Geerida Istarliin Caruush oo saameysay shirkii dib u heshiisiinta ee Eldoret
Dalmar Omar Gacal
Khartoum, Sudan
E-mail: dalmaryare@hotmail.com
Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa maanta waxaa hareeyey geerida
amakaagga leh ee Allaha u naxariistee Istarliin Cabdi Caruush Jimcaale oo
ahayd samafale Soomaali ah oo u soo halgantay badbaadinta dadka taagta
darran. Jahawareer ayaa ka jiray shirka, mana jirin wax kulamo ah.
Aayado Qur'aan ah ayaa laga daaray hotel Sirikwa oo lagu sii sagootinayo
Marxuumadda.
Galabnimadan waxaa la filayaa inuu furmo shirka, iyadoo hoos loo dhigi doono goor dhow calanka Soomaaliya oo ka mid ah calamada goobtaas suran.
Shirka dhexdiisa waxaa Marxuumadda loo istaagi doonaa laba daqiiqo,
sida uu ii sheegay Xasan Dhimbil Warsame
Marxuumad Istarliin Cabdi Caruush oo ka mid ahayd dad yar oo lagala tashaday
qaabka shirka Eldoret u socon doono waxaa dilay rag ku hubeysan bastoolado,
waxaana ay soo daba galeen gaarigii ay saarnayd Marxuumadda oo markaa ka timid xarunta UN-ka ee ku leedahay Africa oo aan aaminsanahay qoraa ahaa in ey xog culus la soo hoyatey habeenkaas xanuunka badnaa.
Markii ay u istaagtay Istarliin inay kaga degto gaariga xaafadda Westland’s ee Nairobi oo ay deggenayd ayay rasaas ku fureen arxan laawayaal aan rabi aqoon iyo xeerka biri mageydada, Waqtigu markaas wuxuu ahaa 2:00 habeennimo
Illaa laba xabbadood ayaa la rumeysan yahay inay ku dheceen. Kaddib dhulka
ayay ku dhacday, waana ay dhiig baxday. Ragga dilay, Alle ha u naxariistee
Istarliin, oo ahayd qof u hibeysay nolosheeda oo dhan taakuleynta dadka
liita, lama garanayo dal ay u dhasheen, iyadoo hadalku u badan yahay inay
ahaayeen dadka la soo kireysto ee Keenyaatiga ah.
Warar kale ayaase sheegaya inay dileen rag tuugo ah. Dadkii dilay ma qaadan dhammaan wixii ay sidatay, taas oo sii xoojinaysa in lagu dilay shirqool
Dadkii ugu horreeyey ee tagay goobta dilku ka dhacay waxaa ka mid ahaa Cabdi
Salaad Xasan oo ka tirsan wakaaladda Qaramada Midoobay ee IRIN. Cabdi Salaad waxa uu sheegay in markii uu meesha tagay Istarliin ay ahayd mayd, waxaana uu sheegay inay dileen tuugo.
Darawalkii waday gaariga ay ka degtay Marxuumadda ayaa dhaawacmay, waxaana laga soo xigtay inuu ka baqa-cararay Istarliin oo ay xabbadeynayaan
burcaddu, dabadeedna ay ka daba rideen xabbado isagoo gaarigii wata.
Waxaa maydka Marxuumaddu uu hadda yaallaa isbitaalka weyn ee Nairobi,
waxaana uu ku jiraa qaboojiyaha. Waxaa berri subax loo duulin doonaa
magaalada Marka, halkaas oo loogu sameyn doono aas weyn, sida ay sheegeen
shaqaalaha hay'addeedu.
Ilaahay Jannadiisii Fardowsa ahayd ha geeyee, Istarliin Cabdi Caruush waxa
ay ahayd qof garasho iyo xikmad badan oo hal abuurkeedu uu sarreeyo.
Waxay jeclayd dadkeeda iyo dalkeeda inay badbaadiso.
Si weyn ayay u qiimeyn jirtay, una tixgelin jirtay Soomaalida meel kastoo ay ka yimaaddeen waxay kula macaamili jirtay wanaag iyo xushmad.
Istarliin, waxay ku dhalatay, kuna soo barbaartay magaalada Marka.
Waxbarashadeeda sarre waxa ay ku qaadatay Talyaaniga, oo ay kaga qalin
jebisay Jaamacadda Torino.
Muddo dheer ayay Itaaliya ku noolayd, waana ay tegi jirtay fasaxeeda.
Laba iyo tobankii sano ee silica iyo saxariirta waxa ay ka shaqeynaysay
Soomaaliyada colaadeysan ayadoo wax badan gacan qabatey ubaddka iyo agoomaha la aabe tirey oo ay u aheyd hooyo iyo aabe balse maanta agoomahaas mar labaad ayey waayeen waalidkooda.
Waxay ahayd Istarliin qof hadal yar oo aan si fiican u aqaan, laakiin qosol iyo farxad badan.
Dhammaan kooxaha ka qayb galaya shirka Eldoret si isku mid ah ayay maanta
uga nexeen markii ay maqleen geerideeda.
"Waxaa la yaab leh inaysan ku dhiman dagaalka iyo xabbadaha Soomaaliya ee ay ku dhimatay Nairobi oo ay u timid nabadda Soomaaliya" ayuu yiri Xasan
Dhimbil Warsame. Dr. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa isna sheegay inuu ka
anfariiray geerideeda.
Wakiilka Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya, Winston Tubmoun waxa uu yiri "Istarliin Caruush oo kale weligey kuma dhex arag Soomaalida.
Si fudud ayay kuugu sheegaysaa baahida dadkeeda, hal mar oo aan arkay runtii, aad baan uga maqsuuday." Tubmoun waxa uu tacsi u diray shacabka Soomaalid oo dhan, gaar ahaan qoyskeeda iyo saaxiibadeed.
Ra'iisal Wasaaraha KMG ah, Xasan Abshir Faarax ayaa isna sheegay inuu
naxdin awgeed dhulka ku dhici gaaray markii la soo gaarsiiyey geerida
Marxuumadda.
Prof. Shariif Saalax Maxamed ayaa sheegay in geerida Istarliin ay u tahay
Soomaalida qasaare weyn oo soo food saaray. "Garab weyn ayaa naga wada
go'ay" ayuu yiri Shariifka oo tusaale u soo qaatay heshiiyadii Istarliin ay
kula jirtay Suuqa Yurub iyo dalalka deeqaha bixiya.
Caasha Xaaji Cilmi Aamin oo ay Istarliin iskala shaqeynayeen howlaha
farsamada shirka Eldoret ayaa sheegtay in Istarliin ay ahayd qof shaqa
badan. "Geerideeda si weyn baan uga naxnay, waanan ka xunnahay" ayay tiri Casha Xaji oo la hadleysay idaacadda BBC-da laanteeda Voice of Africa.
Faadumo Jibriil oo ka mid ah haweenka samafalka ayaa sheegtay inay u muuqato Nairobi mid aan ka rooneyn Soomaaliya, "Dumarka gaashaan-qaadka ku noqday horumarinta bulshada ayay ka mid ahayd Istarliin." ayay tiri.
Maryan Gacal oo wax badan wada shaqeeyeen Istarliin hadana eedo iigu aadan ayaa iiga sheekeysay Istarliin ayadoo ku bilowday Istartiil waxey aheyd qof aan marna la iloobi Karin hadana waxa ku dhacay Alle ayaa keenay waana qadar balse waxaan kuu sheegaa wiilkeygow in Isatarliin oo isku diyaarineysay iney guursato ay aheyd qof ku noolaan karto dhul nabada sidi Itally oo ku yaal hooygi ay ku soo korday waxna ku soo baratey hadana waxaa dilay waa cadaw umada soomaaliyeed booska Istarliin oo aan aniga ku wareegayna ma filaayo inaan buuxin karo sababtoo ah maba gaari karo qofkaas oo kale.
Ugu danbeyn maalinba waxaa naga baxa waa aqoon yahay waxa na soo galena waa aqoon dumiye iyo arxan laawe.
Mar aan booqday magaalda Marka ee gobalka shabellada hoose waxaan tagay goobo badan oo ku jiraan ubadki ay ka tagtay Istarliin oo wali nool hadana niyadooda weyn tahay waxaa ka mid ah xarunta Ayuub oo ay ka gacanta ku heyso maama qaali ah sida Istarliin nafteeda ugu deeqday waa maama maana xaajow.
Istarliin oo aan u arkay iney ka mid tahay Somali model women waxaan Alle uga baryaa in rabi u qaboojiyo qabrigeeda cidda ka danbeysayna waxaan saatar ka baryaa inuu ayagana hoog iyo halaag u danbeysiiyo
Dhamaad
Dalmar
NB- this report was on Jan 10, 2002
No comments:
Post a Comment
Note: Only a member of this blog may post a comment.