahan ee hadda maxaannu yeelnaa oo nala gudboon?

Anigoo hadalada odaygu ay aad ii damqiyeen ayaan ku iri adeer horta gabadhii way dhimatay oo waad soo aragtay ayaan filayaa , markaa waa inaan hadaba aasnaa mar haddaaney jirin cid aan la sugeyno, wiilkana isaga xaaladiisu way xuntahay oo waxaa lagama maarmaan ah in mid ka mida ah lugihiisa lagooyo, si naftiisa loo badbaadiyo , marka taasna ilaahay ayaan talo saaranaynaa oo waan galeynaa hawshaas iyada ah ilaahayna wuu nagu guuleyn doona hadduu raali ka noqdo , kaligaana ma tidin oo anigaa garabkaaga taagan.
intaas markii aan is dhaafsanay ayaan si wada jir ah u kacnay si aan marka hore maydka u asturno kadibna aan tan wiilka ugu soo jeesano.
Si kastaba xaalku ha ahaadee maalintaas waxaan isku ag duugnay maydkii gabadha iyo qayb ka mid ah wiilkii, taasoo ahayd lugtiisii bidix.

Waqti dambe oo maalinimadii xigtay ah ayuu wiilkii soo miyirsaday ,ruuxii ugu horeeyey ee ay indhihiisu qabteena wuxuu ahaa odaygii waayeelka ahaa, oo isagu tan iyo markii lugta laga jiray aan ka dul kicin , durbadiiba asaga oo ay ka muuqato itaal yari ba’ani hadalkana aan si fiican u heli Karin ayuu cod aan la fahmin Karin ku hadaaaqay waxaasa kaliya ee aan aniga hadalkiisa ka gartay ayaa ahaa magaca Yaasmiin kasoo loogu yeeri jiray gabadhii dhimatay sida uu odaygu ii sheegay , waxaan eegay ninkii waayeelka ahaa mise ilmo xad dhaaf ah ayaa indhahiisa ka qubanaysa oo inuu is celin kari waayay ayuuba goobtii iskaga istaagay oo banaanka u baxay , haddana waxaan dib u milicsaday wiilkii dhaawaca ahaa , mise waa kiiyoo isagana ay ilmadu ka qul quleyso oo aad mooddo in jawiga meesha ka jira iyo oohinta odaygu u waxyoodeen in ay gabadhii dhimatay, intuu indho ey daal iyo diihaal badani ka muuqdaan cirka u ganay oo siduu duul cirka sare jira la hadlayo bushimaha marmaroojiyey la soo booday :-

Guullow ilaahow
Gaar hayihii adduunkow
Gabood iyo xumaan iyo
Kii diiday jowrkow
Adigaan ilaaqiyo
Af xumiyo ceebiyo
Awood laysku sheegtiyo
Ogolaanin iimaha

Amarbaa innagu dhacay
Aayheenuu wuu dumay
Argagax aad u wayniyo
Anfariirbaa innagu dhacay

Ubadbaa la gowracay
Ummulbaa lakala jaray
Uur kujir baa lasoo riday
Oday aad u wayniyo
Armalaa la oog dilay
Agoon aad u badaniyo
Inta macaan hooyadoodii
Macna la,aanta loo dilay
Yaa malaayiinba dhaaftoo
Narba aadab tiring Karin

Mid kalaa kasii daran
Malaayiinbaa gacmaha iyo
Mudantay dhigaayeen
Madfac uu ka gooyoo
Maqalkiina uu tegay
Marna aan wax qaban Karin

Mid kalaa kasii daran
Darxumiyo gaajiyo
Diihaal aad u daraniyo
Duulbaa doomo raacoo
Dalaq ku yiri badwayntaa

Guullow ilaahow
Geyigeenii wuu go,ay
Gacalkeenii wuu jabay
Ee adigaa gargaaree
Garbeheena qabo oo
Gulufkiyo abaarihiyo
Naga saar gilgilashada
.
Markii ay intaa soo dhaaftay, ayuu sidii dhallaan yar oo lulmo la ooyayey oo naaska hooyadii lagu habay, indhaha is geliyey, oo madaxiisuna waxoogaa dhinac u dhacay.

Anigoo naxsan ayaan dhankiise usoo dhaqaaqay bal si aan u koontaroolo inay naftu ku jirto iyo in kale , ilaah mahaddiina tiisa weli wax ayaa ka dhimmanaa oo wuu noolaa .
Mar haddii aan hubsaday in xaalladdiisu ay iska yara roontahay, ayaan ka soo daba baxay oday saciid oo isagu banaanka taagnaa bal si aan u yara dejiyo , una xasuusiyo inay waxani yihiin qadarta rabbi, waxaase taa iisii dheeraa waxaan doonayey inaan wax ka ogaado xiriirka ka dhaxeeya gabadha dhimatay iyo wiilkan dhaawaca ah iyo waliba odaga, nuuca dhabta ah ee uu yahay .

Markii aan soo gaaray halkuu oday siciid taagnaa waxaa na dhax maray sheekooyin iska caadi ah oo aan wax lug ah ku lahayn waxa aan markaa doonayey inaan kala hadlo, waxaanna ug dan lahaa bal inaan waxoogaa xaalladdiisa caadi kusoo celiyo oo aan yara ilowsiiyo dhibaatada faraha badnayd ee ka muuqatay , balse intii aanan waxba oran ayuu hadal dabacsan igu yiri “ waan ogahay ditore iney jiraan wax yaalo badan oo kaa daahsoon ayna qurux badan tahay inaad ogaatid , waayo wax badan ayaad noo qabatay abaal wayna waad noo gaysatay. waxaan ku iri odaygii intaan hadalkii ka dhex galay , adeer waxba idiinma aanan qaban ee in yar oo ka mid ah waajib isaarnaa ayaan gudtay , odaygii isagoo hadalkiisa sii wata ayuu igu yiri wiilkan aad arkeyso ee la yiraahdo Feysal iyo gabadhii geeriyootay ALLAHA u naxariistee oo la oran jiray Yaasmiin waxaa gaaray dhibaatooyin aad u baaxad wayn , inastoo ay shacabka soomaaliyeed ka mid ah ahaayeen oo ay la qabeen dhibaatooyinka soo gaaray , haddana iyagu si gooni ah ayaa dhaawac darani u gaaray,
Intaa markii uu hadalkii marsiinayo ayaa shan qari ka yeertay qolkii uu ku jiray wiilka dhaacawa ahaa, dabadeedna si deg deg ah ayaan ugu cararnay dhankii qolka, wax kalase ma ahayn dhawaqu ee wuxuu gacanta ku dhuftay alaab saarneyd miis u dhawaa oo dhalooyin u badnayn, sida bakeeriyadii lagu siinayey cabitaanka iyo wax yaalo kale oo la mid ahaa, kuwaasoo dhulka ku soo daatay oo qaarkood jajabeen, isla markiibase waxaa wax walba sidoodii ku celiyey bur-burkii qaruuradahana aruuriyey gabar meesha ka shaqaynaysay , aniga iyo oday Siciidna waxaan ag fariisanay Feysal, in cabaar ah haddii aan ag fadhinay wax hadal ahina aanu na dhax marin ayaan anigu u cudur daartay oday Siciid anigoo u sheegay in hawlo kale ii yaalliin sidaana uga soo dhaqaaqay anigoo caafimaad u rajeeyay.

Waqtigu wuu is guray maalmo badanna qoraxdu way noo dhacday , wax cusubina naguma soo kordhin marka la reebo caafimaadka Feysal oo kasoo raynayey maalinba maalinta ka danbeysa, illaa caafimaadkiisu caadi ku soo noqday uuna awood u yeeshay inuu socdo isagoo isticmaalayo biraha loogu tala galay inay is isticmaalaan inta sidiisa oo kale ah .
Waxaa la gaaray waqtigii uu faysal isbitaalka ka bixi lahaa, oday Siciidna wuxuu ii sheegay inuu xaafaddiisa ku baxnaanin doono inta karaankiisa ah, laakiin subaxnimo hore maalintaa intii aannan is macsalaameyn oo aan wali sugaynay oday Siciid oo soo yara dan dhameysanayey, ayuu Feysal iga codsaday inaan soo tuso halkii aan ku aasnay gabadhii la oran jiray Yaasmiin, inkastoo jaaniska aan heysto uu iska yaraa haddana waxaan isku kelifay inaan dalabka ruuxaas curyaanka ah fuliyo .
Waxaanan u hor galay halkii uu naga xigay qabrigii gabadhu, daqiiqado yar kadibna waan soo dul istaagnay, waayo sidaa noogama fogeyn.
wuxuu aad ugu dhawaaday qabrigii, isagoo birihii uu watay dhulka dhigtay , isla markaana salka dhulka ku hubsaday, isagoo weliba horay u fiiqaya lugtii u fayoobeyd, gacantiisa midig ayuu ku dhex xulay ciiddii ku dul tubneyd xabaasha, isagoo cod urugo leh oo meel hoose ka yeeraya ku leh :-
Waan hubaa in lagu marsiiyey dhibaatooyin aad u baaxad wayn noloshaadina waan ogahay inad la kulantay xanuunno fara badan oo adan mudan, laakiin hadda waad ka istareexday waadna ka fogaatay dunidan hagardaamada badan, balse aniga ayaa qaatay dhaxalkii xumaa, waxaadna igu dhaaftay murugo iyo duni mugdi ah , waad ogtahay haddii bani’aadamku uu nasiib u yeelan lahaa inuu doorto goorta uu dhimanayo inaanan marna ogaalaadeen inaad iilka iiga hormarto , laakin waa xikmad rabi oo aad u wayn mana jirto cid diidi karta, si kastaba waxaan ilaah kaaga baryayaa inaad noqoto tii uu naxariistiisaa huwiyo kana fakata oo ka ammaan hesha ciqaabtiisa.

Intaas markii uu yiri ilmo fara badanina ay indhahiisa ka qulqulayso, ayaan intaan u soo dhawaaday ku iri, “ miyaadan wali samrin ?” anigoo usii raaciyey samir siin iyo caqli celin xasuusiyeyna in geeridu xaq tahay cidkastana ay sugeyso oo markaa nalooga baahan yahay samir iyo adkeysi.

Wuxuu igu yiri isagoo ilmadii iska masaxaya, waan ogahay waana la socdaa inaanay Yaasmiin soo laabanaynin, laakiin ditoore miyaad ogtahay waxa ay iiga dhignayd Yaasmiin iyo waxa ay nolosheyday ugu fadhisay ?
Intuu yara aamusay madaxana hoos u laad laadiyey , neef wanya soo tuuray ayuu lasoo hinqaday .
Dr C/raxmaanow waan hubaa inaan in badan samray aanna samri doono, laakiin naf ayaa ila xariirta si sahlana uga samri Karin sida wax u dhaceen .
Waxaan ku iri aniga oo intaan usoo dhaawaday gacantayda madaxa uga saalaxaya, waan dareemi karaa dhibka ku gaaray laakiin ogow wax kastaaahi way qoranyihiin kaliya waxaa nala gudboon inaan ku samirno wixii xagga rabbi nooga yimaada isagaa naga abaal marin doonee.
Waa runtaayoo waa sifaha kuwa wanaagsan ee alle amaannay samirku, intuu yiri ayuu u holladay inuu kaco oo birihiisii gacmaha la haabhaabtay, markaasaan aniguna intaan garabka qabtay oo sare u joojiyee ku iri, bal wax iiga sheeg haddii aad karto sida wax idiinku dheeceen.
Intuu igu yara hor dhaqaaqay bal si uu geed aan naga fogayn harkiisa isugu celiyo ayuu igu yari wax badan oo I xanuujiyey waan arkey sidoo kelene wax badan oo I farxad galiyey waan arkay balse haddii aan wax kaaga taabto wixii aniga iyo gabdha halkan ku aasan na soo wada gaaray oo aad adiguba aragto halkey ku dambeeyeen waa sida .
Markii uu intaas I yiri balse aanu hadalkii bilaabin ayaan soo gaarnay geedkii noogu dhawaa harkiisa isla markiibana midkeenba wuxuu salka la raadsaday meel uu ku yara nasto wuxuuna hadalkii ku bilaabay.

Maalmaha aanay wali xusuustoodu iga go’in waxaa ka mid ah maalinimo khamiis ah markii uu walaalkey oo isagu reerkeena ugu waynaa ii sheegay inuu bari oo jimco ah uu ka mid noqonayo aradayda loo xulay inay dugsigii aan markaan dhiganaynay uga qayb galaan barnaamijkii tartanka iskuulada ee KADIS oo ka bixi jiray Radio Muqdisho, runtii barnaamijkaa aad ayaan xiiseyn jiray, haddana subaxaa xiiso gooni ah ayuu ii lahaa oo waa dabeecad caruureede waxaan xiisaynayey inaan codka walaalkey ka maqlo raadiyaha , laakiin subaxii jimcaha kolkii la gaaray ayey hooyadeey ii sheegtay inaan raadiyaheenii shaqaneyn subaxnimadan , durbadiina waxaan u sheegay hooyadeey inaan guriga reer Xaaji Aweys ka soo dhagaysanayo waayo gurigoodu keenna waxba iigma gedisneyn, waa ciddaan dariskeena ugu jeclaa inkastoo dariskeennu dhammaan ay ahaayeen dad aad u wagaansan haddana reer Xaaji Aweys kuma sii jirin , waayo islaanta reeraha oo la oran jiray Aamino hooyadeey oo kale ayey ii ahayd , Xaaji Aways oo ahaa isagana odaga reerka marna caruurtiisa waxba lama aan dhaamin , dabadeedna waxaan isku daayey aqalkoodii , markii aan iridda sii dhaafayeyna dhagaheygu waxay maqlayeen , codkii halaasiga ahaa ee hobolkii C/qaadir Sh. Cali “sanka” oo isagu ku luuqeynayay heestii astaanta u ahayd barnaamijkaa, waxaan iska dhex fariistay dhawr carruur ah oo reeraha u joogtay iyo hooyadood oo iyagu barnaamijka dhaqaysanayay .
Markii uu barnaamijkii dhammaaday gurigayaga kuma aanan soo laaban , oo waxaan bilaabay inaan la daah daaho caruurtii reeraha gaar ahaan Yaasmiin oo iyada aan isku qayr ahayn iskuulkana aan wada dhiganeynay fasalka 3aad ee dugsiga hoose waxaan iska jeclaa inaan markasta wada ciyaarno aan wada joogno wada sheekeysano anigoon aqoonin sababta dhabta ah .
Waxay ahayd aragtidayda qof yaab leh, haddii laga fiiriyo dhanka dabeecadeedda waxay ahayd qof dabeecad macaan inkastoo ay yaraydna waxay u dhaqmi jirtay sidii ruux wayn, quruxdeeda markii aan kaaga hadlo waxaa laga yaabaa inaadba irumeysan wayso oo aad is tiraahdo malaha waa wax qiyaali ah, waxay ahayd nuuc gaar ah oo rabbi dhankeena u soo diray , haddii aan isku dayo inaan ka faalloodana waxaan hubaa inaan ku gefayo xaqeeda waayo ma heli karo areyada ku habboon ee sida dhabta ah u qeexi kara , anigoo da’ ahaan dhaafin 12jir ayaan dareemay inaan marna ka maarmi Karin Yaasmiin, waxaa wax lala yaabo igu noqotay in gurigeenii aan qaban waayey, daqiiqad waliba waxaan jeclahay inaan taagnaado gurigooda oo waliba aan Yaasmiin ag yuuraro , saacadaha yar ee aan iskuulka jirno waa kuwaan ugu jeclahay waayo Yaasmiin garabkeyga ayay fadhisaa igamana foga, markii uu waqtigu dhammadana xaafadda waan isku soo raacnaa oo sheekooyin aad u xiiso badan ayaan wadada ku soo wadaagnaa .
Runta ayaa ahayd inaan jecayl waxba ka aqoon iyo wuxuu yahay laakin Yaasmiin si dhab ah ayaan u jeclaaday laabtaydana si toos ah ayey u degtay, maalinba maalinta ka dambeysana waxaan dareemayey in rabitaanka aan u hayo uu sii kordhayey , iyadoo ay taas ii dheerayd anigoon lahayn awood aan ku fahmo waxa i gubaya iyo waayo aragnimo aan wax ku maareeyo, si kastaba ha ahaatee subaxaas asaga ah markii uu barnaamijkii dhammaaday ka dib in badan ayaan Yaasmiin la joogay, waan wada ciyaarnay wada sheekeysanay wada qosolnay , laakiin waxaa iigu xiiso badnayd kolkay intay wax yar iga maqnayd igu soo laabatay oo intay xagga dambe iga soo martay gacmaheeda jil-jilicsen ee yar yar ladaba indhood si naxariis leh iigaga saartay igu tiri fiiri “ yaan ahay ii sheeg “ inkastoo uu waqti badani kasoo wareegtay maalinkaas haddana wali waxay ila tahay inuu shalay ahaay oo kale,wali waxaan sankeyga ku go’in catarkii ka soo carfayey faraheedii markii ay indhaha iga saaraysay, intaan gacmeheeda iska yara fujiyey ayaan anigoo labadeeda gacmood ku dhegan iyadana ay soo wareegsanayso si ay horteyda usoo fariisato, ayaan ku iri, raadiyaha batarigii ayaa ka dhammaday hees fiicanna way ka socotaa .

Waxay igu tiri iyadoo intay horteyda soo fariisatay welina tinteedii dhaadheereyd intay labada gacmood la gashay ku mashquulsan siday gadaal isugu xiri lahayd, isla markaana afka ku heysata taakadii ay ku xakameyn lahayd , maxaad raadiyaha ku falaysaa anigaa hees kuu qaadaayee , intaan usoo dhawaaday ayaan ku iri waa yahay ee bal ku dhufo , intey yara muusootay oo hoos fiirisay ayey tiri waan xishoonaaya ee adiga noo qaad adigaa cod qurxoon leh oo maalin dhawayd macalimmadu markii ay noo heesku tiri waxaad qaadday hees aad loowada jeclaystaday,heestaas kaliya ayaan aqaannaa ayaan ku iri , ok iyadaba noo qaad ayey ii celisay, markaasaan intaan xiix… xiix… xiix dhawr jeer iri bal si aan dhuuntayda saxarka uga saaro oo is qaabeeyey sidii fanaan wayn oo masraxa saaran kumanaan dad ahna ka hor luuqayn raba ayaan cod iska doon doon ah ku iri “ naruuradiyo qayrkiyo nimcadiyo baraaraha naqu goortu noo da’o, waligaa hanaawilin haka noogin caashaqa in lanaaxsho mooyee kaligiis ma nuuree” anigoo weli raba inaan sii wado oo u hammuun qaba ayey intay wejiga kaduuday oo gacanteeda dhankeyga usoo taagtay iyadoo yaab muujinaysa igu tiri, adigana hadaan ku arko jaceyl iyo waxaas ayaad sheegaysaa, war heestii maalin dhawayd tan ma ahayn ee noo qaad hanoo jacayl lahaanine, jacayl wax jira ma ahane.
Intaan aad ugu soo dhawaaday oo shanta farood ee gacanteeda midig ku dhex milay shantayda farood ayaan ku iri , hadalkaaga ayaan ku xasuustay hees aan mar raadiyaha ka maqlay oo ay ku leedahay fannaanadda Kinsi Xaaji Aadan “ haduu yahay bar kuma taal abwaan uma balweeyeen ma boqreen hadraawina beer lula ma sheegeen” inkastoo aanan miraha heesta si toos ah u sixin laakiin murtida ku jirta ayaa ah inuu jacaylku wax jira yahay, ee aanu ahayn sidaad u heysato, qosol yar oo aan ilkaheeda lawada arkin intay qososhay ayey la soo boodday waan gartay ee diga maxaad ka taqaannaa ama aad ka aaminsantahay, aniga waxba kama aqaanno laakiin waxaan aaminsanahay inuu jiro, miraha iyo murtida ay abwaannadu ka curiyaan arrimaha jacaylkana aad ayaan u xiiseeyaa .
Intaas iyo sheekooyin badan oo xiiso leh markaan is dhaafsanay ayaa la gaaray waqtigii salaadda jimcaha aan isku diyaarin jiray, waxaana aan soo aaday gurigeena , oo isagu kasoo horjeeday guriga Reer Xaaji Aweys, anigoo ogaa inaanan xaafaddeena joogi doonin markii aan soo tukano kadib haddii aanay Yaasmiin noo imaanin, nasiib wanaagse markii aan masaajidka ka soo laabtay waxaan la kulmay Yaasmiin oo geed wayn oo gurigeena ku dhex yaalay la joogta hooyadeey iyo qaar ka mid ah reerkeena, Ikraan oo ahayd walaasheey iga yar ayaa lasoo boodday, Yaasmiin maantoo dhan ayey ku sugeysay waxayna kuu keentay qumbe iyo sisin, iyadiina intay markaa iyadoo dhoolla cadaynaysa wax warqad yar ku duuban sidaa ii tusisay ayey haddana dib u qarsatay, waxay ogeyd inaan sisinta iyo qumbaha ay hooyadeed samayso aan aad u jeclahay, markaasaan intaan ku soo orday ayaan bilaabay inaan jirkeeda ka raad-raadiyo halkii ay ku qarisay sisinta iyo qumbihii , in cabaar ah haddii aan raadiyey aanna ku guul daraystay inaan ka helo ayey markii dambe iyadoo ad u qosleysa ii soo saartay iguna tiri hagaag waan ku siinaaayaa ee hal hees ii qaad, intaan qoslay ayaan ku iri mataasaa dhib leh waan kuu qaadaayaa hal ka badan ee isii horta, warqaddiina waan ka laacay oo markaan hubsaday inay gacanta ii gashay ayaan intaan isgaataagay ku iri anigoo sisintii iyo qumbahii afka ka buuxsanaya, makarayo maanta ee berri ama saad-danbe ayaan kuu heesi doonaa , markaaseey xiisaheeda lehe iyadoo ganmeysa igu soo booday oo cabaar kolba dhinac ii jiiday iyadoo igu tilmaameysa qayaanoole iina sheegeysa inaanay iga yeelayn inaan u heeso mooyee, in door ah haddii ay sidaa iigu dhaganeyd ayaan markii dambe ka fakaday oo qol guriga ka mid ahaa hoosta ka soo xirtay, iyadiina haddii ay daashay ayey iska soo fariisatay .
Laacdanka iyo ciyaartu waxay ahaayeen kuwa aan ogaaday inay sunta igu sii fidinayeen, maalinba maalinta ka dambeysana xaalladaydu way is bedeleysay, ilaa aan ka gaaray heer aan daqiiqad moogaan kari waayo Yaasmiin, gurigayaga waan ku hakan kari waayey , iskuulkana waqti aan la gaarin ayaan is diyaarin jiray bal si aan Yaasmiin xaggeeda u sii beegsado waqti hore .
Aniga oo ay da’daydu aad u yartahay ayaan dareemay inaan u qafaalanahay damac iyo rabitaan aanan macnihiisa iyo magaciisa dhabta ah garanayn, waan kadeednaa daqiiqadaha yar ee aanan dhankeeda jirin marka aan la joogana waxaan iskula muuqday insaanka dunida ugu farxadda iyo rayn raynta badan .
Yaasmiin laftirkeedu in kastoo aan dhaawaca uga horeeyey haddana waxaan dareemayey inay aad iigu xirantahay ka fogaan shahayguna uu dhib ku yahay .

Si kastaba ha ahaatee waxaa na maray maalmo bilo iyo sanado is xiga garaad ahaan iyo gu’ ahaanbana waan waynaanay waxaana aan bilownay inaan sidaan wax u fahmi jirnay si ka gedisan wax u fahamno, arrimaha nolosheena soo marana si kale u marayno .
Yaasmiin waxay noqotay naag wayn oo aad u qurux badan ruux kasta oo gayaankeeda ahna uu ku hammiyo inuu sheeko la wadaago ugu yaraan haddii aanay ooridiisa noqon, aniguna waxaan is tusiyey inay lagama maar-maan tahay cabsi kasta oo aan qabo inaan mar uun ku dul furo jacaylka aan u qabo, si’aan iskaga dejiyo culeyska laabteyda sanadaha badan saarnaa , wax balan ah inaan wada dhigano uguma baahnayn arrintaa kaliyana waxaa ila gudboonaa inaan ka fikiro qaabka ugu habboon ee aan arrintaa ugu soo bandhigi karo Yaasmiin uguna qancin karo .

Maalmaha ilaahay kala tilmaamane, maalinimo jimco ah galabnimadii ayaan u qorsheeyey inay noqoto maalintii taariikhdaa xambaari lahayd , waxaana aan beegsaday gurigii ay Yaasmiin ku nooleyd, anigoo xaaladaydu anay caadi ahayn, cabsi iyo wel wel badanna qaba .
Ruux kasta oo iga soo hor baxa waxaan u heystay inuu ogyahay waxa laabtayda ka guuxaya ee aan galabtaa damacsanahay, waxaan anigoo aan caadi ahayn galay guriga ay Yaasmiin deganaayeen, ugu horeyntiina dayrka guriga waxaan kula kulmay Xamdi oo ahayd Yaasmiin walaasheed ka wayn, anigoo si hal haleel ah u waydiiyey, Yaasmiin in ay joogto iyo in kale, iyana ayadoo aan hadalka igu sii badin lana yaaban xaalkeyga ayey qol guriga ka mid ah farta iigu fiiqday oo igu tiri, halkaa ayey ku jirtaa, intii aanan gaarin halkay ku jirtay Yaasmiin boqolaal fikradood ayaa maskaxdayda isku garbinayey, dhawr mar ayey ila xumaatay inaan arrinkaa Yaasmiin u sheego, haddana waxaan dib u xasuustay xanuunka I haya iyo dhibka aan ku jiro, anigoo sidaa u fikiraya walina aan go’aan kii hore oo aan ku soo baxay ka gadisan qaadan ayaan kusoo baraarugay anigoo qolkii Yaasmiin dhex taagan, iyadiina iyadoo ila yaaban sida xaalkeygu yahay iyo maahsanaanta iga muuqata, isla markaana la fajacsan sida anigoo xitaa qolka soo gar garaacin aan iskaga soo galay, ayey iyadoo waxoogaa dharkeedii isku asturaysa igu tiri “Feysal aboowe maxaa kuugu dhacay wax dhib ah miyaa jira ?”
Intaan sidii ruux hurdo kusoo naxay indhaha labac labac ka siiyey ayaan hadal shigshigan ku iri, een.. een,, maya wax dhib ah ma jiraan, isla markaana waxaan isku dul xooray kursi ii dhawaa, iyadoo ad mooddo inuu dareen si’uun u galay ayey sariir ay ku fadhisay kaoo istaagtay xageygna usoo dhaqaaqday, waxaad moodaysay socokeeda mid loogu tala galay daawshada , gacmaheeda garaaryaha lahaa ayaa igu kiciyey dhaawicii aan qabay, indhaheyguna waxay ku dhaygageen jooggeeda quruxda badan iyo muuqaalkeeda aan meelna ka kala dhantaalneyn, qolka oo idil waxa buuxiyey udigeeda, jawiguna wuxuu noqday mid damqasho gooni ah u leh ruuxa sidayda oo kale ah , waxan qiray in haddii marwo dumar qurux lagu dooran lahaa Yaasmiin loogu dawgalay , waxaan aad uga carooday lacnadna dusha uga tuuray qolooyinka sheega in ay jirto gabar loo aqoonsaday inay tahay tan hablaha dunida ugu quruxda badan , anigoo aad iskaga fogeeyey inay jiri karto gabar Yaasmiin ka qurux badnaan karta , intaan sidaa muuqaalkeeda ugu maqnaa ayey kursigii igu dheganaa soo fariisatay oo intay gacanteeda si naxariis leh u dul saartay gacanteydii kursiga qarkiisa saarneyd igu tiri , ma ogtahay Feysalaw inaad tahay dadka dunida ku nool kan qalbigeyga ugu dhaw , isbedel kasta oo kugu dhacana inaanu ahayn mid aad iga qarinkarto , waxaad iiga dhigantahay xubin jirkeyga ka mid ah si dhaqso ahna waxaan ku gartaa damqashadaada, ma ogi sida aan xaggaaga ka ahay, laakiin aad ayaad iigu dhawdahay, waa ay yara aamustay markaaseey iyadoo igu soo eegaysa indho raxmad leh igu tiri, iga rumeyso aad ayaad iigu wayntahay, erayadaas ey Yaasmiin igu tiri mar way I dhiiri geliyeen, marna waxay igu beereen cabsi hor leh, way I dhiiri geliyeen oo waxaan hubsaday inaan ahay ruux qiimo ku leh agteeda ayna ka fekerto, marna cabsi wayn ayey igu beereen oo ma ahayn erayo ay maacnahoodu cadyihiin, hal macno ka badalan ayeyna samayn kareen, waxaana aan ka cabsaday haddii aan u fasirto sida ay niyadaydu jeceshahay inaan wax badan waayo , anigoo sidaa u baaxa degaya wax hadal ahna aan u celin Yaasmiin ayey mar kale hadalkii ku noqotay oo tiri , waan hubaa in ay wax uun si kaa yihiin waxaanan sugaayaa inaad ii sheegto, rejo wayna waxaan ka qabaa inaan xal waafi ah ka gaari doonno , intaa kadib way aamustay waxay ku kaaftoontay inay aniga uun isoo eegto, iyadoo ii muujinaysa inay jawaab iga sugeygso , in cabaar ah ayaan aamusnaan ku jiray, waxaase ila qurxanaan waysay inaan sida kusii nagaado, waxaana aan damcay inaan wax uun ku hadlo si aan aamusnaanta meesha uga saaro, hayeeshee way ii cuntami waysay inaan wax kasta iskaga hadlo si an aamusnaanta meesha uga saaro dantaydii aan galabta u imidna aan meesha ka saaro, waxaana aan dib u xasuustay xanuunkii aan ku sugnaa qoftaan darteed, iyo inaanay macquul ahayn inaan arrinkaas ka aamuso , durbadiibana intaan dhankeeda usoo jeestay ayaan ku iri, Yaasmiiney haddii sida aad sheegayso ay run kaa tahay oo aad damqashadayda dareento galabta maxaad iga dareemeysaa?
Intey aad iigu soo dhawaysay wajigeeda ilaa aan ka dareemay neefta sankeeda ka soo baxaysay ayey la soo boodday waxaan dareemayaa inaadan caadi ahayn, waxaan ku iri waad iska ciyaaraysaa, aniguna dhab ayaan kuula hadlayaa sidaa miyaan kaa mudanahay?.

Iyadoo aad mooddo inay ka qoomameynayso hadalkey igu tiri, ayna ka muuqato inuu hadalkeygu raadku reebay, ayey lasoo hinqatay alla aboowe walaahi xumaan kama wadin, raallina iga noqo haddii aan wax kuu dhimay, ee ii sheeg maxaa sidan kuu walaaciyey oo farxaddaadii liqay ?.
Intaan hadelkii ka dhex galay ayaan ku iri waa caadi waxba ma aanad samayn, ee anigaa dulqaad laawe noqday ee Yaasmiiney waxa aan tabanayo haddii ay yihiin wax ad wax ka qaban karto maxaad ka yeeli lahayd ?.
Intay suniyeheedii mad madoobaa ee aadka u quruxda badnaa kor u jiidday oo waxoogaa dhoolla cadaysay eyey ii celisay “ taas miyaad u baahantahay inaad I su’aasho , dabcan wax kasta oo aan ka qabankaro waan ka qabanayaa, ee waad I wel welisay ee ii sheeg sida ay wax u jiraan .
Waxaa dhab ahayd inaan Yaasmiin aad ugu kalsoonaa mar kastana aan uga bartay inay garabkayga buuxiso, laakiin arrinka aan galabkaa watay ma qiyaasi karin go’aanka ay ka qaadan karto, iyadoo go’aankasta oo ay arrinkaas ka qaadato uu saamayn wayn ku yeelanayo jiritaankayga, tiiyoo ay saas tahay ayaan lagama maarmaan u arkay inaan runta u sheego Yaasmiin, aanna iyada u daayo halkay I dhigto, anigoo taaska duulaya ayaana ugu jawaabay .:-
Yaasmiiney runtii awoodayu aad ayey u yartahay marka loo eego waxa aan doonayo inaan ku soo bandhigo ee laabatayda ka guuxaya, hayeeshee waa ii cadaab in aan caloosha kusii hayo cudurkan aan u caalwaayey inaan kuu sheegana waa xalka ugu dhaw ee aan ku nasan karo, waxaana aan kaaga rajaynayaa weji kasta oo aan agtaada ku leeyahay inaad badbaadiso nafteyda oo aan adiga marna kaa maarmin, la’aantaana joogitaankeeda dunidu uu yahay mid aan la saadaalin Karin, intaan sidaa lahaa yaasmiin wajigeeda waxaan ka dheehanayay isbedel weyn, mana saadaalin karin go’aanka ey iisoo celin doonto waxaanse qabay cabsi xoog leh , anigoo hadalkeeygii sii wata ayaana raaciyay waan hubaa inaad hadalkeyga si uun ula yaabi doontid, laakiin waxaa dhab ah inaan ku jecelahay in badana aan ku jeclaa, waayitaankaaguna uu igu yahay wax aad u adag, ma ogi dareenka aad ii heyso mana si feyn karo nuuca uu yahay laakin iga rumeyso inaan ku waayo waxaa iiga fudud inaan nafteyda……. Intaanan hadalkaas dhameystirin ayey Yaasmiin igu soo boodday oo afka gacanta iga saartay iyadoo ay indhaheeda soo buuxusay ilmo aad u fara badan, iguna tiri iyadoo aan hadalka si fiican u oran karin oohinta daaraadeed, waan ku baryaa ee sidaa ha dhihin, sideed igu waysaa aniguba daqiiqad kaama maarmo ee aamusnaanteyda ka umaleynin inaan ka dareen la ‘ahay waxa ku gubaya, walaahi waligeey waan ku jeclaa tan iyo intaan wax dareemay waana aan ku jeclaan doonaa daqiiqadda ugu dambeysa ee aan neefsanayo .

Waxaan rumeysan waayey waxa ay dhegahaygu maqlayaan waana aan u qaadan waayey in ereyadaas aan maqlayay Yaasmiin si dhab ah iigu lahayd, waxaanan ku sigtay farxad daraadeed inaan duulo oo aan hawada sare lalo, wax aan ku hadlana waan garan waayey, waxaan ku hadaaqay ereyo aan macnohooda la garin Karin, bushimada oo kaliya ayaanna dhaq-dhaqaajiyey in cabaar ah, mar dambe ayaanse ku tiraabay anigoo xaalladda iska hubinaya, “ilaaheey baan kugu dhaariyaye yaasmiiney hadalka aad igu tiri makaa dhabbaa?” intey kursigii ey ku fadhisay dib isugu yara santeecisay ayey iyadoo igu eegeysa indho I heeydaarinaya igu tiri, maxaad uga baahantahay inaad I weeydiiso su’aashaas xanuunka badan mar haddii aan kuu qeexay in nolosheeydu aanay wax qiimo ah ii laheyn la’aantaa..

Anigoo ka xun inaan su’aashaas weeydiiyo ayaan ku iri, macaan sidaa uma jeedin ee farxadda ayaa iga badatay oo kala garan waayay run iyo riyo waxaan ku jiro, waxaana filan waa igu noqotay inaan maqlo adigoo igu leh waan ku jeclahay, igana rumeyso ma ilaawi doono daqiiqadan taariiqda wayn ku leh nolosheeyda.

Maalintaas aniga iyo yaasmiin nolosheena waxaa u furmay bog cusub, waxeyna aheyd maalin aanan sinna u ilaawin, si ka gedisan sidii hore ee aan u wada joogi jirnay aniga iyo yaasmiin ayaanna intii ka dhimaneyd galabkaa u wada joognay, iyadoo ruuxba ruuxa kale uu u ogyahay inuu jecelyahay, waxaana aan is weeydaarsaneynay sheekooyin aad u macaan badan, maqribkii kolkii la gaaray ayaan kusoo kala tagnay jaw gacaliso iyo macsalaamo gacaliye, dibna u wada balanay inaan beri subaxii si fiican u wada sheekeeysan doonno.

Habeenkaa isaga ah intiisa badan waxey igu dhaaftay fikir aan ka fakarayay wixii maanta na dhex maray aniga iyo yaasmiin, wax badan ayaanna isku dayay inaan hurdo si aan aroornimo hore u kaco oo aanan iskuulka uga habsaamin, hayeeshee sariirtii waan qaban waayay waxaana aan ka gam’i waayay muuqaalkii maanta iyo erayadii macaanaa ee eey yaasmiin igu laheyd, waxaan damcay inaan hooygii yaasmiin ey ku nooleyd beegsado, bal si aan halmar dhaayaha u soo saaro, balse macquul ma aheyn oo waqti dambe oo uunku wada jiiftay ayey aheyd, sidaas daraadeed anigoo caal waay ah oo hurdo iska waayay ayaan damcay inaan waxoogaa banaanka uga baxo qolkii aan jiifay si aan usoo yara hawo qaato, balse intii aan iridda qolkeyga soo gaarin ayaan maqlay codka aabbahey oo aan markaa ku xisaabinayay inuu hurdo , waayo ugama baran inuu sacadahaas oo kale soo jeedo, wuxuu ku hadlayay telefoon codkiisuna marba marka ka danbeeysa kor ayuu usii kacayay, wuxuuna si xanaaq leh ula hadlaayay ruux aan is lahaa shaqo ayaa kala dhaxeeysa,waxaa la is weeydaarsaday labada dhinacba sida aan ka fahmayey dhanka aabbaheey erayo aad u kulul, waxaana aan ka xusuustaa erayadii uu aabbaheey lahaa, “aniga damiir keygu sidaa iima ogolaanayo ilaahayna raali kama ahaa” dabadeedna telefoonkii ayuu si xoog ah isu dul saaray oo banaanka u soo baxay wuxuuna fariistay daarada hore ee guriga .
Aabbahey wuxuu ahaa sharci yaqaan ka howl gala maxkamadda badbaadada dalka, wuxuu ahaa nin diinta aad ugu fiican, dalkiisa iyo dadkiisana aad u jecel, wuxuuna aad noogu barbaarin jiray jaceylka wadanka, iyo iney lagama maarmaan tahay in qofku uu ka dhiidhiyo dhibaatooyinka loo geysto wadankiisa iyo dadkiisaba, in badan ayuu aabbahey ka caban jiray qaladaad badan oo dadka iyo dalka laga galo oo uu kala kulmo goobtiisa shaqada iyo goobaha kale ee lamidka ah ee ey ka shaqeeyaan dadka loogu talo galay iney dadka iyo dalka u adeegaan, aabbahey wuxuu aad nooga sheekeyn jiray gabood fal badan oo mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsani ey shacabka ula bareeraan, horeyna wuxuu xabsi dhowr sano ah ugu mutay arrimo noocaas ah oo uu ka hadlay.

Markuu in cabaar ah fadhiyay banaanka ayaan u imid bal si aan wax uga ogaado waxa saacaas ka fikirsiinaya, waayo aabbahey aad ayaan u jeclaa, culeys badana wey igu aheyd inaan ku arko isagoo xaallad noocaas oo kale ah ku sugan, inkastoo aabbahey uu aad u dhibsanayay su’aalahaas aan weydiinayay haddana wuxuu aad u jeclaa oo dabeecadiisa aheyd inuu na qanciyo uuna caruurtiisa u muujiyo inuu ixtiraamayo, in door ah ayuuna iiga sheekeeyay sheekooyin aan aheyn kuwaan ka sugaayay oo aan u fahmay inuu igu maaweelinaayay, haseyeeshee intii aanan waxba ka ogaan wixii aabbahey walaacinayay ayaan dareemay guuxa baabuur soo hor istaagay gurigayaga, aabbahey ayaan eegay indhihiisana waxaan ka dareemay dareen xoog leh, waqtigaa isaga ah waxaa banaanka u soo baxay oo aniga iyo aabbahey iyo hooyadeey oo banaanka joognay nagu soo biiray walaalkay Yoonis oo isagu ahaa da’dii iga weyneyd ahaana curadka hooyadey iyo aabbheeyba, saacaddu waqtigaa waxey toboneeyo daqiiqo horey u dhaaftay kowdii habeenimo inta badana magaaladu wey huruday, waxaa gacan xooggan lagu garaacay ganjeelka guriggeena aabbahayna intuu istaagay si uu albaabka u furo ayuu na’gu amray inaan gudaha galno oo aan iska seexano, gudaha ayaanna u dhaqaaqnay aniga iyo walaalkey aabbene waxuu beegsaday dhankii iridka guriga si uu u furo, hooyana waxay gashay qolkeeda .

Waxaan dareemayey waqtigaa isaga ah cabsi fara badan oo aanan garanayn waxaan ka cabsanayo, aabbahayna daqiiqadahaas iyaga ah waxaa igu sii kordhay xiisaha iyo jeceylka aan u qabo, waxaan jecleystay inaan intaan ka daba tago dhabtiisa isku tuuro, anigoon garaneyn sababta uu isbedelkaas deg-degga ahi iigu dhacay, waxaan maqlayey aabbahay iyo dhawr ruux oo kale oo wada hadalaya, waxaana jecleystay in aan ogaado sida wax u dhacayaan, waayo waxay ahayd waqti danbe mana ahayn wax caadiya in saacaddaas aabbahay loo yimado, laakiin intii aanan soo aadin banaanka iyo halkii aabbahay iga xigay ayey wax waliba isbedleen .

Waxaan jecleystay daqiiqadaas iyada ah inaanan ku dhalanin dunidan uu dulmiga hareeyey ee naxariistu ay ka guurtay dadkeeduna ay sida xayawaanka iyo ka daran u dhaqmaan, waxaan ku tamaniyey haddii aan ahaan lahaa derbiga dhagaxa ah ee guriga aan ku jiro oo aanan waxba ka fahmi lahayn gabood falka aadanuhu uu dhiggiisa kula kaco , waxaan goob joog u noqday xumaan tii ugu baaxadda wayneyd iyo dulmi aan xadlahayn oo laga gelayo kuwa aan galabsan , waxaa dhegahayga soo gaaray dhawaq rasaaseed kii ugu horeeyey ee aan maqlo tan iyo markii uu ilaah ugu tala galay inaan ka mid noqdo aadanaha dunidan ku nool .
Inkastoo aan jeclaystay inaan u dhaqaaqo halkii aabahay iga xigay haddana waan kari waayey oo talaabo inaan qado way ii suuro geli waysay oo halkaygii ayaan dhawr daqiiqo iska surnaa .
Mark kale ayey rasaastii hagar daamadu dhacday aniguna markan anigoo dalanbaabinaya ayaan dibada ugu soo baxay si caal waay ah , waxayna in dhahaygu qabteen muuqaalo aad u fool xun oo astaan u ahaa arxandarada iyo gabood falka aan xadka lahayn ee loo geysto kuwa aan waxba galabsan, dubardiiba waxaan lugaha la galay dhiig badan oo qulqulaya , indhahayguna waxay qabteen aabbahay oo afku uu u hooseeyo dhiig badanna uu ka qul qulayo hoostiisa, hooyadayna ay ku dul dhagan tahay .

Waqtiga oo habeen ahaan awgiis waxa wax lagu arki karay wuxuu ahaa nalka guriga banaankiise ku dheganaa, isaguna ma ahayn mid sida la doono wax loogu arki karo sidaas daraadeed waxaan u qaatay in hooyadey ay fayawdahay, oo kaliya ay aabbe ku dul dhaganayd , hasayeeshee taasi run ma ahayn oo hooyo xabadihii dambe oo dhacayey ayaa malaha wadnaha lagala beegsaday kol hadday is tiri aabbe dhagar qabayaasha uga gar gaar .

Dhanka kale waxaa ka muuqday walaalkey Yoonis oo isagu u muuqday inay weli nafi ku jirto, hayeeshee aan hubo inay ahaayeen daqiiqadihii ugu dambeeyey ee sareeyuhu ugu tala galay inuu ka mid ahaado noolaha koonkan ku nool.

(Dantiisa haddii uu aqoon lahaa sidaani kuma dhacdeen daacadnimo iyo filin aan loo joogin ayuu noola yimid, bal ka xaaxaabi dheh waa kaase) sidaa waxaa yiri nin bidaar leh oo aad u muuqaal xumaa aadna u xoog weeynaa oo aad sheeydaan moodid, walibana labisnaa dharkii astaanta u ahaa ciidanka booliiska soomaaliyeed isagoo ka sii dul tilaabsanaya meydkii hooyadey iyo aabbahey oo is dul xooran.

Wuxuu isagoo wax aan ogaaday ineey bistoolad ahaayeen laadlaadinaya ka baxay iridka gurigeena, durbadiibana wuxuu ku dhacay gaari u taagnaa, waan hubaa inaadan u baahneyn inaan kuu tilmaamo sida uu xaalkeeygu ahaa waqtigaas, waayo waad qiyaasi kartaa sida uu xaal noqon karo, aniga iyo walaasheey Ikraan oo aheyn labada kaliya ee qoykaas ka hartay ayaa iskaga dul barooranay meydkii kuwii aan ifka u jecleyn sababna u ahaa imaatinkeena dunidan, kuwii noo ahaa ileyska ee na tusinayay wadada saxda ah ee rabbi raaliga uga yahay aadanuhu iney ku noolaadaan horumarkooda labada daaroodbana uu ku jiro, kuwii habeenno badan hurdada uga tagay maalma badana u rafaaday sidaan dhibaato la’aan ugu noolaan laheeyn, kuwii wax badan oo ey naftoodu jecleysaneyso daraadeen u ilaaway, kuwii dhaawac iyo xanuun badan daraadeen ugu dul qaatay iyagoon marna cabashadooda la maqal.

Haddii xikmada Rabbi ey doontay inaan weyno kuwii wax kasta inoo ah, waxaa gar aheyd inaan samirno, hayeeshee walbahaarka iyo calooliyoowga waxey noqdeen kuwa aan laabteyda ka faaruqin, gocashada xanuunkii isoo mareyna caado ayey ii noqotay, waana aan kari waayey inaan ilaawo dacdaradii loo geystay kuwii halbowlaha u ahaa farxadeyda.

Maskiin!! Walaashey Ikraan iyadu waa ey luufluuftay noloshana waa ey qaban weysay, maskax iyo muuqaal ahaanna waa ey is bedeshay xaalkeeduna waxaa uu gaaray quus, adeerkey oo isagu ahaa qofka gacanta ku hayay Ikraan kadib geeridii aabbahey iyo hooyadey wuu u caal waayey.
Si kastaba xaalku ha ahaadee burburka qooyskeenii kadib aniga iyo walaasheey ikraan waxaa nalaku kala ergay laba qoys, Ikraan waxaa mas’uuliyadeeda la wareegay adeerkey oo isagu ahaa nin aan sidaa usii dhaqaale ridneyn balse aad ugu dadaalay sidii uu xaalkeeda dhan kaste u wanaajin lahaa, anigana waxaa aad ugu adkeeystay inuu sida wiilkiisa oo kale ii hagaajin doono Siciid oo ahaa aabbahey saaxiibkiisa koowaad, ilaah haka abaal mariyee wuuna ka dhabeeyay oo xitaa booska uu wiilkiisa joogo wuu iga sara mariyay.

Waqtiyo badan oo is xiga ayaa na gudbay aniga iyo walaasheey Ikraanna waxaan ku kala nooleyn harka laba qoys oo kala geddisan, hayeeshee ma dhicin inaan maalin galinkeed is moogaano, waayo ma aannan awoodin oo labadeenuba midba kan kale ayuu dunidan ka fiirsanayay, sidaas oo eey tahay aragtida
Walaasheey Ikraan iyadu markasta murugo hor leh ayey igu abuuri jirtay waatan koowaade waxay astaan buuxda u ahayd dhallaan yar oo dunidan lagu ciilay laguna gardarooday lana dhaafiyey hooyadii hogaanka u ahayd jiritaankiisa, muuqaalka Ikraan ee murugada lahaa kasokow waxaa markasta I damqin jiray wejigeeda oo aad ugu ekaa wejigii marxuumaddii hooyadey, taasina waxay keeni jirtay in markaan Ikraan cabaar u sheekeeyo si aan u ilaawsiiyo mahadhadii nasoo martay oo ay yara qososho ayna bilowdo inay ka baxdo jewigii murugada in aan aniguna murugo iyo xusuus is hayn kari waayo, sababtoo ah dhoolla caddaynteeda iyo habdhaqankeeda guud waxba ugama gedisnayn kii hooyadey allaha u naxariistee.
Dhanka kale Yaasmiin inta aan dhibkaa ku jiray saacad ima aysan moogayn waxayna ahayd garabkayga iyadoo si dhab ah u muujisay sida ay iila xanuunsanayso , marnana kama aysan muuqan inay ku jirto jewi farxadeed oo ka gedisan kii aan ku jiray, waxayna ahayd ruuxa kaliya ee aan hubo inuu wax badan iga qafiifiyey, dhaawacana ila qaybsaday.
Dhibaatada nagu dhacday, aniga iyo Yaasmiin aad ayey isagu kaaya sii dhawaysay , waayo Yaasmiin waxay aad isgu dayeysay inay murugada I mootiso , sidaas daraadeed inta badan waqtiga way ila jooogi jirtay si ay ii maaweeliso, laakiin xaalladdaasi siima aysan socon oo is bedel weyn oo nolosha ruux kasta oo Somali ah taabtay ayaa dhacay.
maalmo ka hor ayaan adeer saciid ka maqlayey in aay jiraan kacdoono ka dhan ah dowladdii markaa wadanka ka arriminaysay, lagana cabsanayo in ay dhacaan qalalaaso wax badan falaafta , taasina sooma aysan daahin oo durbadiiba waxaa la arkay kooxo maleeshiyooyin ah oo ka dhan ahaa dowladdii markaa jirtay oo soo buuxiyey goobo ka mid ah magaalada muqdisho, taasoo soo dedejisay in magaalada dhexdeeda uu dagaal ka qarxo, kaasoo u dhexeeyey laba dhinac oo aan midkoodna shacabka u roonayn , waayo qolooyinkii markaa talada dalka gacanta ku hayey markay ula muuqatay in laga itaal roonaaday waxay durbadiiba bilaabeen in aay burburiyaan wax kasta oo ay ka gaari kareen kahor inta aanay iskaga bixin magaalada, iyaga oo aafooyin badan ka tegay , waxay xitaa dileen oo ay laayeen kuwii maamulka kula jiray ee ay saaxiibada ahaayeen waqtiga badan, iyaga oo u aanaynaya in ay isku haybyihiin kuwa dagaalka kala soo horjeeda ee sababay in ay waayaan ka talintii dalka , waxaa kaloo ay si arxan daro ah u laayeen shacabkii aan waxba galabsan ee magaalada deganaa iyagoo la beegsaday madaafiic aan loo aabbo yeelin , waxayna si aad ah ula beegsaday madaafiicda meel kasta oo ay is dhihi kareen ama tuhun uga jiray in uu ku noolyahay ruux ugu yaraan xitaa niyadda ka neceb maamulkii ay hormuudka u ahaayeen .
Dhanka kale jabhadihii dagaalka kala horyimid nidaamkii markaa jiray waxay aad ugu fashilmeen in ay la yimaadaan nidaam laga soo shaqeeyey oo lagu qanco, hantana kala dambaynta iyo sharciga, iyagoo wax ku waday jaantaa rogan iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq, taasoo keentay in goobkasta oo gacantooda kusoo wareegta la bililiqaysto tiiyoo dadku uu u haysto iyaguna ay u tuseen in waxa halkan yaala ay leeyihiin nimankii tegay ee aanay ahayn wax qaranku lahaa, markaana ay waajib tahay in la bililiqaysto oo la booboo, iyadoo lagu xumaynayo kuwii talada laga tuuray , taasoo ahayd halka mushkilado badan oo dhacay aay kasoo bilowdeen, waxaa taa dheeraa qolooyinkii jabhaduhuna waxay ku keceen fal la mid ah kuwii tagay midkii ay ku keceen iyo mid kasii xumaa, waxay dileen oo ay magacyo lagu garto laguna raadsado u sameeyeen kuwa aan waxba galabsan ee lagu haystay kaliya in ay isku beel kasoo jeedeen kuwii ugu sarsareeyey xukuumaddi laga adkaaday oo laga yaabo in ay iyaguba ku dhibanaayeen, taasoo qaab qabiil usii yeeshay dagaalkii in badan oo dadka dunida iyo somaliduba ay u haysteen inuu ahaa dagaal ku salaysan hanashada xukunka dalka ee aanu wax lug ah ku lahayn qabyaalad iyo arrimo kaleba ,arrinkuna wuxuu aad usii caddaaday kolkii barqo cad lagu dilay boqolaal qofood oo aan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha dhacay meela kala gedisan oo dalka ka mid ah.
Qalalaasuhu wadanka wuxuu gaaray heerkii ugu xumaa , iyadoo la arkayey kuwo si nacasnimo leh u boobaya goobihii wax barashada ee aay caruurtoodu wax ku baranayeen, iyagoo u haysta in dowladdii laga adkaaday ay ku xumaynayaan , daldalnayana kuraastii miisaskii iyo dhammaan agabkii wax barasho ee yaallay goobahaa , waxaa si damiir laawanimo ah loo burburiyey loona boobay kaabayaashii dhaqaalaha ee wadanka , goobihii wadnaha u ahaa adeegyada bulshada , iyo goob kasta oo wax tar u lahayd horumarka dalka iyo dadkaba , wax kale iska daaye waxaa la fiiqday fiilooyinkii korontada ee xaafadaha iyo wadooyinka ku xirnaa.
Si kastaba xaalku ha ahaadee maalmo yar dabadeed dagaalkii dhex maray jabhadihii iyo dowladdii dalka ka talinaysay oo ay ku xoog roonaadeen jabhadihii , waxaa caddaatay in dalku uu dhan kastaba ka halakoobay , waayo qolooyinkii talada laga tuuray wixii ay qaadan kareen waay qaateen wixii aay burburin kareena waay burburiyeeen caqli ahaan iyo cudud ahaanba , iyagoo aad ugu dadaalay in aanay marna ka tegin wax wanaagsan , iyadoo in badan oo ka mid ah dadka arrimaha soomaaliya daneeya ay rumaysanyihiin in musiibada soomaaliya ay beereen isla markaana barbaariyeen kooxihii dalka kasoo talinayey .
Dhanka kale kuwii ka dambeeyey ee talada ka cayrshay ma noqon kuwo wax hagaajiya oo boogta dhaya ee way kasii dareen oo la hubsaday in ay wax badan ka xunyihiin kuwii ay cayriyeen iyagoo musiiba caalamku ka taariikheeyo baday ummadda.
Arrinka xanuunka badan ee dagaaladaas aan macnaha lahayn laga dhaxlay wuxuu ahaa dil, dhac, boob, kufsi iyo dacdaro loo gaystay kumanaan aan waxba galabsan oo uun eersaday inay isku hayb ahaayeen mid ka mid ah labada dhinac.
Magaalada muqdisho oo iyadu ahayd caasimadda dalka ahaydna halkii ay beladu ka qaraxday waxay goobjoog u ahayd gabood falyo badan iyo dembiyo aan xad lahayn oo laga galay aadanaha waxayna ku guuldaraysatay in ay xafiddo bilicdeedii iyo quruxdii ay caanka ku ahayd.
Maalin ka mid ah maalmahaaas cakirnaa ee fowdada iyo kala dambayn la,aantu hogaanka u hayeen nolosha reer muqdisho , ayaan anigoo abaarihii kow iyo tobankii subaxnimo kasoo laabtay xaafada adeerkeey oo aan sida caadada ahaydba walaasheey Ikraan kusoo booqan jiray jeclaystay in aan yaasmiin sii maro inta aanan u gudbin xaafaddaan ku noolaa , hayeeshee intaanan soo gaarin gurigii reer Xaaji Aways ayaan dareemay buuq badan oo guriga iriddiisa hore ka jira iyo dad badan oo ku xoonsanaa , anigoo dareemay in wax uun ay jiraan balse aan garan Karin sida dhabta ah ee ay wax u jiraan, ayaa Cabaas oo ka mid ahaa dhalinyarada xaafadda si fiicanna aan isu bargaranaynay iga hor yimid, waxaanan waydiiyey waxa ka dhacay meesha, balse isagoo indhihiisa dareen xoogani ka muuqdo ayuu iga gudbay isagoon hal hadal ah I oran, aniguna horay ayaan usii dhaqaaqay anigoo cabsi xoogani ay maankayga haraysay , dad badan oo guriga hortiisa tubnaa ayaan dhex qaaday oo anigoo aan wax hadal ah ku oran gudaha u dhaadhacay , balse astaantii arxandarada iyo gabood falka ay soomaalidu isu gaystaan ma noqon mid dhaayahayga ka harta, waxaan dul tegay sedax qofood oo mayd ah oo guriga dayrkiisa hore yaalay hal Salli oo waynna dusha laga wada huwiyey, anigoon is ogayn ayaan salligii ka dulqaaday , mise waa maydka Xaaji Aways iyo Aamino oo ahaa Yaasmiin hooyadeed iyo aabbeheed iyo weliba Xamdi oo ahayd Yaasmiin walaasheed ka wayn, odaga isaga waxaa ka muuqday in si arxan daro ah rasaas loogu furay wejigiisana wax yar uunbaa laga garan karay, halka Xamdi wejigeeda dacdaro badani ay ka muuqatay aadna dareemaysay in inta aanay ruux bixin ay si,uun u dagaalantay , anigoo weli dultaagan ayaan soo xusuustay yaasmiin durbadiibana waxaan bilaabay inaan guriga ka dhex doondoono , balse qolkii iigu horeeyey ee aan galay ayaan kusoo baxay meydka Asma iyo Khadar oo labaduba Yaasmiin la walaalo ahaa oo is dul xooran , markaa waxaa xaqiiqo iila ekaatay in waxa kaliya ee ii dhiman ay tahay in aan dhaayaha saaro maydka Yaasmiin, waayo qoyska waxa ka maqan waa iyadoo qura, balse si kasta oo aan guriga uga dhex raadiyo nolol iyo geeri midna waan ku waayey ,dabadeedna banaanka ayaan isaga soo baxay bal si aan baadi goobkayga iskaga sii wado haddiiba aan helayo ruux war uun iga siiya xaalka ay ku sugantahay taan dunida ugu jeclaa.
Mid ka mid ah islaamaha reerka deriska la ahaa oo loogu yeeri jiray Ambiyo ayaa ii sheegtay in niman dabley ah ay reerka soo weerareen iyagoo ku andacoonaya inay isku hayb yihiin kuwa ay iska soo horjeedaan. Sidaas darted waxay tiri ugu horayntiiba Xaajiga ayey dileen dabadeedna labada gabdhood ayey kufsadeen, markii ay islaantii reerka is hayn kari waysay oo ay ka celi damacdayna rasaas ayaa si naxariis daro ah loogu furay ,markaana gabdhihii ayey dileen markay kufsadeen, wiilka kaliya ee ay reerku lahaayeen isaga waxaa markii horeba la raacshay odayga , islaantii kolkay intaa marinayso ayey is hanan kari waysay oo oohin afka furatay igana tagtay oo dhankii gurigeeda beegsatay, iyadoon Yaasmiin waxba iiga sheegin, inaan ka daba tago ayaan damcay bal si aan u waydiiyo haddii ay wax ka ogtahay iyo haddii kale balse way ila noqon waysay oo halkaygii iska istaagay.
Ma jirin cid talaabo qaadDay oo maydkii reerka la laayey meeshoodo ayey iska yaalleen , dadka meesha joogay oo u badnaa dadkii deriska ahaa ragguna uu ku yaraa weli ma jirin cid go,aan isku raacday, waxayna u muuqadeen inay weli wada qaadan la,yihiin sida wax u dheceen iyagoo cid ashahaadanaysa mooyee aanay cid kale hadlayn ayeyna meesha iska tubnaayeen.
haddii xaal sidaa yahay ayaan u arkay in ay fiicantahay inaan gurigaan ku noolaa aado oo aan adeer Saciid oo aabbahay oo kale ii ahaa aan xaalka la soo socodsiiyo bal si ugu yaraan aan maydka u aasno, isla markiibana waan soo dhaqaaqay waayo waan hubay in aan adeer Saciid guriga ugu tegi doono mar haddii halkii uu u shaqa tegi jiray albaabada loo laabay.
Aad ayaan u xanuunsanayey waayo qoyska reer Xaaji Aways waxay ahaayeen dad aad iigu wayn, gumaadka loo gaystayna si aad ah ayuu ii dhaawacay iyadoo ay taas ii dheerayd anigoo aan gacaladaydii Yaasmiin nolol iyo geeri meelna ku sheegin.
Intii aan wadada kusoo jiray anigoo aad u dawaqsanaa ayna I hor imaanayeen muuqaaladii dadkii sida xun loo galay ayaan ilaah ka baryayey inuu kuwa manaxayaasha ah ee sidaan wax yeelaya uu geyiga ka qabto oo uu uga gargaaro.
Markii aan guriga soo gaaray waxaa guriga iga furay Nasteexo oo ka mid ahayd caruurta adeer Saciid, isla markiibana waxaan waydiiyey in uu aabbe joogo iyo in kale,balse intii aanay maya ama haa midna I oran ayaa ruux aan codkiisa si aad ah u aqaanno iguna dheer wuxuu gadaal ka yiri “Maxaad u taagan tahay soo gal maanta oo idil ayaan ku sugaynaye xageed sidan ugu soo daahday ?’.
Waa Yaasmiin oo sida muuqata waqti sii horeeyey saakay timid xaafadda in door ahna I sugtay, iyadoo dhoolla cadaynaysa ayey indhahaygu qabteen oo sida ka muuqatay aan waxba kala socon waxa dhacay, waxaan aad uga xumaaday in dhoolla cadaynta iyo farxadda wejigeeda ka muuqataahi aanay ahayn kuwa sii waari doona, ilmo kulul ayaana isoo dhaaftay, iyadoo lugahaygii aay I qaadi kari waayeen istaagiina aan tahli kari waayey oo aan ku sigtay in aan sara joogga ka faniino, waxaanan ku sigtay inaan sidii caruur yar af labadii yeero, hayeeshee waxaan aad iskugu dayey inaan naftayda xakameeyo ugu yaraana gabdhaha hortooda aan caadi u muuqdo tan iyo inta ay wax kastaahi ka cadaanayaan, gudaha ayaanna horay usoo galay.
Xaqiiqda ayaa ahayd in aanay Yaasmiin ahayn ruux aan dareekayga ka qarin karo waayo dabeecadahayga iyo guud ahaan hab dhaqankayga ayey aad u taqaanay, sidaa daraadeed durbadiiba way dareentay isbedelka igu dhacay waxayna bilowday inay I waydiiso su,aalo fara badan oo ku saabsan sida ay wax iga yihiin , aananna wax jawaab ah u hayn lahayna meel looga cararo, taasoo igu qasabtay in aan runta u sheego si kastaba ha u qaraaraatee hana iigu cuslaatee maadaama ay tahay lama huraan.
Waa xikmad rabbi in noloshu sidaa u socoto, kuwo badan oo aan jecelnahayna aan ciidda hoosteeda ku aasno ka dib markuu rabbi oofsado oo ay cadaato in ay idlaatay intii ay agteena ku lahaayeen , sidaas darted maalintaas gelinkii dambe ayaan soo aasnay shantii marxuum ee gacmaha ka gardarani ay dileen.
Murugadii aan kala kulmay dhibtii loo gaystay qoyskaas waxaa igala sii darnaaday oo aan u adkaysan kari waayey xaalladda ay Yaasmiin gashay ka dib baabi,ii loo gaystay qoyskeeda . waxay noqotay ruux aan wax rabitaaan ah nolosha u hayn ,cuntadii ayey ka go,day ,hurdo way ka haadday oo habeen iyo maalin iskugu mid ayey noqdeen , hadalkeeduna wuxuu noqday mid lagu diimo, xaalladdaas iyada ahna waxay ku sugnayd in muddo ah , aniguna intaa wax sidaa ah ma dhaamin oo murugada aan ka qaaday xaaladeeda iyo waxaa isku kay biirsaday mahadhooyin badan oo horay iisoo maray markaa ayaan aad u dhadhamiyey qaraarka nolosha oo dhab ah.
Waqtigu wuu socdaa, isbedelka noloshuna waa lama huraan , aadanuhuna waxa uu ku qasbanyahay in uu la falgalo is bedelada uu waqtigu wato ee ku dhaca noloshiisa, uuna la qabsado si uu ugu sii waaro nolosha, markaa aniga, Yaasmiin iyo Ikraan waxay nolosheenu la qabsatay xaaladaha qalafsan ee uu waqtigu na baday, waxaanna aan ku kala noolayn sedax guri oo kala gedisan, hayeeshee waxba ma aanan dhaamin wax hal guri kuwada nool waayo isma aanan moogaan jirin wax badan , waxaanan ahayn dareen wadaag dhibta teedii hore iyo tii dambaba wadaagay . innagoo marnay duruufo aad u adag dhankasta haddii ay ahaan lahayd dhan dhaqaale, iyo dhan ammaanba. Maalinba maalinta ka dambaysana xaalladda wadanku way sii xumaanaysay nolosheenuna way la sii xumaanaysay .
Soomaalida ayaa tiraahda “Adigoo xummaa xoon ku cun’ oo ay ula jeedaan adiga oo ay ku haysatay arrin aad u xal wayday hakuugu darsanto arrin kale oo tii kasii daran, hadaba anagoo ku sugnayn xaallad aad iskaga qalafsan dhan kasta ayaa haddana mar kale dagaal ka qarxay magaalada muqdisho kaasoo ku saabsanaa qabyaalad una dhexeeyey kuwii shalay ka hor yimid taliskii dalka ka jiray ee halka dhinac kasoo wada jeeday , iyagoo si caqli daro ah magaalada dhexdeeda ugu dagaalamay xasuuq ba,anna u gaystay shacabkii reer muqdisho.
Nolosha ayaa dhan kasta ciriiri ka noqotay , jidadka muqdisho oo dhan ayaa lagu arkayey meydka oo tiro dhaafay oo iska daadsan , iyadoo boqolaalka subaxkasta madaafiicda iyo xabadaha lagu laayo ay iyaguna barbar socdeen tiro aad u fara badan oo iyaguna muqdisho iyo goobo kale oo wadanka ka mid ah ugu dhamaanayey gaajo iyo macluul.
Dagaaladaas aan hadafka lahayn marka laga reebo qabyaaladda ay ku halkacsanayeen kuwa aan danta ka lahayn dalka iyo dadkaba ee isku magacaaba inay yihiin siyaasiyiintu wuxuu ummadda dhaxalsiiyey halaag dhan kasta ah, macluul adduunka oo idili uu ka qayliyey ayaa ka dhacday geyiga soomaaliyeed, taariikhda cusub ee soomalida inta laga warhayo dhibaatadii ugu baaxadda wayneyd ayaana kala gaartay bulshada, waxaa is dilay labo wada dhalatay oo ay hooya wada nuujisay, iyagoo qabiil dartii isku dilay, abti ayaa wiilkii ay walaashii dhashay xabbad ku kala jaray, sidoo kale wiil ayaa sabab u noqday inuu iilka u hoydo kii hooyadii naaska la nuugay, mid ayaa walaashii ay hooyadii iyo aabihii dhaleel asay u saaray oo kii ay u gogol gashay qudha ka jaray, laba ay hooyooyinkoodu naas wada nuugeen ayaa la arkay iyagoo qoryo isku qaatay oo sidaa midkood dunida kaga hayaamay, saaxiibo ay inta taqaanay ku tilmaami jireen inay naftu u dhaxaysay tusaale fiicaanna u yihiin saaxiibtinimada ayaa is dilay, deris nolol wadaag ahaa in badan ayaa isku xumaaday, sababtuna ma ahayn mid uu qaadan karay ruux wax yar oo caqli ah lagu tuhmo oo waxaa la isku dilay oo is ma hurtoo dhami ku kala irdhoobeen islaanimadii iyo soomalinimadiina looga tegay bani,aadanimadiina lagu ilaaway qabyaalad iyo is qoloqolaysi aan meelna kaga qornayn diinta islaamka iyo xeerarka ay aadanuhu dhigtaan si ay noloshooda ugu hagtaan.
Waxaa intaa dheeraa tiro aad u fara badan oo iyagu sabab la,aan u god galay iyo kuwo naafo aan waxba qabsan Karin u noqday madfac iyo rasaas aan loo aabbo yeelin oo halkay ku noolaayeen loogu geeyey.
Dareenka bulshada soomaaliyeed wuxuu noqday mid gebi ahaanba hoos usii socda oo bani,aadanimadu ay kusii yaraanayso waayo waxay inta badan isku raaceen dilka iyo hagardaameynta kuwa diin kastaa iyo xeer walibaahi ay diideen waxyeelayntooda, xumaantuna waxay noqotay mid si aad ah ugu faaftay qaybaha kala gedisan ee bulshada , xanuunkuna qoys kasta oo soomaaliyeed wuu gaaray.
Waa dharaar aad u kulul qoraxda geeska afrikana ay cirka kala badhkiisa wax yar uun u jirto, saacadda reer muqdisho waxay abaaraysay labiya tobankii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah, dhawaqa rasaasta dhammaan magaalada muqdisho si argagax leh ayaa looga maqlayey waayo ayaamahan danbe oo dhan sidaa ayaa caado ahayd dagaalkuna saacadahaa oo kale ayuu gaaraa heerkiisa ugu saraysa, madaafiic aan loo meel dayin ee habow ah ayaa meel kasta ku dhacaysa mana jirin cid iska fogaynaysa in uu daqiiqadaha soo socda iyada heleeli doono, waayo ruux kasta oo reer muqdisho ahaa wuxuu maalmahaa si aan toos ahayn ugu xukunnaa dil, balse waqigu xagga rabbi ayuu kasoo dhammaadaa ee kuma jiro gacanta kuwa manaxayaasha ah ee shacabka dilooday.
Dadka reer muqdisho intii qaxi kartay maalmihii hore ayey carareen, kaliya waxaa haray intii tabarta yareyd ee aan karayn in ay ka dhex baxaan baaruudda la isku asqaynayey, balse ilaah meel kasta wuu joogaa oo ma ahan mid ilawsan adoomadiisa tabarta yar.
.
Waxaa caado u ahayd dadka degaanka maalmahaa in ay subaxa hore sii beegsadaan gidaarada shubka ka samaysan si ay gabaad uga dhigtaan oo ay uga celiyaan madaafiicda dhowrka nooc lahayd ee la isku adeegsanayey.
Aniga iyo adeer saciid iyadoo xaalku sidaa yahay rasaastuna ay sidaa u dhacayso ayaan soo abaarnay guri uu deganaa nin carruurta adeer saciid abtigood ahaa oo aan is lahayn aad kasoo qaadaan waxoogaa yar oo raashin ahaa oo caruurta la rabay in nafta loogu celiyo, maadaama afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay aanay wax aan biyo ahayn afkooda saarin, iyadoo dhowr iyo toban maalmood oo kasii horaysay aan si qumaati ah wax loo cunin oo xaalku uun uu ahaa hal mar in dabka la shidto.
In kastoo aanu gurigu sidaa nooga fogayn hadana inaan gaarno waxay nagu qaadatay waqti aan yarayn, waayo si toos ah uma aanan soconayn oo marba gidaar ayaan xabbadda isaga nabaynay, iyadoo aan la kulmaynay xaalado badan oo aad noo argagax geliyey, meydka iyo dhaawacuna ay iyagoo tiro beelay jidka iska daadsanaayeen,talaaba kasta oo aan qaadnana waxaa noo sii badanayey murugada iyo caloolyowga. Waxaa ii muuqday ruux dumar ah oo derbi aan sidaa iiga fogayn ku santeecday carruuryar yar yar oo laba ahna ay hareeraha kaga jiraan, caruurtu way wada oynayeen balse kan yara waynaa ayaa aad u oynayey “malaha dhawaqa rasaasta ayey ka cabsanayaan!” sidaa malahayga ayaa isiiyey balse arrinku sidaa ma ahayn marna oo wuu ka gedisnaa waxaanan gartay markaan soo dul istaagay. Waxay ahayd hooyo soomaaliyeed oo kuwii gacanta qaban lahaayi ay aafeeyeen waqtigii ay ugu baahida badnayd in ay garabkeeda buuxiyaan, da, ahaan aad uma waynayn oo sida aan ku qiyaasay sodonkii sanado aan badnayn ayaa u raacay, laakiin dandara iyo diifta ka muuqatay awgeed kama aadan garan Karin islaan lixdankii kor u dhaaftay, waxay lahayd uur sedkiisii dhammaaday oo maalmo uun kaliyihi u harsanaayeen sida ii muuqatay , xabbad ayaa caloosha bartankeeda kaga dhacday mana anay muuqan meel ay kasii baxday oo way dhex fariisatay, iyadoo an hubo in waqtigeedu uu xagga rabi kasoo dhammaaday aanayna jirin cid celin karta ayaan haddana shaki iiga jirin in ay hooyadaa soomaaliyeedi dayacantay sida kuwa badan oo soomaali ah oo iyadoo kale ahi u dayacmeen oo xitaa intii ay mowdka la xarbinaysay anay helin gacan koob biyo ah ku caawisa. Waa hooyo iyo naxariisteede waxay jeclaysatay in daqiiqadaha ugu dambeeya nolosheeda ay carruurteeda laabta ku haysato kolkaasey labadoodaba intay midba gacan kasuu qabatay laabteeda kusoo ururisay sidaana ku gashay geedigii aan soo noqoshada lahayn, iyadoo murugtii iyo guuldaradii ku dhaaftay halka aan anagu nasiibka u yeelanay in aan uga dambeyno.
Intaan aayar soo yara talaabsaday ayaan dhankeeda usoo dhaqaaqay bal si aan carruurta uga dul qaado maydkana aan iskugu toosiyo, balse muuqaalkeedii ayaa ila noqday kii hooyadeey oo aan waxba kaga gedisnayn kolkaas ayaan intaan is hayn kari waayey arkay anigoo meydkii islaanta laabta gashtay oo adeer Saciid ileeyahay “war Faysal miyaad waalatay maxaa kugu raray meydka islaanta” intaan soo yara baraarugay ayaan meydkii si naxariis leh dhulka u dhigay anigoo cod hoose ku leh “xagguu ilaah xisaabtiisa kaga baxsan doonaa kan aad sababtiisa halkan u taal ee aad dunidan kaga hayaantay, muxuuse ilaah ku oran doonaa maalinta shidada badan ee aan cidna wax loo dhaafayn kolka wax laga waydiiyo dilka midkaa aan dunidaba soo gaarin ee isagoo caloosha hooyadii ku jira lagu gowracay. Ilaah ayaan kaaga baryayaa inuu naxariistiisa kaa waraabiyo uuna kaa mayro wixii xumaan ah rafiiqna uu kaaga dhigo kuwa wanwanaagsan ee uu raaliga ka yahay, jaNnadiisana aad ku waarto”.
Markaan meydkii isku toosiyey ayaan intaan labadii carruur ahayd soo qabtay gacmaha, lasoo dhaqaaqay, anigoo qorshahaygu ahaa in aan guriga sii geeyo oo aan markaa doondoono cid garanaysa carruurta iyo islaanta maydka ahaydba, hayeeshee talo waa tan rabbi ee kama aanan soo dhaqaaqin toban tilaabo ka badan halkii ay islaantu taalay kolkii dhawaq aad u xoog badan oo siigo iyo qiic kiciyey dhulkana aad u gilgilay uu ka yeeray dhankii gurigii aan saakay kasoo toosnay markaana aan kusii jeednay ee reer adeer Saciid, tabardarada guud ee I haysay iyo naxdimaha is biirsaday awgood waxaan kari waayey in aan saanta horay uga qaado halkii aan marayey, anigoo hubay in dhib wayni uu ka dhacay guriga waayo ruuxna kama maqnayn qoyska marka laga reebo aniga iyo adeer Saciid oo nalaga dhowrayey wax cunto ah, muddo shan daqiiqo ku dhawaad ah ayaan dhanna u dhaqaaqi waayey oo sidii geed oo kale wadada iska surnaa, adeer Saciidse kol hore ayuu isagoo kaashanaya waayo aragnimadiisa iyo intuu iga da,da waynaa wuxuu usii cararay dhankii gurigii madfucu ku habsaday ee reerkiisu deganaayeen, anigoo aniguna mar dambe kasoo daba dhacdhacay anigoo lugahaygu ay I qaadi la,yihiin maskax ahaanna aan hubay inaanan caadi ahayn.
Qoyska reer Saciid oo ka koobnaa todoba caruur ah iyo hooyadood oo waqtigaa guriga kuwada sugnaa waan ku guul daraysanay xitaa wax kale iska daaye in aan helno xubin aan xitaa ruux iyaga ka mid ah ku aqoonsano, dhammaana hilbohooda ayaa isku dhex yaacay, hilbaha ayaa derbiga ku dhegdhegnaa iyaga oo si aad ah u guban, dhiiguna dhulka ayuu qulqulayey waxaana mustaxiil u muuqatay in la helo ruux badbaaday hayeeshee taasi ma noqon mid naftaydu ay ku qanacdo oo aadanaha ayaa iska ah mid rejo ku nool ehe, waxaan durbadiiba bilaabay in aan burburka iyo cadadkii hilbaha ahaa ee daadsanaa ka dhex daydayo bal ruux aan aqoonsado, hayeeshee taasi iima suura gelin oo sidaan habda usoo laacayey cad yar oo aan is leeyahay wuxuu uun ka mid yahay jirka ruux aan hubo inuu igu dheeraa ayaan iska quustay oo meel geed hoostiis ah ku dhacay.
Dunidu waa imtixaan, ruux kastana in maalmo qaraar noloshiisa soo maraan waa wax caadi ah, balse dhibaatooyinku way kala culusyihiin raadka ay nolosha aadanaha ku yeeshaana wuu kala xeel dheeryahay, sidaa daraadeed maalintaas waxay ahayd maalin ka mid ah maalmaha iigu murugada badnaa tan iyo intii magaca aan wato la ii bixiyey, waayo qoyska reer adeer Saciid waxay ii ahaayeen qoyskeegii dhabta ahaa markii aan hooyadii iyo aabihii I dhalay waayey oo ay u kicitimeen xagga rabbi, ka dib markii ay sababsadeen gacmaha kuwo ka gardaran, waxaa booskoodii ii buuxiyey adeer Saciid iyo eedo Maryan, oo runtii aanan marna ugu yeerin wax aan ahayn hooyo iyo aabbe, sidoo kale carruurta reerku waxay ahaayeen walaalahay marnana iima aysan qaadan inaan ahaa ruux dul saar ku ahaa oo reer kale kasoo haray ee waxay ii arkayeen walaalkood ka mid ah iyaga, balse xigmada rabbi ayaa maalintaas doontay in ay noqoto maalintii ugu dambaysay ee aan nasiibka u yeesho in aan arko kuwaa aan aadka u jeclaaday.
Anigoo aad u gaajaysnaa diihaalbadanina uu I hayay ayaa urtii baaruudda iyo carunkii iyo dhiiggii meesha qulqulayey gudaha ii galeen, naxdintii iyo dhibtii aan la kulmayna iga saidcaleeyeen oo miir daboolmay, markaa ayaan mar dambe soo nabdaaday anigoo weli geedkii hoos jiifa Yaasmiinna ay dhabta igu hayso , waxaa kale oo markaa dhankayga midig fadhiyey Ikraan oo iyana gacantayda sidaa u haysay, cid kale oo aan labada hablood ahayn iima muuqan, dhankii guriga reerku ku baaba,ay markaan eegayna cidi kama ag muuqan, oo waxay u muuqatay in intaan miirka la,aa hilbihii qoyska wixii laga helay la aruuriyey oo la asturay, waxaan sare u eegay Yaasmiin ilmada indhaheeda ka qubanaysay ayaana foolkayga buuxisay, Ikraan ayaan u jeestay mise iyana intay is hanan kari waysay ayey sidii dhallaan yar oo kale af labadii yeertay oo isku soo kay dul xoortay, markaasay in cabaar ah haday oynaysay intay madaxa kor usoo yara qaaday iyadoo indheheedu aad u casaadeen ku tiri cod aan fasiix ahayn “miyaan xitaa hal ruuxna ka harin gebigood ma dhammaadeen?” anigoo isku dayaya in aan samir siiyo ayaan ku iri haa oo dhammaanteenba waanu wada dhimanaynaa ee waanu kala horaynaa oo kaliya ee samir una dulqaado dhacdooyinka hana is raacin dhibaatooyinka.
Cakuye waqtiga hadduu kaa hiiliyo hagar daamadiisu ba,anaa, howlaha aduunyaduse hadaanay kuu hagaagin halistoodu daranaa, halmar ayaan dareemay inaanan wax rabitaan ah nolosha u hayn aananna door bidayo in aan iskaga hayaamo dunidan uu dulmigu hogaanka u qabtay, waxaana aan ku hamiyey shaydaanba duruufta jirtay ha iiga faa,idaystee in aan ka midnoqdo kuwa uu madfacu laayey ee ka fogaaday xanuunka dunidan ee aan dhammaadka lahay, mar dambe ayaanse intaan shaydaanka iska naaray oo ilaah u towbad keenay isna xasuusiyey in ay xaq tahay qaddarta rabbi garna ay tahay in raali lagu noqdo ayaan waxoogaa degay oo ay xaalladaydii soo yara roonaatay.
Xaalladdaha colaadeed ee baahay ee uu shacabku ku noolaa kaliya ma ahayn aafada uu tabanayey ee waxaa intaa shacabka u dheeraa dhaqaale la,aan baahday oo wada gaadhay dalka oo idil sababtayna macluul aad u heer saraysa waayo ma jirin illo dhaqaale oo shacabku wax ka helaan ama ay isku halleeyaan , arrinkaasina wuxuu keenay in ruux kastaahi uu u istaago sidii uu u noolaan lahaa ama uu wax ugu tari lahaa kuwa ay mas,uuliyadi ka saarantahay ee isaga wax ka dhowraya , aniga iyo adeer Saciid, Ikraan iyo Yaasmiin oo hal guri ah iskugu tagnay kuna wada noolayn kadib markii mid kasta ay dadkiisii dhammaadeen aanna noqonay kuwo dhaawac wadaag ah ayaa ka mid ahayn soomaalida faraha badan ee dhaqaala la,aantaasi ay fara saartay dhibaato badanna u maray sidii aay nolosha ugu sii waari lahaayeen, waxaanna subax kasta u kalihi jirnay sidii aan usoo heli lahayn luqmaddii maalintaa la cuni lahaa.
Dhibta aan u maraynay helitaanka wixii la cuni lahaa waxaa inoo dheeraa ammaan xumi daran oo baahday , inkastoo ay joogsadeen dagaaladii tooska ahaa haddana dhibaatada dadka lagu hayey marna ma joogsan oo markasta bog cusub ayaad mooday in uu sii furmayey, dhibaato tii hore ka baaxad wayna way soo muuqanaysay, in badan ayaana dhici jirtay in annagoo maanta dhan ordaynay wixii yaraa ee aan soo helnay markii aan guriga ula soo orodno nalaga qaato inta aannan soo gaarin guriga oo sidaa aan ku qadno habeenkaa haddii aan ilaah wax kala furin.
Marna ma ilaawo maalintaa iyada ah, kadib markii aan subixii kaligeey suuqa galay waayo adeer Saciid oo aan wada tegi jirnay wuu xanuunsanaa maalinkaa oo feeraha ayaa laga hayey mana aanu dhaqaaqi Karin oo wuu liitabayba, markaa maalintaa waxaan aad ugu dadaalay intii karaankayga ah bal in aan booskiisa buuxiyo oo daawo iyo wixii isaga lagu baxnaanin lahaaba ha joogeene aan soo shaqshaqo wixii la cuni lahaa, balse wax kasta dhanka rabbi ayey ka qoranyihiine wax way ii suura geli waayeen marka laga reebo wax yar oo lacag ah oo aan kasoo kasbaday dhowr loor oo raashin ah oo aan qolooyin dhabarka ugu qaaday, sidaa ayaanan kusoo hoyaaday anigoo xaalladda guriga iiga horaysa iyo waxa aan gacanta ku hayaa aanay isku qumanayn laakiin naxariista rabbi in ay aad u wayntahay ayaan isku qanciyey oo sidaa guriga kusoo abbaaray , in door ah markaan guriga usoo jiro ayaan meel aad iigu dhow ka arkay sadix nin oo dhalin yaro ah markaana aanu wax hadal ahi dhex marayn durbadiibana intii aanan wax kale ku fekerin ayaa mid iyaga ka mid ahi intuu soo yara hormaray oo qori uu watay balse aanan si fiican u arki Karin igu soo taagay igu yiri cod hoose “istaag oo ha is dilin!”anigoo aad u naxay dhidid fara badanina uu iga soo yaacay ayaan isa taagay gacmahaygana sare u qaaday anigoo muujinaya in amarka la I siiyey aan u hogaansamay si aan uga badbaado in aan gacantooda sababsado dabaeedna mid ka mid ah oo aan wax hub ah wadan inta aan arki karay ayaa dhankayga soo aaday oo igu bilaabay in uu dhankasta iga baaro wuxuuna si sahlan iigala soo baxay lacagtii yarayd ee aan awalba saluugsanaa waxa ay baahideena ka qaban karto iguna yiri “dhaqaaq oo dib ha noo soo milicsan haddii kale naftaada ayaad ku qamaaraysaa” wax kale oo aan samayn karay ayaanba jirin sidaa daraadeed waan iska soo dhaqaaqay iyadoo dhibtayda uu ilaah oo kaliyhi dareemi karo, waxaanan soo beegsaday hoygii aan ku noolayn, intii aan wadada kusoo jiray waxaan aad uga murugoonayey waxa aan la hortegi doono hablihii aan guriga uga soo tagay saakay oo iyagu aan maanta dhan waxba afkooda gelin oo aniga uun I dhowrayey iyo adeer saciid oo isaguna wax la cuna ha joogeene xanuun la ildarnaa, anigoo ku sigtay in aan guriga aadin oo aan meelahaa iska seexdo si aan ilxumadooda uga fogaado, haddana way ii noqon waysay oo waxaa ii muuqatay inaanay jirin cid aan uga dhuunto, sidaa daraadeed anigoo caal way ah baahi iyo daalna la ildaran ayaan iska soo dhacdhacay, markii aan guriga soo gaaray waxaan la kulmay adeer Saciid oo daaradda hore ee guriga jiifa, is bariidin iyo xaaladdiisa caafimaad oo aan ka waraystay ka dib gudaha ayaan galay bal si aan dharka isaga bedelo oo aan macawis duug ahayd oo ii taalay u xirto, intii aan dharka iska bedelayey waxaa aad ii mashquulinayey sida uu xaalku ahaan doono caawa balse mar aan cabaar isku buuqsanaa ayaan dareemay in labadii gabdhood aanan arkin hadalkoodana aanan maqlin tan iyo markaan soo galay isla markiibana adeer Saciid ayaan waydiiyey halka ay qabteen wuxuuna ii sheegay in saakay maraan baxay ay iyana bexeen ayna u sheegeen inay meel dhow gaarayaan oo ay dhawaanba soo laabanayaan ilaa iyo hadana aysan soo laaban arrinkoodana uu aad uga welwelsanaa oo wax uu ku dhaqaaqo uu garan la,aa!.
Murug hor leh ayaa ii bilaabatay waayo gabdhuhu weligood saacaddaa oo kale guriga banaankiisa kuma aysan soo gaarin mana jirin meel aan xitaa ku malayn karay in ay kusoo daahayaan xaaladda magaaladuna aad ayey u xumayd oo ma ahayn mid la isku halayn karo isla markiibana waxaan bilaabay in aan ka doondoono dhowr xaafadood oo aan is lahaa way dhici kartaa in ay tagaan balse mar dambe ayaan soo laabtay anigoo daal bisteey ah cid dhaayo saartay gabdhihiina aan soo arag, waxaan usoo laabtay adeer saciid oo isugaya baahi, xanuun, iyo welwelna ay ka said caleeyeen xaaladiisa caafimaadna ay aad usii xumaatay, wuxuu durbadiiba I waydiiyey inaan gabdhihii soo helay iyo inkale waxaana u sheegay inaanan soo arkin, meel ay jaan iyo cirib dhigeena aanan soo ogaan.
Habeenkaa xaalladdaa ayaan ku barinay aniga iyo adeer saciid, inkastoo uu aad u dheeraa in badana aan raftay sugayna inta uu waagu ka dilaacayo, waayo murugo adduun oo dhan ayaa isugu kay timid, dhankaygana waxaa galgalanayey oo hadba dhan isku rogayey odagii oo xaaladiisu liidatay balse dani ii run sheegtay oo aanan waxba ka qaban Karin, dhanka kalena waxaan ka fekerayey xaalka ay ku suganyihiin kuwii aan dunida ka fiirsanayey, miyey dhinteen tolow mise way noolyihiin? Xageebey qabteen? Tolowse saacadaan maxay ku sugnaan karaan? Su,aalahaas aanan jawaabta u hayn ayey naftaydu is waydiinaysay mar kastana igu soo noqnoqonayey, waxaa intaa ii sii dheeraa baahi daran oo ii diiday hurdada oo aan dhinaca dhulka ka dhigi waayey sababtoo ah wax aan cuno waxaa iigu dambaysay habeenkaa habeenkii ka horeeyey oo aan wax yar oo bariis ah cunay maalintaas oo dhanna wax aan biyo ahayn kama degin dhuuntayda.
Si kastuu xaalku ahaadaba subaxii waxaan waa bariistay anigoy laba arrimood I hor taallo waa tan koowaade in aan hablihii raadiyo nolol iyo geerina meel kusoo ogaado, tan labaadna waxay ahayd adeer Saciid oo aad u liitay in aan u raadiyo wax uu jeenan ka dhigto, tan danbe ayaanse ku dhaqaaqay oo ila darnaatay.
Ilaah naxariistiisu way badantehee subaxaa waqti hore ayaa rabbi ii sahlay inaan waxoogaa lacag ah helo dabadeedna intaan kis raashin ah oo aan cunno aniga iyo adeer iyo labada gabdhood oo markaa aan iska rejaynayey in aan guriga ugu tagi doono maqaayad kasoo iibiyey waxoogaa caano ahna adeer usoo raaciyey ayaan guriga soo aaday, haddiise aan guriga imid sidaan haminaayey way noqon waysay oo Ikraan iyo Yaasmiin ma aysan joogin nasiibna uma aanan yeelan in aan raashinkaa wada cunno, isbitaalada iyo meel kasta oo aan gaari karay ayaan ka raadiyey maalintaa intii ka harsanayd iyo maalmihii xigay oo dhan, hayeeshee arrinku wuxuu ku idlaaday quus iyo rejo beel.
Waqti aan yarayn ayaa sidaa nagu dhaafay anigoo an wax war ah ka helin nolol iyo geeriba halka ay ku suganyihiin kuwii wax badan ila wadaagay noloshaydana qaybta ka ahaa.
Ruuxu haddii uu kaa dhinto waad ka samirtaa oo intaad soo aasto ayaad ku quusataa sidaa laakiin ruux aadan meelna ku ogayn aad ayey u xanuun badantahay xasuustiisu, marka ruux uu soo garaaco guriga aniga iyo adeer Saciid oo wada joogna waan hinqadaa waxaana aan u maleeyaa in ay soo socdaan oo ay iyagii yihiin naftaydana waxaa dhaawac badan u gaysan jiray kolka aan arko gabdho yar yar oo da,aadooda ah, rejadayda ah in aan dib dambe u arkana igama aysan dhammaan marna, in kasta oo aan dareemi jiray mararka qaarkood in aan si uun u quustay haddana marna kama quusan naxariista rabi.
wuxuu xaalku sidaa ahaadaba galabnimo jimco ah annagoo guriga joogna aniga iyo adeer Saciid ayaa wiil dhalinyaro ahi irrida nooga soo galay, salaan gaaban kadibna wuxuu na waydiiyey haddii ay nagu jirto cid la yiraahdo Faysal Maxamad ama Saciid Xassan midkood waxaanan annagoo dareen yari na galay u sheegnay in labadaa magac anaga nala kala yiraahdo, isagoon wax hadal ah oran ayuu intuu surwaal uu watay jeebkiisa gacanta u laadlaadiyey kasoo saaray baqshado isku laaban oo labo ah aadna u jactadsanaa wuuna iisoo taagay isagoo ii sheegaya in ay usoo dhiibtay gabar ay walaalo yihiin oo dalka yaman ka timid dhawaan, wuxuuna noo raaciyey magaciisa iyo halka ay deganyihiin wuuna naga dhaqaaqay , yarku markuu jeebkiisa kasoo saarayey warqadda ayey indhahaygu qabteen fartii yaasmiin oo aan aad u aqaanay oo dusha kaga xardhanayd, guud ahaan jirka oo dhan ayaa I dubaaxiyey naxdin iyo farxad wada socda ayaana I saaqay durbadii uu yarku naga dhaqaaqaybana intaan adeer Saciid warqaddii ku socotay u dhiibay ayaan taydii ku jeestay balse inta aanan furin ayaan niyada iska iri waa tan Yaasmiin oo kaliya dusha kaga qorana Ikraan maxaa ku dhacay oo iyana aanay warqadeedii u muuqan, haddana waxaan is iri kollay haddayba isla joogaan way iska soo gaabsadeen oo hal bashqad uun bay kusoo rideen, sidaana galka uga jeexay warqaddii oo aqris ku bilaabay waxayna u qornayd sedan:

ku; Faysal Maxamed Cumar

Mahad oo dhan ilaah ayaa iska leh, warqaddanna waxaan kuusoo qorayaa anigoo moral ahaan aad u burbursan, maskax ahaanna aad u liita, macnaha dhabta ah ee qoraalka aan qorayana aan saxi Karin, balse og in aan u qorayo kaan noloshayda ka jeclaa ee aan u awoodi waayey xitaa in aan saacado yar farxad siiyo intuu dunida ku noolyahay, waxaan ku leeyahay rabbi raali hakaa noqdo culayska badan ee aad mudatayna ha kaaga gargaaro murugaduna ha noqoto mid aad magaceeda ilawdo.
Ogow maalmaha aduunyadu way gaaban yihiin waxaana loogu tala galay in lagu sahay diyaarsado si loo galo socod dheer oo aan fara marnaan lagu abaari Karin, uuna halaagsami doono kii ku kadsama maalmaha gaaban ee aannu hadda ku jirno una maleeya in ay sidan sii ahaan doonaan, waxaan rajaynayaa inaadan ka mid noqon kuwaa oo aad sahay qaadato iskana ilaaliso inaad u nuglaato dhibaatooyinka uu waqtigu ku baday, waxaana aan kugula dardaarmayaa samir iyo dulqaad, laabtana ku hay in dulmiga iyo xumaantu anay ahayn kuwo cimri dheer ee mar uun aad tiigsan doonto berriga nabadda iyo caddaalladda aadna ka kabsan doonto dhaawicii xanuunka badnaa ee uu waqtigu ku baday.
Iga rumayso kaan jeclaayow haddii ay noloshaydu goyn lahayd farxaddaada waan kuugu iibin lahaa marnana kaama jeclaysteen balse wax aan culays ahayn waan kuu siyaadin waayey taasina waa tan igu xambaartay in anigoon kula socodsiin iska socdaalo oo aan wadanka oo dhan kasoo baqoolo anigoo qiyaasi karay sida aad u murugoon doontid,iyadoo rajadaydu ahayd in xaalka hadda jira aan wax uun ka bedeli doono, waxaa aad ii xanuujin jiray sida aad adiga iyo adeer Saciid ugu rafaadaysaan sidii aad noogu heli lahaydeen wixii aannu ku noolaan lahayn aniga iyo Ikraan “allaha u naxariistee” markii aan halkaa aqriska marsiinayo ayaan wadi waayey ilmadii indhahayga kasoo yaacdayna warqadda oo idil qoysay ilaa aan si fiican ugu jeedi waayo waxa ku qoran warqadda.
Runtii tan iyo markii aan bilaabay aqriska warqadda ayaan sugayey bal in ay Ikraan uun soo hadal qaaddo oo wax iiga sheegto arrimaheeda, saa waaba taasoo markii ugu horaysay ee ay magaceeda soo qaadday raacisay “allaha u naxariisto” oo ay ula jeeddo in ay geeriyootay, waxaan eegay dhanka adeer Saciid, mise isagana garkiisii caddaa ee wada cirada ahaa ayey ilamada dhabanadiisa kasoo hoobanaysay wada qoysay, deetana intuu istaagay oo warqaddii gambar uu ku fadhiyey ku dulxooray ayuu gudaha guriga u galay, isagooy murug fara badani ka muuqato, aniguna anigoo isku dayaya in aan wax badan ka ogaado sida wax u dheceen ayaan aqriskii warqadda dib ugu laabtay anigoo kasii aqriyey erayadan;
Aad ayaan uga xumahay in aan noqdo ruuxa arrinkaa murugada leh kuu sheegaya dhankiisana ay ka timid aqbaarta wada geerida tii ka hartay qoyskiina, balse maxaan sameeyaa haddii xikmadda rabbi ay sidaa doontay, aanna nasiib u yeeshay in aan goob joog u noqdo masiibooyinka aan kaaga sheekaynayo..
Waxba yaanan hadal kugu daaline sidaan horay kuugu sheegayba xanuunka ay igu haysay aragtidaada adigoo dhibtoonaya daraadeen ayaa nagu kaliftay inaan is tusno inaan isku dayno bal in aan nasiibkayaga tijaabino ugu yaraan, la arkee inay markan noloshu nasoo dhawayso, dad aanan hadda doonayn in aan halkan ku xuso ayaana nagu tartarsiiyey inaan tahriibno si aan u gaarno dalka yaman oo aan uga sii gudbi doonno dalka sucuudiga halkaana aan ka shaqaysano, duruufta nolol nabadeed ee aan ku sugnayn iyo waayo aragnimo la,aan na haysay ayaana nagu sii dhiiri geliyey inaan arrinkaa ku dhaqaaqno, howshaa in aan idinla socodsiino kolay meesha kuma jirin oo marna ma aadan aqbasheen sidaa ayaanna kusoo baxnay oo aan kusoo galnay safarkeenii noogu horeeyey ee aan galno aniga iyo Ikraan oo aan uga baxno magaaladaan aadka u jeclaa ee aan ku dhashay caasimaddana u ahayd wadankaygii hooyo, magaaladaan ku garaadsaday ee aan ka helay wax kasta oo wanaag ah oo ay naftaydu u riyaaqday sidoo kalena marqaatiga u ahayd xumaan badan oo la ii geystay itaan jiray oo aan ka midka ahaa aadanaha dunidan ku nool.
Runtii way igu adkayd in aan si sahal ah ku amba boxo waayo kii jiritaankayga oo dhammi uu ku xirnaa ayaan xaggiisa ka tegayey welibana anigoon qiyaasi Karin inaan dib dambe u kulmi doonno iyo in kale, cabsi wayna ka qaba waqtigu waxa uu la iman doono maalmaha soo socda, waxaannu socod wadaag ku ahayn safarkaa layaabka lahaa kuwa badan oo nala mid ahaa, dhibbanayaal nafta la cararayeyna ahaa, gaariga aan raacnay wuxuu kusii jeeday magaalada boosaaso iyadoo cabsi fara badan la dareemayey oo laga qabay ammaanka wadada aanu ku safraynay, ilaahse wuu nagu shartiray anaga oo waanu nabad taganay socod qaatay maalmo dhowr ah dabadiis.
Tabaabushaysi maalmo kooban ahaa kadib waxaanu ku biirnay oo aan ka mid noqonay tiro soomaali ah oo aad u fara badnayd oo la doonayey in lagu qaado doon aad u yarayd oo xitaa aan qaadin sedax meelood meel, looguna tala galay in ay qaado dad aad u yar, balse kuwa aan damiir lahayn oo ka faa,iidaysanaya shacabka ay dhibaatadu cayrinayso ay sidii arigii oo kale noogu xaraaseen, danise waa seetee annagoo ogayn arrinkaa ayaannu iska raacnay doontaa si ay noo gaarsiiso xeebaha dalka yaman, iyadoo nasii dhex marsiinaysa badda cas, aad ayey u muuqatay in qolooyinka doonida wataahi aanay wax dan ah ka gelin sida ay u badbaadi karto tirade intaa la eg oo dad ah .
Si kastaba xaalku ha ahaadee safar aad u cabsi badnaa saacado kuwii loogu tala galay ka badana qaatay ka dib ayaa waxaa noo muuqday waqti dambe oo habeenimo ah waaguna beryi rabo iftiinka nalal naloogu sheegay inay yihiin mid ka mid ah xeebaha dalka yaman, in masaafo ahna noo jirtay, nimankii doonida watayna waxay nagu amreen inaan degno oo aan ilaa xeebta dabaalano waayo waxay ka cabsanaayeen ilaalada xeebaha dalka yaman, laakiin amarkaa ma aannan aqbali Karin marna, waayo xeebtu nooma dhawayn oo ma ahayn mid lagu dhiiran karo in dabaal lagu gaaro, waxaana bilowday dagaal dhex maray dadkii doonida saarnaa iyo nimankii doonida watay, kadib markii dadkii diideen in ay doonta ka daataan, balse dagaalkaasi ma noqon mid sii socda oo nimankii doonida watay waxay la soo bexeen dhowr qori welibana dhowr qofood ayey xabbad isu marsiiyeen doonidiina kala tureen, taasine waxay soo dedejisay in amarkoodii si dhab ah loo qaato dadkiina ay biyaha isku daadiyaan, in kastoo in biyaha laga badbaado rejada ah ay aad u yarayd, haddana nolosha way uga dhawayd xabadda markaa madaxa nalooga hayey ee kuwa annaga naga mid ahaa la raaciyey , intii aannan isku tuurin biyihii qabowga badnaa ayaan caag aan biyo ku wadanay markii hore, si dhaqso ah intaan biyihii uga daadsha, Ikraan u dhiibay oo aan ku iri, inuu wax kuu taro ayaa la arkaaye hayso oo yaanu kaa fakan, anigana islaan ayaa mid kale isiisay, laakiin intii ay nimanku doonida xoogga nooga dejinayeen ayey indhahaygu qabteen Ikraan oo isku dardarsantay si xoog ahna mid ka mid ah nimankii doonida intuu garabka qabtay uu biyaha ugu sii tuurayo weliba iyagoo sii cararayey, markaa Ikraan waxba gacanta kuma haysan si aad ahna way u qaylinaysay oo ku baryootamaysay in la iska sii daayo, balse cidna dheg jalaq uma siin qayladeeda oo af af ayaa loogu tuuray biyaha guntooda, sidaana looga dhaqaaqay, inta ay sidaa wax u dhacayeen anigu waxaan dacasha haystay caag yar oo faaruq ah oo aan biyaha dushooda la saarnaa anigoo marna hoos u degayey oo ay biyuhu meel kasta iga buuxinayeen, in kastoo ay yaqiin iila ekayd inaanu ruuxna naga badbaadi doonin haddana Ikraan waxaan ku tiriyey inay markii horeba ahaatay oo ay ahayd dhammaadkii nolosheeda, waxaan kaloon arkayey in badan oo dadkii doonida saarnaa ka mid ah oo u badnaa carruur iyo haween oo sida ikraan hafanayey balse daqiiqado kooban ka dib dadkii tirada badnaa waxba ugama jeedin marka laga reebo dhowr qofood oo waxoogaa dabeecadda biyaha taqaanay iskuna dayayay in ay is badbaadiyaan , haddii aan in cabaar ah biyaha dul sabeeynayey anigoo caaggii yaraa ku dul dhegan, aannana garanayn xitaa sidaan horay iyo dhankii xeebtu iga jirtay ugula dhaqaaqi lahaa, dhowr marna uu caaggu iga fakaday oo aan si dirqi ah ku gaaray,cidiyaha gacmaha iyo kuwa lugahana ay iga cuneen bahallo aan is lahaa waa kalluun, qabowna aan aad ula liito waxbana anay ii jirin inan miir beelo, ayaan meel aan si toos ah xeebta ugu beegnayn ka arkay iftiin kasoo baxaya xagaygana kusoo aadan , waagu wuu sii beryayey mugdigii habeenimana wuu sii dhammaanayey hayeeshee si qumaati ah wax looma arki Karin, iftiinku wuu iisoo dhawaaday oo isoo gaaray dhaqsadiiba, waxayna ahaayeen kolay qolooyinka ilaaliya xeebaha dalkaas, runtii aad ayaan u farxay waxaana isoo gashay yididiilo nololeed oo hor leh, anigoo bilaabay in aan biyaha lugaha ku garaaco bal si ay ii maqlaan qolooyinka wata doonida, ilaah mahaddii in kastoo aanay dhaqso I maqlin ugu dambayntii way ii yimaadeen oo meeshii iga qaadeen, waxaa doonida saarnaa dhowr qofood oo ka mid ahaa dadkii doonida laga daadshay ee aanu wada soconay oo ku sugnaa xaalado kala gedisan balse qaddarta rabbi ma doonin in ay Ikraan ka mid noqoto dadkaas.
Markii dibadda naloo soo saaray waxaa nala geeyey dhismo ay muuqatay in kol sii hore la dhisay aadna u waynaa, anigoo is iri malaha wuxuu ahaa xero askareed, innagoo ka kooban kow iyo toban qofood oo rag iyo dumarba leh ayaa nalagu xareeyey qol ay nadaafadiisu aad u liidatay isla markaana waxaa nala siiyey raashin ay tayadiisu aad u xumayd laakiin nafta uun lagu celin karay.
Duhurnimadii markii la gaaray waxaa qolkii aan ku jirnay noogu soo galay mid ka mid ah askartii meesha na keentay wuxuuna aniga iyo gabar kale oo waxoogaa iga da, waynayd nagu amray in aan soo raacno isaga, in kastoo aanan afka uu ku hadlayey waxba ka aqoonin hadana tilmaamaha uu bixinayey ayaan ka gartay inuu sidaa u jeedo ugu dambayntiina isagaaba xoog nagu soo qadaanqidiyey kolkuu arkay inaan ka maagayno in aan raacno, in door ah haddii aan soo soconay dhowr qolna aan soo dhaafnay ayuu askarigii intuu qol iridkiisu furnaa nasoo hor istaajiyey aniga ii ishaaray in aan galo isagoo welibana iigu daray in uu igu sii kala tuuro gudaha qolka, waxaa dhex fadhiyey qolka gudihiisa nin da’ dhexaad ahaa aadna u xoog waynaa shaaribo aad u waawayna lahaa, indhihiisa waxaa ka muuqatay inuu yahay ruux aan naxariis badnayn, isagoo xirnaa dhar askareed in kasta oo aanu dharka si fiican u wada xirnayn oo shaatiga uu watay guluusyuhu u furnaayeen kabuhuna u siibnaayeen, luguna ay miis hortiisa yaalay isku dul saarnaayeen , qolka oo dhan wada qiic ayuu ahaa sigaarka uu cabayey awgii, markii uu I arkay in aan qolka soo dhex galay uma uusan muuqan ruux qof ku cusub ama si kedis ah loogu soo galay ee sidii in uu horay ii sugaayey oo kale ayuu intuu sigaarkii uu cabayey aad u jiiday qiic badana sare u sayriyey ayuu sigaarkii ku dul majuujiyey haashtariig hortiisa yaalay, wuxuuna isagoo lugihiisa miiska kala soo degaya dhulkana usoo laadlaadinaya ii tilmaamay in aan fariisto kursi hortiisa yaalay, anigoo aad u gariiraya ayaan kursigii ku dul dhacay, waxay ahayd markii noloshayda ugu horaysay ee nin aanan isku jinsi ahayn isla markaana aanay jirin luuqad aan isku fahmayno aan qol kula kaliyoobo, isla markiiba wuxuu bilaabay in uu igula hadlo lahjadda carbeed ee ay ku hadlaan dadka reer yamaneed,laakiin waxba kama aanan garan oo sidii dhagool uunbaan indhaha ka eegayey, ninkii xoogga waynaa intuu soo istaagay ayuu dhankayga soo aaday oo intuu ila wareegay oo xagga dambe iga soo maray ayuu isagoo dhabarkayga ku aadan gacantiisa garbahayga soo saaray, runtii waxaan ku sigtay in wadnuhu I istaago naxdin awgeed, waxay ahaayeen daqiiqado aad u yaab badan, waxaan qol kula jiray ruux aad iiga xoog badan aadna u naxariis daran ilaahna aan iiga baqayn cid kale oo uu igu cizaynayona aanay jirin, aniguna aanan af iyo adin midna isaga celin Karin, waxaan doonay in aan gacantiisa iska qaado oo aan u muujiyo in aanan raali ka ahayn in uu jirkayga taabto, laakiin hubaal waxaa ii roonayd oo la qaadan karay haddii aan la hurayn gacanta uu garabkayga saartay ee intuu labadayda gacmood hal gacan kuwada qabtay oo sidii ilmo yar oo kale sare ii qaaday ayuu irid kale oo qolka kasii dhex furnayd ila abbaaray, dabadeedna sariir dhex qotontay qolka igu dul tuuray isagoo bilaabay inuu dharka iska saaro, waxaan damcay in aan qayliyo bal si aan u helo ruux uun iiga gargaara cadowgan xoogga wayn ee usoo miciyo lisanaya in uu hilibkayga feento, hayeeshee markii aan hal mar dhawaaqay ayuu laba dharbaaxo oo aad u xoog wayn indhaha iiga sayray taasoo I gaarsiisay in aan wax kala saari waayo oo aan galo xaalad aan caadi ahayn, iyadoo welibana mid ka mid ah labadayda dhegood dhiig fara badani kasoo yaacay, bushimuhuna ay I dilaaceen gebi ahaanbana waan miir belay, oo waxaa iigu war dambaysay manixihii xoogga waynaa oo intuu dharkii oo dhan siibtay aniga I jiljilaya dharkana iga saaraya, waxaanan soo miyirsaday anigoo dhex aalla qolkii nalaga waday aniga iyo gabadhii kale, islaan waayeel ahayd oo ka mid ahayd dadkii aannu meesha ku wada jirnay ayaa markaa tuqsiga iyo bahalaha yar yar ee igu soo raacayey dhiigga qaar ka mid ah jirkayga ka socday iga celcelinaysay, waxaan doonay in aan yara fariisto, balse waxaan dareemay inaanan lugahayga dhaqdhaqaajin Karin, iyadoo maradaan hoos gashi ahaanta u watay oo dhan ay wada qoyaneyd dhiigga jirkayga ka baxay awgii, lugahayga oo idil ilaa cirbahana dhiig ayaa buuxiyey, dabcan waad iska garan kartaa dhibka la ii geystay waxaa la ii geystay xad gudubkii ugu ba,anaa ee loo geysto gabar gayaankayga ah waxaa lagu ciyaaray sharaftaydii iyo gabarnimadaydii iyadoo si sahal ah oo naxariis daro ah loo qubay dhigaalkii aan la sugayey habeenka cimrigayga ugu qaalisan in aan haddiyad uga dhigo kaan aadka u jeclaa, waxaa lay dhaafiyey astaantii muujinaysay dhowrsanaantayda iyo dhaqanwanaagayga.
Waxaa meel dhankayga bidix ku aadan iyaduna derbiga ku tiirsanayd gabadhii halka mar nala wada watay oo ku sugnayd xaallad aad u xun ayna ka muuqatay dhibaato fara badan waxayna lahayd;

Guluf eexiyo godob baan tirsanayaaye.
Gardarada la beeriyo godob baan tirsanayaaye .
Geyigoo la gubiyo godob baan tirsanayaaye .
Geedohoo la jariyo godob baan tirsanayaaye.
Gubashada na gaartiyo godob baan tirsanayaaye.
Gobonimo la waayiyo godob baan tirsanayaaye.
Gacalkoo la dooxiyo godob baan tirsanayaaye.
Gaajada nalaysiyo godob baan tirsanayaaye.
Guryahaan ka cararniyo godob baan tirsanayaaye.
Gacan gumeedoon galniyo godob baan tirsanayaaye.
Gashaanti la diliyo godob baan tirsanayaaye.
Garayskaygoo la furiyo godob baan tirsanayaaye.
Gabarnimo lagu ciyaariyo godob baan tirsanayaaye.
Gargaar aanan heliniyo godob baan tirsanayaaye.
Gocoshaan dhammaaniyo godob baan tirsanayaaye.

Dhowr maalmood ayaan kusii jirnay halkii dhibkaa naloogu gaystay iyadoo naloo xaqiijiyey in ay dhinteen dadkii kale oo nala saarnaa doonida oo dhan, kadibna waxaa naloo wareejiyey meel xero qaxooti ah oo ay soomaali aad u fara badani nooga horaysay kuna rafaadsanaayeen, illaa iyo hadda oo aan warqadan kuusoo qorayana halkaa ayaan ku suganahay.
Waan ka xumahay haddii aan murug badan kugu abuuray laakiin ugu yaraan in aad ogaato sida xaal yahay waxaan u arkay lagama maarmaan.
Ugu dambayntii waxaan ku leeyahay waan ku xusuusan doonaa tan iyo daqiiqadda noloshayda ugu dambaysa waxaadna tahay noolaha dunidan ku nool kaan ugu jeclahay.
Sidaa iyo nabadeey…………….. Yaasmiin Xaaji Aways.

Xaqiiqdii markii aan warqadda dhammeeyey waxaan iskaga cabsaday in aan maskaxda wax ka noqdo sababtoo ah geerida Ikraan oo ahayd tan kaliya ee ka hartay reerkeenii iyo xad gudubka iyo dhaawaca loo gaystay Yaasmiin oo ahayd gabadhaan aadka u jeclaa wax badana iiga dhignayd ma ahayn wax fudud oo aan si sahlan isku dhaafsiin karay, waxaanan aad ula xanuunsaday silica ay Ikraan ku dhimatay iyo sida Yaasmiin sharafteeda loogu ciyaaray mase jirin wax aan ka qaban karay oo dan ayaa ii run sheegtay ilaah ayaanna iska talo saartay waqtigana u daayey waxa uu la yimaado.
Hal usbuuc iyo dhowr maalmood mar laga joogo goortaan warqadda yaasmiin ka helay ayaa C/laahi yare oo ka mid ahaa dhalinyarada aannu suuqa wada joogno igu soo qaaday sheeko aan markii hore aad iskaga fogeeyey qaadashadeeda isagoo ii sheegay in aan u tahriibno dalka Liibiya deetana aan halkaa kasii aadno dowladaha yurubta galbeed si aan u helno shaqo, nabad iyo nolol tan ka heer saraysa, wuxuuna iigu baaqay in aan kusoo biiro isaga iyo dhowr dhalinyaro kale ah oo dhawaantan doonaya inay dhankaa u baqoolaan, anigoo aan marna fikraddaa ku qancin weligeyna aan ku fekerin ayaan u sheegay saaxiibkay C/laahi yare in uu iga raali noqdo oo aanan arrinkaa diyaar u ahayn marna, isaguna marxaba intuu yiri ayuu sidaa igu dhaafay, habeenimadii markii aan guriga tegay oo aan jiifka isku diyaariyey ayaan soo gocday hadalkii C/laahi yare anigoo ka fiiriyey dhinacyo badan anigoo su,aalo fara badan is waydiiyey oo ay ka mid ahayd waxa aan halkan ku haysto oo aan ugu dhega adaygayo in aan sii joogo, nolol aad u baaba,san ayaan ku noolahay, ammaan kuma haysto, shaqo kuma haysto, cid aan ka tegi waysanahay ma jirto oo labadii aan awalba daraadood u rafanayey gacan kuma hayo oo waakaa xaalkoodii halkaa ku dambeeyey, kaliya adeer Saciid ayaa igu xiran isaguna wuu is bixin karaa oo hadda caafimaadkiisu waa heer sare, waana nin rag ah oo noloshiisa wuu maarayn karaa , dhan kastoon arrinka ka eegayna waxaa iisoo baxday in haddiiba aan heli karo meel halkan iiga ammaan iyo nolol roon aanan marna ka labalabayn.
In kastoo aan aad u jeclaa wadankayga, haddana markaa iima muuqan sabab aan ugu madax adeygo joogitaankiisa waayo waxaa macquul ahayd in daqiiqad kasta xabbad madaxa la iiga dhufto oo aan sidaa ku waayo naftayda, ugu dambayntiina waxaan arrin ku gooyey in aan dhalintaa wax ay qabaan la qaybsado C/laahi yarana aan ku war geliyo beri in aan diyaar u ahay bixitaankaas, waxaan u dhawaaqay adeer saciid oo meel ii dhow jiifay bal si aan aragtidiisa u qaato haddiiba uu soo jeedo oo aan ula tashado waayo aad ayaan ugu tiirsanaa oo wuxuu ii ahaa garab dhan kastaba,taladiisuna lagama raystaan ayey ii ahayd, malaha isaguna duruufaha aannu ku jirnay ayuu ka fikirayey oo maba hurdine wuu ii jawaabay waxaanan u bilaabay in aan u sharxo sidaan wax u damacsanahay iyo go,aanka aan qaatay, in kastoo uusan si wayn u fahmin sida aan wax u wadno uuna cabsi badan muujiyey hadana kalsooni badan oo uu aniga igu qabay awgeed ayuu igu yiri “Maandhow haddii aad go,aansatay aadna u aragtay in horumarkaaagu ku jiro ilaah hakuu fududeeyo qeyr ayaanna isku ognahay ee nabad gal.”
Subaxnimadii markaan suuqa tagay waxaan doondoonay C/laahi yare si aan uga helo xog dheeraad ah oo howshaas ku saabsan aanna ugu sheego in aan diyaar u ahay in aan raaco, isaguna ma ahayn nin suuqa laga waayo ee intaan durbadiiba helay ayaan wada fariisanay islaan shaaha iibisa agteeda oo laba koob oo shah ah dalbanay, C/laahi yarana waxaan u gudbiyey waxa aan go,aansaday isaguna isagoo aad ula yaaban is bedelka degdega ah ee igu yimid ayuu isagoo muujinaya inuu aad arrinka ugu faraxsanayahay igu yiri, saaxiib soo dhowow laba maalmood ka bacdi waan bixi doonnaa haddii ilaah yiraahdo, mahadsanid intaan u celiyey ayaan ka dalbaday in uu arrinka si fiican iigu turxaanbixiyo iina sheego waxyaalaha la iiga baahanyahay si aan safarkaa uga qayb qaato C/laahina si degan ayuu iigu sharxay howshaa iina fahansiiyey wax yaalaha daruuriga ah ee aan safarkaa ugu baahnaan doono oo sida badan runtii iska ahaa waxyaallo aan heli karay marka,sheeko saacad ku dhawaad qaadatay oo ku saabsanayd sida badan safarkaa aan damacsannahay ka dib aniga iyo C/laahi yare suuqa ayaan dib u galnay kuna balanay in aan laba maalmood ka dib iskugu nimaadno mid ka mid ah bosteejooyinka baabuurta laga raaco ee magaalada muqdisho, halkaa oo aan u qorshaynay in uu safarkeenu ka bilowdo haddii ilaah raali ka noqdo.
Sidii balantu ahayd laba maalmood ka bacdi ayaan iskugu tagnay halkii balantu ahayd annagoo ka koobnayn lix qofood oo laba ay ahayd dumar, isla waqti horena waxaannu dusha sare u fuulnay gaari markaa dhaqaaqayey oo C/laahi uu horay ula soo heshiiyey , waxaan ku safar bilownay dhul aanay cabsidiisu yarayn wax kastana laga fili karay tusaalooyin hore oo xumaan ahna laga haystay, balse waxaa dhab ahayd in halka aan ka dhaqaaqnayba aanay cabsiyi ku yarayn oo wax kastaahiba waxay ka ahaayeen suurta gal, waxaan marnay dhul aad u baxaad wayn soomaali aad u kala gedisan dhan kastabana ay ku nooshahay, marar badana waxaa nala soo gudboonaaday dhibaatooyin aad u fara badan balse cidi nagama dhiman, ugu dambayntiina maalmo fara badan ka dib waxaan markii iigu horaysay noloshayda cagta saaray carro aan ahayn dhulkaygii hooyo ayna ku noolyihiin kuna magacaaban yihiin dad aan ahayn dadkaygii hooyo oo hubaal iyagu dhulkaa iska lahaa, in kasta oo halkaa dowladi ka jirtay waqtigaa isaga ahna aanay cidi waxba ii gaysan hadana durbadiiba waxaan dareemay xoriyad darro, sharaf la,aan, iyo weliba shaqsiyadayda oo aan wax qiimo ah lahayn”HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO” waxaan qiray inaan saanta soo dhigay dhul aan aad u necbaa weligayna aanan iman lahayn haddii aanay dadkaygu is dili lahayn, waxaan u imid qolo aan aad u necbahay in badan oo dadkayga ka mid ahina ay sidaa iyo ka daran u necebyihiin, waxaan u imid kuwo noo haya cadaawad soo jireen ah jiritaankeenana u arka inuu yahay halaagooda iyo dib u dhacooda, si toos ahna ugu xusul duuba maalin iyo habeen sidii aan halka aan maanta joogno iyo ka xun usii gaari lahayn, waxaan u imid duul dadkiisu ay xumaanta isku kaashadaan, waxay ahaayeen qoom tuuganimada iyo xaasidnimadu ay agtooda ka yihiin astaan sharafeed laguna garto kan wanaagsan ee howl karka ah, waxaan tegay meel ay soomaali badani iiga horaysay dhaawac badanna ay ku qabeen balse sidayda oo kale ay dani u gaysay iyo iyagoo ka raysan waayey in ay miciin bidaan kuwa u daran, waxaan tegey dalka aanu deriska nahay ee Itoobiya oo la wada ogyahay kaalinta uu ku leeyahay dhibta ka dhacday dhulkeena.
Laba maalin aniga oo ku sugan magaalada xarunta u ah dalkaa ee loogu yeero Addis ababa dhex marayana mid ka mid ah xaafadaha ay soomaalidu ku badantahay ayaan kusoo baxay nin dhalinyaro ah oo Itoobiyaan ah oo gabar Soomaaliyeed dariiqa bartankiisa ku dharbaaxyeynaya, wuxuu markii hore doonay sida ii muuqatay inuu ka qaato waxoogaa lacag ah oo ay gacanta ku wadatay, laakiin markii ay ku fara adaygtay oo uu sahal uga qaadan waayey ayuu iskugu daray feer iyo dhirbaaxo, waxaase taas kasii darnaa kolkuu intuu xijaabkay huwanayd ka tuuray diriciina intuu qoorta ku dhegay ilaa xudunteeda jeexay oo cowradeedii oo dhan banaanka soo dhigay, haddii aad tahay ruux ay ku jirto damiir Muslinimo iyo mid Soomaalinimo igama rumaysanayid haddii aan ku iraahdo inta ay waxaasi dhacayaan ninkuna uu gabadha soomaaliyeed sidaa yeelayo waxaa meel aan ka fogeyn oo ah meel qaxwaha laga cabo fadhiyey xayn Soomaali ah oo iskugu jirtay rag dhalinyaro ah iyo rag waawayn intaba, waxaa sii dheeraa intaa dhowr haween ah ayaa iyaguna irdaha guryo meesha ka dhowaa taagnaa mana jirin cid dhaqaaqday si ay gabadhaa u caawiso.
Anigoon is ogayn arrinkana aad uga xanuunsanaya ayaan ninkii gabadha waxyeelaynayey feer kala dul dhacay kuna weday ilaa uu dhulka ku dhoco, markaan ninka dagaalka ku bilaabayey waxaan maqlayey qaar ka mid ah Soomaalida meesha fadhisay oo leh erayo ay ka mid ahaayeen “iska daa wuu cusubyahaye dhiigiisa ayaa kulule isaga ayaa qaboobi doonee!!” . wax dan ahse kama aanan gelin oo ninkii gabadhii waan ka fujiyey kuna saaciday inay jirkeeda asturato inigusa isla markiiba waxaan ka war helay dhagxaan sida roobka oo kale dushayda uga hoobanaysa, ruux kasta oo itoobiyaan ah oo agtayda ka dhawaana wuxuu ka qayb qaatay dilkayga, iyadoo Soomaalidii meesha taagnayd aanu midna dhankayga usoo dhaqaaqin, ilaa ugu dambayntii aniga oo garaab ah aadna u liita dhiig fara badanina uu jirkayga ka baxay niman askar ah oo wiil Soomaaliyeed oo dhacdada la socday uu soo kaashaday ay iga soo gaareen oo isbitalka la ii qaaday.
Ayaamo dhowr ah ka dib mar aan soo yara roonaaday dhaawicii sarena aan ka yar bogsooday balse aan hubo in jug badani igu maqnayd marna ay igu soo kici doonto ayaa Cumar oo ahaa wiilkii ciidanka keenay xaalladaydana aad ula socday wuxuu bilaabay inuu iiga sheekeeyo sida loogu noolyahay meesha isagoo ii sheegay in soomaalida halkan ku dhaqani ay dhib aad u badan ku qabaan taasoo ah buu yiri Itoobiyaanka oo ah dad aad u xun Soomaalidana dhib la daba taagan, tiiyoo aanay jirin cid ay uga cabsanayaan, waxay ka samaystaan buu yiri wax kasta oo ay u baahanyihiin xitaa qaarkood subax kasta baad ayaa laga qaadaa oo sidaa ayey isku furtaan, waxaase taa kasii daran oo dhibka dhan sabab u ah ayuu Cumar ii sheegay in Soomaalidu aanay ahayn dad isku duuban oo hal dhan kasoo wada jeeda, qabiil qabiil kaliyana ay wax iskugu qabtaan ee aanu jirin ruux Soomaalinimo u diirnaxaya tiiyoo haddii halkaa nafta lagaaga goynayo aanu kuu gargaarayn nin aanad isku hayb qabiil wadaagin, taasna tusaalihii ugu waynaa waad aragtay ayaan filayaa saaxiib, Cumar marka uu saa ilahaa wuxuu hoos u laadlaadinayey madaxiisa isagoo ii muujinayey sida uu uga xunyahay xaalka Soomaalidu ku sugantahay wuxuuna ii raaciyey, ogow Faysalow taa macneheeduna maahan in dhammaan Soomaalidu ay sidaa tahay laakiin waxaan ula jeedaa muuqaalkaa wuu nagu badanyahay, waan ka xumahay wixii kugu dhacay waxaanse aad ugu faraxsanahay in Itoobiyaanku ogaadeen in weli damiirkeena Muslinimo iyo Soomaalinimaba uu noolyahay aanana raali ka noqon Karin in gabdheheena lagu xadgudbo, kuuma soo jeedinayo marna in aad karaama daradaa oo kale raali ku noqoto marna, balse waxaan kugula dardaarmayaa taxadar dheeri ah iyo foojignaan, ogowna in cadawgayagu uu tiro beelay halkan.
Waanada iyo xogta uu ninkaa dhalinyarada ahi isiiyey runtii aad ayaan ugu diirsaday laabtana way ii qaboojiyeen balse halkaa kuma dhammaan hagar daamooyinkii loo gaysanayey Soomaalida halkaa ku dhaqneyd iyo meelo kaleba wayna socon doontaa tan iyo inta nolosheena uu hogaanka u hayo qabiilku qarankeenuna uu burbursanyahay oo uu dhulka yaalo.
Halka maalmo kale ayaan ku sugnayn anigoo waxyaabo badan ka bartay, ugu dambayntiina waxaan sii amba qaadnay safarkeenii una sii bixitinay dhanka dalka Suudaan, socdaalkeenu wuxuu ahaa dhulka weliba si sharci daro ah ayaan doonaynay in aan ku galno dalka Suudaan, iyadoo niman tahriibka ka shaqaysta ay naga qaadeen xadka u dhexeeya dalalka Suudaan iyo Itoobiya, qasadkeenuna wuxuu ahaa in aan gaarno caasimadda dalka Sudan ee Khartuum, intii aan sii soconay waxaan aad u qarda jeexnay dhul lama degaan ah oo aad u baaxad wayn iyo dhul beereed badan oo aay ku noolyihiin dad Suudaan ah, markaana waxaan ka dhuumanaynay askarta joogta baraha koontaroolada ah inta aan la gaarin caasimadda, runtii dadka Suudaantu waa dad aad u wanaagsan aadna u kaalmeeya dadka masaafurka ah sidaa daraadeed intii aan wadada kusii jirnay xitaa kuwii na waday oo na tahriibinayey iyaga ayaa bixinayey cuntadeena iyo cabideena, waxaana intaa noo dheeraa iyadoo kuwa aan deegaankooda soo maraynay ay aad noo soo dhawaynayeen iyagoo noo muujinayey in ruuxa Soomaaliga ah aanu agtooda ka ahayn ajinabi ee uu iyaga la mid yahay .
Si kastuu xaal ha ahaadaba waxaan gaarnay xarunta dalka Suudaan ee Khartuum , halkaa Soomaali aad u fara badani kuma noolayn marka laga reebo waxoogaa yar oo arday wax barasho u joogtay ahaa iyo dhowr qoys oo iyagu suudaanta ka mid noqday waqti sii horaysayna soo degay wadanka iyadoo qoysaska nuucaa ah intooda badan ay kasoo jeedaan gobolada bariga dalkaasi ku yaala.
Nimankii Suudaanta ahaa ee na waday nagana soo qaaday xadka waxay noo geeyeen markaan Khartuum nimid laba wiil oo soomaali ah oo ay yaqaaneen, dalaaliinna u ahaa Suudaan kale oo ka shaqaysata tahriibinta dadka u socdaalaya dhankaas iyo dalka Liibiya oo ay is yaqaaneen, sida muuqatayna ay wada shaqayni ka dhaxayso, nimankii reer Suudaana sidaa ayey nagu macsalaameeyeen kolkii ay nagu hubsadeen labadaa wiil oo lakala oran jiray C/casiis iyo Ismaaciil, labadaa dhalinyarada ahaa waxay la shaqaysan jireen niman Suudaan ah oo si sharci daro ah u tahriibiya dadka iyagoo u qaabilsanaa dadka Soomaalida ah oo ay usoo arurin jireen sidaana ugu geyn jireen markaana iyagu ay ka qaadan jireen lacag ay ku heshiiyeen oo horay looga wada hadlay, wiilashii kolkii hore waxay na geeyeen guri si aan u nasano una qabaysano iyagoo markaa ka dib noo sheegay in howsha aan bilaabi doono aanayna waxba naga halaabeyn, habeenimadii kolkii aan nasanay ayey labadii wiil nooga war bixiyeen sida xaalku yahay iyo sida wax noogu hagaagi karaan iyagoo noo sheegay in ay noo gaynayaan baabuur ay leeyihiin niman Suudaan ah oo howlahaa ka shaqaysta sidaana aan ku bixi doono oo aan Liibiya ku gaari doono haddii ilaah yiraahdo, dabcan barnaamijku wuxuu dhan kasta ka ahaa wax sharci daro ah oo aan qaanuunka waafaqsanayn ruuxii lagu arkana uu mudanayo ciqaab badan sidaa daraadeed lagama maarmaan ayey ahayd in wax kastaahi ku dhammaadaan si qarsoodi ah, wiilashuna waxay nagu adkeeyeen inaanan arrinkeena cidna uga faalloon. Subixiina waxaan ku balanay in Ismaaciil uu noo kexeeyo xaafad uu ku noolaa wiil ay C/laahi yare eedadii dhashay oo wax barasho u joogay halkaa Ismaaciilna uu noo sheegay in uu si wanaagsan u garanayo, maxaa yeelay subaxaa iyo subax xigtay midna baabuur ma baxayn oo waxaa noo cadaatay markii ay wiilashu noo sheekeeyeen in aan usbuucyo sii joogi doonno waayo baabuurta dadkii ay qaadi lahaayeen ma wada diyaar ahayn oo annaga ayaaba ugu horaynay marka inta ay kasoo dhamaystirmayaan inta loogu tala galay in uu baabuurku ku dhaqaaqo waxaa qasab ahayd in uu baabuurku joogo annaguna aan sugno.
Subaxnimadii waqti hore ayaan sii abbaarnay xaafaddii aan doonaynay iyadoo ismaaciil na horkacayo, waxaannu raacnay dhowr baabuur meelo fara badana waan marnay, waxaana aan dareemayey ammaan iyo nabad gelyo iyo iyadoon cidna na takoorayn, mar aan sida uu Ismaaciil noo sheegay usoo dhawnahay xaafaddii aan u soconay ayuu yiri waxaa halkan ku taalla Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, isagoo meel aan aad nooga fogayn farta noogu fiiqayey, aniga oo aad u danaynayey in aan arko wax aa qarankeenii uun ka dugsado ayaan ka codsaday dhalintii in aan sii marno Safaaradda haddiiba ay noo suura geli karto, iyaguna hagaag intay yiraahdeen ayaan dhankeedii hal mar u wada saan qaadnay, socod gaaban ka dib waxaa noo muuqday guri hortiisa uu yaallo sanduuq uu marsanyahay rinji baluug ah xiddig cadina dhexda kaga asteysanayd, xagga horena guriga waxaa kaga dheganayd astaanta qaranka soomaaliyeed oo duug ahayd, guriga dushiisa sare waxaa ka lulanayey Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya oo aad u rifrifnaa dhammaadna ahaa qorax badanina ku dhacday oo uu midabkiisu is bedelay, hayeeshee si kastooy xaaladdiisu tahay wuu qurux badnaa indhahana u roonaa waxaan xusuustay erayaduu cC/laahi Suldaan “tima cade” ugu maansooday 26kii juun 1960 kii ee uu ku lahaa.

Ka sideetan samaaneey, calankeennu sugaynee.
Sahankiisa filaynoow sarmaweydo hillaacdayow.
Sagal maanta darroorayow, siigadii naga meyrayow.
Saqdhexaannu ahayne, kii soo saaray cadceeddow.
Samadaa kii u ekaayow, xiddigaha mid la siiyayo.
Saaxirkii kala guurraye, sarreeyow manusqaamow.
An siduu yahay eegee, kanna siib kanna saar.

Markaan gurigii safaaradda si qumaati ah usoo hor istaagay waxaan aad u eegay Calankeenii quruxda badnaa , waxaanan aad u dareemay in uu dhibaatooyin badan tabanayo, gocasho aad u fara badanina ay ka muuqato uuna jeclaan lahaa in dadkiisu ay sidan iska bedelaan sharaftiisana usoo celiyaan, waxayna ila noqotay in isagoo I haydaarinaya soomaalinimadaydana igula hadlaya uu ileeyahay.

In kastoo salaan iyo aadan iga mudnayn samaanba midabkeeda.
Haddana magacaagu igama haro oo waa mahadhadaydiiye.
Meel kastoon joogaba soomaalaan ahoo waan sirgaxanahaye.
Silic baan ku caan ahay iyo siriq la ii dhigaye.
Midabkaygu waa macluuq iyo meydka oo badane.
Ma maqni mana joogo midabka mooyaane.
Maqaam kuma lihi meeshaan mudnaan jiraye.
Maskax kuma adeegto iyo miirka oo saxane.
Maqaawiirta iyo waxaan dilaa midabka door roone.
Macalimiintiyo waxaan qalaa miidda ubadkayga.
Madfac baan ku laayaa maatida maalin iyo leyle.
Ma raxmado rafiiqna waan nahay rubadka goyntiisa.
Raqdu kama dhammaato reeraha mar haddaanan moolka wada geynin.
Maciishaddaan u diidaa maatida meel kastooy tahaye.
Midabkaygu waa kaa iyo wuxuu I baday magacaagu.

Waxaan ugu jawaabay anigoo aad uga tiiraanyeysan erayadaa.

Calanyohow cuddoonee xidigtaa lagu calaameeyey.
Cisadii dalkaygiyo kii caadil nagu diirshay.
Cishadaa timaadaan caafimaadnayoo roobku noo da’aye.
Dalkaygiina adigaa dahiray daa’in abidkiise.
Dulligiina adigaa ka qaadayoo diiday oo nacaye.
Damiirkaagana innagaa ku degnoo dowlad ku ahayne
Hayeeshee halyeynimadaadii hororka loo tuurye.
Howl yaraanbaa lagu haligay hilibkii maandeeqe.
Murti qaaliyaase tiri doogtu way imane yaan la dacaroonin.
Adiguna waad dawoobi doontaa daa,in idankiise.
Dadkaaguna wuu heshiin dowlad baana kuu dhalane.
Dambartiyo caanaha waad durduuran dalag baana soo go’iye.
.
Sedax asbuuc iyo maalmo raacay haddii aan ku sugnayn Khartuum ayey habeenkii dambe labadii dhalin yarada ahayd nagu war geliyeen in habeenka xiga habeenkaa aannu bixi doonno sidaana aan ula socono oo aan diyaar ahaanno, subixii waxaan soo iibsanay raashin iyo biyo aannu sahay ahaan u qaadan lahayn, galabkii kolkii la gaarayna waxaa xaafadda naga qaaday gaari ay noo soo direen qolooyinkii tahriibka ka shaqaynayey si uu noo geeyo duleedka magaalada oo uu baabuurku ka baxayey habeenimada.
Wuxuu ahaa gaari nuuca ay soomaalidu ugu yeeraan C/bilaha oo aan sidaa u cusbayn, waxaa lagu soo diyaariyey dhowr jirgaan oo biyo ay ka buuxaan, iyadoo ay diyaar u ahaayeen dad ka badan sodon iyo shan qofood inay raacaan baarbuurkaa isaga ah oo ahayd tirro aad u fara badan marka loo eego inta uu qaadi karay baabuurkaasi, waxaannu isugu jirnay dad dhowr jinsiyadood ah sida Soomaali , Itoobiyaan , Erateriyaan iyo dad ka yimid wadanka galbeedka ka xiga Suudaan ee la yiraahdo Jaad kuwaasoo ahaa dad aad u dhib badan, durbadii aan gaariga fuulnay ee uu dhaqaaqayna nagu billaabay waxyeelayn iyagoo naga kacsaday meelihii ciriiriga ahaa ee aan gaariga kaga fadhinay isna kaaya dul saaray iyagoo adeegsanayey tooreeyo iyo mindiyo ay wateen,danu waa seetee annaguna waxaannu iskula dardaaranay in aan iska sabarno maadaama aanay jirin wax aan qaban karnay markaa.
Muddo gaaraysa afar habeen iyo sedax maalmood markii aan soconay intaana aan ku dhex soconay dhul lama degaan ah oo carro maahan ee wax kale aanay ku oolin hal geedna aan lagu arkin awoodna aadan u lahayn in aad kala soocdo halkii aad hadda ka timid iyo halka aad ku socoto ayuu gaarigii isa taagay lama degaanka bartamihiisa deetana waxaa kasoo degay wadihii iyo kaaliyihiisii oo aad isku mashquuliyey hagaajinta gaariga oo sida noo muuqatay cillad jirtay awgeed la istaagay, ugu dambayntiina waxay noo sheegeen in gaariga bir ka halowday ayna ku guulaysan waayeen in ay hagaajiyaan sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in birtaa la helo si gaarigu mar kale dib ugu dhaqaaqo, iyagoo noo soo jeediyey in aannu iyaga ka war dhowrro wayna naga dhaqaaqeen iyagoo noo sheegay in ay meel ay ku malaynayaan inuu maro jid baabuurto soo marto oo in door ah noo jiray ay tiigsan doonaan si ay uga helaan ugu yaraan baabuur ay u raacaan magaalada noogu dhow ama xitaa gaari ay bar garanayaan si ay u warsadaan haddii ay ka heli karaan birta ka maqan gaariga, dhammaanna qeyr ayaa loo wada rejeeyey oo sidaa ku amba bexeen.
Goobtu waa lama degaan aan hal geed lahayn oo maalintii cadceedda la iskaga aadiyo in kastoo xilligu uu qabow iska ahaa haddana dabeecadda lama degaanka ayaa sidaa ah oo maalintii haddii qorax yari jirto aad ayaa loogu gubtaa marka habeenkii la gaarana waxaa la arkaa inaad ku sigato in nafta aad wayso qabow daraadii, si kastaba ilaah ayaa na baday in aan dhex joogno saxarahaa iyadoo qolo kastaba siday isku jinsiga ahaayeen meel u wada degeen halkaana isugu geysteen wixii sahay ay wateen si ay ugu ilaashtaaan, Soomaaalideenu waxaannu ahayn sagaal ruux, lixdayadii Muqdisho ka timid waxaa nagu soo biiray laba hablood iyo hal wiil aad ayaanna isku dhex galnay oo isku dabeecad fahannay dhammaanteen wixii sahay aan wadanayna waan isku darsanay.
Xaalku sidii la filaayey ma uusan noqon nimankii alaabta baabuurka doonayna ma aysan soo noqon oo waxaan halkii sii fadhinay dhowr maalmood oo is xigta, wixii aan sahay ahaan u wadanayna way naga dhammaadeen biyihii gaariga saarnaa iyaga mar hore ayaa lagu kala kacay, raashin iyo biyo aan wadanay oo aan isku darsanay dhammaantoodna mar ay gabaabsi yihiin xaaladda dadka dhanna ay xuntaha ayey qolooyinkii reer Jaad weerar nagu soo qaadeen oo isku dayeen in ay naga qaataan wixii aan haysanay laakiin markaa xaalku aad ayuu u xummaa oo naf ayaan la cararaynay ee dagaal ayaan foodda is darnay umana aysan suura gelin in ay naga qaataan wixii yaraa ee aan haysanay hayeeshee waxay dhaawac xun u geysteen mid ka mid ah dhalinyaradii aannu wada soconay oo lagu magaacabi jiray Daahir oo ay garabka dhankiisa dambe tooray kaga mudeen.
Xaalladda sidaa ah ee baahida iyo oonka iyo weliba dhaawaca wiilkaa leh ayaan kusii jirnay saacado kale iyadoo in badan oo dadkii kale oo wadamada kale ahaa ay bilaabeen inay lug miciin bidaan oo ay sii dhaqaaqaan, hayeeshee annaga ruuxna nagama dhaqaaqin oo yarkii oo xaalladdiisu ay liidatay, baahi harraad iyo dhiig bax badan oo ku dhacay awgiis ayaan la harnay, balse mar dambe oo wiilkii uu ruux baxay qaar badan oo annaga naga mid ahaa ma tahli Karin socodka oo way liiteen.
Waxaa dhab ah haddii ilaah doono inaad noolaato inaanay jirn wax aad sababtooda u dhiman karto, sidaa darteed aniga iyo hal wiil oo kale ayaa ka badbaadnay gaajadii iyo harraadkii ay u le’deen saaxiibadeenii kale, ka gadaal markii ay meesha naga qaadeen askar reer Liibiyo ah iyadoo xaalladdeenu aad u xumeyd nana geeyeen bar ay ku lahaayeen dhanka xigta dalkooda ee lama degaanka, halkaana muddo lix maalmood ah ayey nagu baxnaaniyeen iyagoo markii dambe nasoo saaray gaari dhanka Suudaan usoo jeedey, waxaana sidaa nagula wareegay askarta Suudaan oo nagu xirtay xabsi ku yaalla meel gobol ah, ugu dambayntiise markii aan ku xirnayn bil iyo dhowr iyo toban cisho ayaa naloo soo wareejiyey xabsi kale oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Khartuum, halkaana muddo ka dib waxaa naga soo saaray niman dhalinyaro soomaaliyeed ahaa oo u badnaa arday halkaa wax ka baranaysay iyagoo intay waxoogaa nooli ah isugu kaaya dareen noogu baaqay in aan wadankeenii isaga laabano, aniguna arrinkaa aad ayaan ugu farxay una soo dhaweeyey anigoo aad ugu mahadceliyey dhalinyaradii soomaalinimada muujisay waana aan soo laabtay, balse yarkii kale mar labaad ayuu jidka dib ugu laabtay waxaana la ii sheegay inuu Liibiya gaaray oo uu doon u raacay dhanka dalka Talyaaniga halkaana uu ku dhintay kadib markii doontii la ciirtay isaga iyo soomaali badan.
Waxaan dib ugu soo laabtay halkii aan dhowr bilood ka hor ka dhaqaaqay, waxaan kusoo laabtay bartaan dunida ugu jeclaa inaan ku noolaado hayeeshee duruuftu ay iga waday.
Markii aan gaariga ka degay magaalada Muqdisho bartamaheeda, toos uma aanan aadin gurigii ee suuqa ayaan abaaray anigoo filayey in aan adeer Saciid halkaa ka heli doono, isla markiibana intaan bac yar oo aan laba shey ku watay garabka u ritay ayaan isku sii daayey halkii aan islahaa waad ka heli kartaa oo aan sidaa uga fogayn barta aan baabuurka uga degay.
Dhowr meel haddii intaan ka fiiriyey la igu yiri, hadda ayuu naga tegay, hebel ayuu la socday, halkaa ka eeg, ayaan mar dambe soo hor istaagay isagoo meel baqaar ah horteeda fadhiya, waan kusoo booday oo labada dhabanna ka dhunkaday waayo xiiso badan ayaan u qabay aadna waan u jeclaa oo aabbahay oo kale ayuu ahaa, isaguna si kalgacal waalidnimo leh ayuu laabta iigu qaaday, isagoo madaxa ii salaaxaya muujinayana inuu aad iigu hiloobay ayuu intuu gacanta iga qabtay isagoo kaftan iyo inuu caafimaadkayga iga waraysto isugu kay daraya wuxuu iila dhaqaaqay dhanka maqaaxi laga cunteeyo oo aan si aad ah u garanayey, markaan wixii aan cuni lahayn soo cunnay waxaan soo iibsanay waxyaalo yar yar oo aan u baahnayn gurigana toos u abbaarnay, intaan wadada kusii jirnay adeer Saciid wuxuu iiga sheekaynayey wax yaabo badan oo is bedelay intaan maqnaa oo farxad iyo naxdin intaba igu soo kordhiyey, waxaasoo dhanse waxaa I ilawsiiyey ,markuu ii sheegay in Yaasmiin soo laabatay ayna joogto, runtii aad ayaan u farxay hadalkii badnaa ee aan adeer Saciid la wadaagayeyna waan iska waayey oo xaallad kale ayaan galay, adeer Saciidse isagoo hadalkii iisii wada ayuu ii sheegay in Yaasmiin ay timid muddo bil ah ka hor kuna sugantahay hadda guri islaan Xabiibo la oran jiray oo dhanka hooyada ay qaraabo ka ahaayeen oo aniguba aan garanayey si fiican., wuxuuna iisii raaciyey inay badanaa soo booqato oo maalin haddaanay u iman ay maalinta kale u timaado, anigoo aad u faraxsan muujinayana xiisaha badan ee aan u qabo aragtida Yaasmiin ayaan adeer saciid waydiiyey in islaantu ay ka guurtay halkii aan ku ogaa iyo in kale, wuxuuna iigu bishaareeyey inaanay ka guurin ee ay weli halkeedii degantahay.
Guriga markii aan nimid si dhaqso ah intaan qabays iskugu boobay oo iska bedelay dharkii aan safarka kala soo galay ayaan isku sii daayey gurigii la iigu sheegay in Yaasmiin joogto, xiiso badan ayaan u qabay kalgacayl badana laabta ayaan ugu siday intii aan kala maqnayna ma dhicin inaan marna laabtayda ka saaro oo waxa ugu badan ee aan ka fikiro ayey ahayd, har iyo habeenna waan xusuusnaa, intaanan guriga soo gaarin waxyaalo badan ayaan ka fekerayey, rejo ka badan tii aan nolosha u hayeyna way isoo gelaysay, markaan guriga soo gaaray waxaan la kulmay Xabiibo iyo dhowr caruur ah oo ay dhashay, is bariidin iyo is waraysi xaal guud ka dib waxay ii sheegtay inaanay ogayn halka Yaasmiin qabatay hadda, balse ay hadda dhow joogtay ayn jeceshahay in ay dhawaan iman doonto waayo bay tiri uma badna in ay waqti badan maqnaato iyadoon ii sheegin in ay soo daahayso, waxayna iigu baaqday in aan iska sugo, waanan ku raacay oo iska fariistay.
In cabaar ah haddii aan sugay ruuxii guriga soo galabana aan iyadii u maleeyo ayey mar dambe soo muuqatay tay indhahaygu u basaaseen aragtideeda, waxaan nacladay waqtiga iyo siduu dadka u bedelo, gabdhii quruxda badneyd ee xubnaha jirkeeda midiba mid ka sidatay waa taa maanta luufluuftay oo midabkeedii iyo muuqaalkeediiba is bedeleen una ekaatay qof da’ ah , waxaan damcay inaan intaan fadhiga ka koco ka hor tago oo isku duubo laabtana ku qaado, xishood ayaase I galay markaan arkay islaantii reerka oo meesha taagan waxaanan iska sugay intay isoo gaarayso, anigoo kursiga ka istaagay una diyaar garoobay salaanteeda , waxaa aad iila dheeraatay inta yar ee u dhaxaysa barta guriga laga soo galo iyo halka aan taagnaa waanan daahsaday inta ay Yaasmiin isoo gaarayso, markii ay iisoo dhawaatay ayaan anigoo dhoolla cadaynaya intaan laba talaabo dhankeeda u qaaday salaan u taagay, balse iyadu intay is hayn kari waysay ayey iyadoo ilma fara badani ka qumanayso isku kay duubtay, in door ah haddii aan isku dheganayn ayey iigu baaqday in aan fariisano si aan u sheekaysano, aniguna durbadiiba waan sal dhigay, annagoo bilownay in caafimaadka iyo xaaladaha guud iska waraysano,waxayna Yaasmiin ii sheegtay in ay hadda xaafadda ka timid oo adeer Saciid usoo sheegay in aan imid xageedana soo aaday sidaana ay isla markiiba kusoo laabatay.
In badan ayaan sheekaysanay arrimo fara badana iska waraysanay waqti dambe oo habeenkaa ah ayaanna kasoo tegay innagoo subixii dib u balanay.
Subixii xigey aniga iyo yaasmiin arrimo fara badan ayaan wada gorfaynay, innagoo is tusnay inay wanaagsantahay in aan ilaah iska talo saarano oo aan iska aqal galno, howshaana waxaa aad noogu dhiiri geliyey naguna saaciday adeer Saciid oo hiil iyo hooba nala garab istaagay, waxaan ku heshiinay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku aqal galno wax badana aanan isku kalifin ee aan uun raadsano wixii daruuri noo ah markaa, sidaa ayaanna dadaal ku bilownay aniga iyo yaasmiin iyo adeer saciidba.
Ilaahay ruuxa uu doono inuu wax siiyo xisaab la,aan ayuu usiiyaaye maalmo yar gudohood waxaa ii suura gashay in aan helo xoogaa lacag ah oo iigu filan inaan soo diyaarsado wixii aan ku aqal tegi lahayn, galab Khamiis ah ayaana la ii mehriyey gabadhaan aadka u jeclaa in badana aan ku haminayey inay ooridayda noqoto oo ay dhinacayga kasoo toosto, iyadoo habeenimadaa ay Jimcuhu soo gelaysana aannu aqal tagnay.
Habeenkii aniga iyo Yaasmiin markaan qol ku kaliyownay iyadoo ooridayda ah waxaan dhowr mar iska xaqiijiyey in aan riyo ku jiro iyo in arrinku dhab yahay farxad daraadeed, waayo duruufihii aan soo marnay awgood waxay ahayd inaan is hanano wax aad u fog, si kastaba xaalku ha ahaadee habeenkaa waxaan si wada jir ah u fiiqsanay koobkii farxadda kuna wada cawaynay jewi aad u macaan kana gedisan wax badan kii aan in badan kusoo jirnay nana ilaawsiiyey xanuun badan , in kastoo dhaawicii iyo xad gudubkii gabadha loo geystay uu ahaa mid habeenkaa oo kale aan qarsoomi Karin haddana kalsooni dhab ah iyo is aaminaad jirtay ayaan ku moodnay.
Kow iyo toban maalin markaannu aroos ahayn farxadda aannu ku jirnana anay ahayn mid la soo koobi karo, ayaa la igu war geliyey habeenkii in oday adeerkay ahaa oo magaalada deganaa uu aad u xanuunsanayo markaa ayaan aniga iyo Yaasmiin ku balannay inaan subaxaa booqano, magaalada ammaankeedu maalmahaa ma fiicnayn waxaana isku dhex dagaalayey laba beelood oo si xun hub iskula dhacaysay, aroornimo hore ayaan guriga kasoo dhaqaaqnay annagoo ka cararaynay inay cadceeddu nagu soo kululaato waxaanan soo raacnay gaari BL ahaa maadama xaafadda adeer aanay sidaa noogu dhawayn , kolkii aan in cabaar ah gaarigii saarnayn in door ahna aan u jirno halkii aan uga degi lahayn, aniga iyo Yaasmiinna aan isku maqanahay oo sheekadu iskugu kaaya baxayso ayaan ka war helnay rasaas si daran doori ah naloogu furay, gaarigii oo dhan ayaa wada dhiig noqday in badan oo dadkii ka mid ahaana naftuba dhulka lama dhicin oo horay ayey uga raacday, Yaasmiin iyada markii hore ayey xabaddu si daran u qabsatay oo welib xabado fara badan ayaa ku dhacay, markii aan doonay inaan qabtana aniga ayey I haleeshay , waxaanan xusuustaa iyadoo dhowr nin oo qoryo wadataahi intay gaarigii soo galeen ay iska kaaya rideen oo jidka nagu tuureen gaarigiina wateen, markaa ayaana miir iigu dambaysay, waxaanan soo miyirsaday anigoo lugtaydii maqantahay xaaskaygiina kol hore la aasay isbitaalkana aan dhex jiifo, waa sidaa dr C/raxmaanow inta aan ka xusuusto dhibaatooyinkii nasoo gaaray aniga iyo marxuumadda halkaa ku aasan iyo kumanaan kale oo soomaali ah, ayuu hadalkii kusoo gunaanaday Faysal isagoo ay indhihiisa ilmo fara badani ka socoto gocasho fara badana galay, aniguna iyadoo sheekadaasi aad raad iigu reebtay ayaan intaan garabka soo qabtay horay usoo luudiyey si aan u gaarno isbitaalka oo gaarigaygu yaalay dabadeedna aan xaafaddoodii u geeyo, isla markiibana waxaan meeshii ugu nimid oday Saciid oo na sugayey ogaana in subaxaa isbitaalka laga saarayey Faysal, dhammaanteena gaarigii ayaan wada raacnay oo intaan waxoogaa alaabo ah oo uu u baahnaa Faysal u iibiyey ayaan isaga iyo duq Saciid xaafaddii kusoo hubsaday una sheegay in wixii biil ah ee ay u baahanyihiin aan anigu diyaar ula ahay aanna mar kasta ka war hayn doono haddii ilaah yiraahdo,

Dhammaad
Dalmar Omar Gacal
Mogadishu,Somalia
Sheekada waxaan qoray 24/04/07 oo lagu soo daabacay qeyba ka midah jaraa'idka ka soo baxa gobalka Banadir.