Tuesday, July 20, 2010

12 April SANADGUURO NASIIB DARAN

12 April SANADGUURO NASIIB DARAN

12 april Maanta oo ah maalintii la aas aasay calanka dalka soomaaliyeed sidoo kale maanta waa maalintii dhidaba loo taagay awoodii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed balse maalintaan ayaa moodaa in aan laga xusin dalka soomaaliya ayadoo la sheego inay ka jirto wax loo yaqaan dawlad qaran, balse arinta dhabtaa ee jirta ayaa ah inuu san jirin dal xura kaasoo leh calan, ciid, ciidan iyo dad soomaali ah oo leh dhul ay ku mashxaradeeyaan maadaama uu dalka gacanta ugu jiro gumeysi kaasoo goob kasta surtay calankiisa iyo ciidamadiisa .

12-ka April 1960-kii oo ah markii la aasaasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ahna maalin ku weyn shacabka Soomaliyeed yar iyo weyn, waayo ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, waxay dhamaantood ku dhaarteen sidii dalka ay uga difaaci lahaayeen caddow kasta oo ku soo duula.

12-ka April 1954 ayaa calanka soomlaaya sameeyay alaha qabrigiisa u qaboojiyee marxuum MAXAMED CAWAALE LIIBAAN .

Calanka Soomaaliya ayaa isagu ka kooban midabka buluuga ah iyo xidigta shanta gees leh, oo iyadu tilmaamaysa sida uu gumaysigu u kala qaybiyay Soomaaliya, waqti uu ka dhigay shan qaybood oo laba ka mid ah ay si wanaagsan u dhadhemiyeen macnaha xoriyadu leedahay, kuwan oo si wanaagsan isugu dayay in ay xoriyad dhandhan leh gaadhsiiyaan qayb ka mid ah kuwii ka maqnaa ee Xeebtii Faransiisku Gumaysan jiray, imikase loo yaqaan jamhuuriyada Jabuuti iyo Labada qaybood ee kale midi gumeysiga ingriiska (british) raacshay dalka Kenya sanadkii 1963 halka qeybta kalena la ogsoonyahay tan iyo sanadkii 1954kii waxa ay hoos yaalaan oo gumaysigu dhigay gacanta cadowgii Mililig oo isagu weligii fikirkiisu ahaa hirgelinta riyadii Abaseeniya (the absian), ee qabsashadda xeebaha dheraran ee Soomaaliya.

Hadaba maanta oo calankaas gacan lagu heyn maadaaama uusan jirinba dal uu astaan u yahay ayaan rabaa akhristayaasha dareenka leh inaan usoo dharaan dhiriyo heerka uu soo maray cag marinta calankeena hooyo.


Calanka soomaaliya qaabkaa iyo quruxdaa lahaa waxa uu males Zenawi raysal wasaaraha Ethiopia si bareer ah ugu dhawaaqay 1996kii in “Soomaaliya oo mudo agoon ahayd ay isaga iyo kooxdiisu kafaalad qaadayaan”, oo markaa waxa ay si muuqata ugu sawireen calankooda calooshiisa, calankii Soomaaliya oo inta goobo la geliyay dhexda lagaga dhigay xidigtii oo shan qaybood loo kala jeexjeexay.

Waxaa intaas oo dhan daba socday oo mar walba caadaqaatayaasha ay hogaamiyaan hoogaamiye kooxeddyada (war lord) ay ka shaqaynayeen sidii ay riyadaasi usuuroobi lahayd, oo iyadii oo run ah loo arki lahaa.

27/12/2006 (Tuesday) ayuu gabbal baasi u dhacay Ummadda Soomaaliyeed, kadib markii maxaysatadii uu hagayay madaxweyne ku sheega Con c/hi. Yuusuf iyo gacan yarahiisa cali maxamed geedi ay soo gaadheen xeebaha Muqdisho, arintan oo Muslim iyo gaalaba ay ku noqotay wax ay ka naxeen, sida uu cadowga iyo caadaqaatayaasha ugu guulaysteen in ay meel oogaga soo hadhaan Ummadii Soomaaliyeed min Raas Kambooni ilaa iyo Raas Casayr.

Halkaa markii ay umuurtu marayso waxaa xusid mudan Nin ka tirsan Kooxda Nugul ee Tigree-ga oo isagu la hadlayay qalabka warbaahinta oo yidhi “Weligeen waxaan ku fekiri jirnay sidii aan Labada qaybood ee ka hadhay Soomaaliya gacanta ugu soo dhigi lahayn, weligeen waxay nala ahayd wax fog, maanta ayayse arintaasi xaqiiqoowday” Ninkan oo ugu yaraan dhowr daqiiqo hadlayay ayaan marnaba soo qaadin ragii dabadhilifka u ahaa ee keenay halka ay yimaadeen Tigree-gu.

Waxaa kaloo iyadna xusid mudan in Zenawi-ga Nugul uu yidhi isaga oo la hadlayay Chanel-ka Carbeed ee Al-Jazeera “Waxaa la yaab nagu noqotay in aan tagno caasimadda Soomaalida, iyadda oo aan hal xabadna nalagu soo tuurin, waa wax lala yaabo dal dhan oo aad caasimadiisii tagtay oo aadan wax iska caabin ah la kulmin, arintaa aad bay nooga yaabisay”.


Sidoo kale marki ay cadawga umada soomaliyeed ay galeen wasaaradii gaashaan dhiga ee shiirkoole ay tilmaan warsadeen halka uu dhaco aqalka uu gali jiray (daganaa) wasiirkii difaaca sareeye guud MAXAMED CALI SAMATAR oo ay guda galeen inay isku sawiraan marki la warsaday sabata iyo xikmada ka danbeysa ay ku jawaabeen “ninkan waxuu ahaa ninkii ka danbeeyay jabkeeni 1977 maantana waxaa guul inoo ah inaan aqalkiisa ku qamri iyo qamaar tumano xaruna ka dhigano taaso ah falaar gaduudan oo qofkasta oo soomaaliya iloobi doonin”


Hadii aan dib ugu laabano akhristow qormadeena ee aan calanka Soomaaliya u gooni yeelay, iyo macnaha uu ugu fadhiyo Soomaalida, iyo sida uu uga tarjumayo taariikhda dhow iyo tan fog ee ay leeyihiin dhamaan ummaddaha ku hadla af-Soomaliga, geeska Afrikana ka deganyihiin dhulka ugu balaaran (dheer).

Soomaaliya:

Soomaaliya ayaa sida ku cad taariikhda waxaa loo kala qaybiyay shan qaybood (1885 berlin), laba qaybood oo ka mid ahaa shantaa waxa ay dib qaranimadoodii usoo ceshteen sanadkii 1960kii, waqtigaa oo ay si dhaba ugu midoobeen Jamhuuriyada Soomaaliya, tani waxa ay taagnayd oo weliba u dagaalantay in ay hesho kuwii kale ee ka maqnaa ilaa 1991kii, waqtigaa oo Jamahuuriyadii Soomaaliya ay gudaha isugu dhacday, sababo badan oo iswada huwan awgeed.

Sadexda qaybood ee kale ayaa iyagu lagu magacaabi karaa sadaxda far ee ka maqan xidigta calanka, sababtoo ah calanka ayaa ka turjuma umadda, aayahooda iyo ayaatiinkooda.

Shanta Qaybood ayaa loo dhigi karaa sidan, iyadoo ay muhim tahay in aad xusuusto akhristow in ay sii kala qaybiyeen qaybo ka mid ah shantaa caadaqaatayaasha, oo ay wax waliba kala waynyihiin sidii ay dhiig sokeeye u waraabi lahaayeen.

1 - Soomaaliyaddii Talyaaniga.

Sidan ayaa loo yaqaanay waayo waxaa gumaystay Talyaaniga, waana dhulka ugu wayn ee shanta qaybood ee dhulkii la isku oran jiray Soomaaliya, waxa ay ka koobantahay Koonfurta, badhatamaha Soomaaliya ilaa Wuqooyi bari Soomaaliya, waxa ay xoriyadeeda ka qaadatay talyaaniga 1dii, Luuliyo sanadkii 1960kii, waxaa qaybtan hoostimaada 13Gobol oo ka mid ah 18ka Gobol ee ay ka koobnayd midowgii laba qaybood ee Soomaalida Wuqooyi iyo Koonfur.

Magaalooyinka ugu muhimsan ayaa lagu tilmaami karaa Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, ksimayo,baydhabo,galkacyo dagaaladii Soomaaliya ka dhacay ee ay caadaqaatayaashu hagayeen kadib ayay qaybtan ukala googooyeen qaybo yaryar oo mid mid kale ogol aysan jidhin waxaa maskaxdaada ku soo maaxaya eraygii qad cagaaran (green line).


Waxaa gobaladan ay hogaamiye kooxeedka usii kala qaateen nidamyo iyo maamulo hoos yimaado oo ay kamid yihiin


· G/W/Bari Ee Soomaaliya (Puntland).

· Gobolka Bay (Bayland).

· Gobalka bakool

· Gobalka galmudug state

· Gobalka hiiraan land

· Gobalka jubba land

· Gobalka banaadir land



2 – soomaalidii ingriiska

Waxa ay ku caanbaxday waqtigii gumaysiga (British Somaliland) ama Soomaaliyadii Btirish-ka, waayo iyagaa gumaysan jiray, waxa ay goboladani dhacaan Wuqooyiga Galbeed Soomaaliya meel kaga beegan xarunta Soomaaliya ee Muqdishu, Ingiriiska ayay xoriyadoodii ka qaateen sanadkii 26kii bushii July, 1960kii, June isla sanadkaa 1960kii waxa ay si dhaba oola midoobeen Soomaalidii koonfurta, tan oo noqotay markii ugu horaysay oo ay dib u midoobaan laba ka mid ah dhulkii Soomaaliya ee gumaysigu shanta u qaybiyay ku darso waxay ahayd laba ka mida xidigta calanka soomaliyeed bilowgeeda .

Dhulka G/W/Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland) ayaa ku fadhiya dhul bedkiisu dhanyahay 137600 Km2, dadka dhulkaa ku nool tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa 3.5Milyan sadex Milyan iyo badh oo Soomaali cidwalba ah leh, xataa marka lagu daro qabiiladda ay G/W/Bari Soomaaliya (Puntland) isbahabahaysiga kusoo dumeen ee Sool iyo Sanaag.


Waxaa hoos yimaada G/W/Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland) Shan gobol oo ka mid ah 18ka gobol ee uu ka koobanyahay dalka Soomaaliya (Sidii Gumaysigii Ingiriisku U asteeyey), waxaa xarun u ah Hargaysa, oo ahayd caasimadii labaad ee Soomaaliya,

18kii, May, sanadkii 1991kii ayay ku dhawaaqeen odayaal qeyba in G/W/Galbeed in ay ka go’een Jamhuuriyadii Soomaaliya, arintan oo ay dunida iyo Soomaaliduuba ka biyo diideen, ilaa iyo imikana wax aqoonsaday aysan jidhin marka laga soo tago cadawgeena ethoipia oo asagu ku owr kacsado aqoonsiga uu ahaayo dhulkaas , taasoo meesha ka saartay baahidii loo qabay in la xaqiijiyo sirta xidigta calanka soomaalida.


3 - Gobolka Ogaadeeniya (Soomaali Galbeed)

Waxa uu caan ku yahay oo aad loogu yaqaanaa Soomaali Galbeed, waxaa si xoog ah Itoobiya loogu daray sanadkii 1954kii, waxaa kaloo uu Gumaysiga Itoobiya ugu yeedhaa Kilinka shanaad ama Gobolka Ogaadeniya, gobolkan waxaa 99.95% degan dad Soomaaliyeed oo Muslim ah.

Dhulkaas ayaa ilaa iminka ku maqan gacanta cadawga taasoo meesha ka saartay baahidii loo qabay in la xaqiijiyo sirta xidigta calanka soomaalida.



4 – Xeebtii Faransiiska (Jabuuti).

Gobolkan ayaa sidoo kale uu caan ku yahay Goboladda Canfarta iyo Ciisaha, kadib goortii ay xoriyadda ka qaateen Faransiinka sanadkii 1977kii, tan uu sababta ugu wayn lahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre, ayaa gobolka waxa uu caan ku noqday Magaca Jabuuti, Canfarta iyo Ciisaha ayaa ah labadda qabiil ee asaaska u ah Gobolka beled iyo baadiyabba.

Sidoo kale akhristow dalka jabuuti ayaa meel iska taagay inuu la midoobo Somali inteeda kale taasoo mar kale meesha ka saartay baahidii loo qabay in la xaqiijiyo sirta xidigta calanka soomaalida

5 - Goboladda K/Galbeed (NFD).

Goboladan oo qayb ka ahaa shantii Soomaaliyeed ee gumaysigu kala qaybiyay, waxay aad caan ugu yihiin magaca Northern Frontier District (NFD) imika waa qayb ka tirsan Kenya, sanadkii 1963kii ayuu gumaystihii cadaa (Britain) waxa uu ku daray dalka kenya ayadoo aan wali laga soo saarin gacanta cadawgi isku dhiibay taasoo meesha ka saartay baahidii loo qabay in la xaqiijiyo sirta xidigta calanka soomaalida


AKhristow socod dheer hadii aan ku soo marnay dhulkii soomalida oo aan isla aragnay xaalada adag ee uu ku sugan yahay dalka iyo dhibaatada lixaadka leh ee ku jiraan dadkeena soomaaliyeed ayaan dareemi karnaa inaan maanta 12ka April 2007 inaan nahay dad aan lahayn calan matala iyo dal ay leeyihiin oo ay aayahoodana kaga tashadaan.



waxaa nasiib darro ah maanta in qarannimadii iyo midnimadii lagu soo tiir iyo tacab beelay aay faraheena si hawlyari ah uga baxday ,dalkii Soomaaliyana uu galay marxlad adag oo aay majaraha u hayaan taliyayaal baas oo gacmahooda dhiig iyo godobi ku dhabooqantahay kuwaa oo u hagaya soomaaliya booraantii halaagga iyo aaytiinxumida .

Soomaaliya oo ku jirtay dhawr iyo toban sano fawdo iyo Kun mar habow ma jirto maalin uga xun maanta oo soo Marta mar hadii calanka cadawga ka babanayo dalka oo dhan gaar ahaana wasaaradii gaanshaadhiga, fagaarihii tarabuunka, xeradii ciidanka xooga dalka aafisyooni, madaxaxtooyadii (vila somalia) dekkada, eelaboorka, iyo goobkasto.

Waxaan jirin rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celin karo qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.

Hasa ahaate Somaliya sida ay u Indho la´dahay uma Alla-la’a, insha allah lagama quusan in maalin la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan lehna ciidan iyo siyaasiyiin soo celisa midnimadii iyo wadajirkii dadka iyo dalka Soomaaliya una horseeda ummadda xasilooni, nabad iyo kala danbeyn.



Qaranka iyo Xorriyadii la Helay waa la quursadaye
Wax ku qooqay niman aan ogayn qaabka loo helaye
Qudhooda iyo Maalkaba raggii qiiradaw bixiyey
Waa kaa gidaarada ku quban qalin jabkoodiiye
(Waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalloc)


Halka ka Dhegayso gabaygii Cabdullahi Suldaan Timacadde uu ka tiriyey Munaasabaddii calan saarka ee 26 Juun 1960kii



W/Q dalmar omar gacal
Islamabad,Pakistan

qoraalkan waxuu ahaa Thu 4/12/07 xiligii uu cadawga somaliyeed qabsaday dalka iyo caasimadiisa Mogadishu,

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.