Tuesday, July 20, 2010

LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA MA NABAD DOON BAA MISE WAA NABAD DIID?

LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA MA NABAD DOON BAA MISE WAA NABAD DIID?

(qab qablaha dibada ku sugan)
Fri 3/30/07

Dhambaalkan waxuu ku soo beegmay xili uu dalka ku sugan yahay xaalad adag oo murugeysan somalida waxay ku maah maahdaa “balaayo daama la qabto bey leedahay dib la qabtase ma lahan“.

Waxaan ula jeedaa xaalada uu ku sugan yahay dalka somaliya caddawna gacanta u galay taasoo ku luntay jiri taankeeda (sovereignty) sidaa darteed inaysan lahayn daamo iyo dib la qabto toona oo ay noqotay xaalkeeda isma dhaanto iyo dhasheeda.

Hadii aan aqristow isla gar waaqsanay xaalada murugeysan ee uu ku sugan yahay dalka waxaa qasaba inaan is waydiino walxaha keenay dhibaatooyinkaas badan ee ku habsaday dalkeena hooyo mudo 16 sano.

Durbaba waxaa maankaaga ku soo shubmaya kun iyo kow walxo oo ka tarjumeyso aafada ku habsatay dalka , balse aqristow waxaan rabaa inaan diirada saaro mid ka mid ka mida walxahaas ama arimahaas badan kaasoona ah warbaahinta qeybta ay ku leedahay dhibaatada ka jirta dalka waxaana ugu wayn warbaahinta af soomaliga ku hadasho LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA kaasoona cinwan uga dhigay (LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA MA NABAD DOONBAA MISE WAA NABAD DIID)

Aqristow idaacada BBC-da qeybteeda af soomaaliga oo noqotay warbaahinta ugu weyn ee quudisa umadaha fahma kuna hadala af soomaaliga dal ,daris iyo dibadba.

Qolof ahaanna LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA waxay ka kooban tahay qeyb (group) isku fikir ah hadana kawada siman afkaarta ay u tabiyaan umada soomaaliyeed, iyagoo adeegsada dad gaar ah isla markaana fuliya dano gaar ah. Maanta arrinta hoos ayay u soo dhacday oo LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA waxay u adaygtaa inay ka shaqeyso dab hurin, nabad diidnimo. diin af lagaadeyn iyo balaayo filleyn .

LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA waa KANSAR (censer) ku dhex jira Ummadda Soomaaliyeed dhibaato xoog leh ku haaya. Kansarkana daawadiisa waxay tahay oo kaliya in la gooyo. Hadaba LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA waa Kansar fadhiya daarta Somali Service Bush House, Londan, England, sida kaliya oo lagu goyn karana waxay tahay in Soomalida meel kasta ay degan tahay in ay :-

1- In aan la qaadan murtida ay xanbaarsan tahay LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA.

2- In Mudaaharaadyo la qaban qaabiyo kaasoo lid ku ah LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA.

3- In loo qoro warqad cabasho iyo codsi (petition) madaxda guud ee BBCda.


Soomaaliya, dad iyo dhulba waxay ku soo jireen welina ku sii jiraan muddo lix iyo toban sano ah dhibaato aad u xun, qaxar, gaajo, qax, barakac, abaarro, fataadyo ,is dil aan ujeedo lahayn iyo dowlad la’aan.

Intii dhibaataas socotayna LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA dab iyo bansiin ayay ka daba wadatay arrimaha Soomaaliya iyadoo waraysiyo ama faalooyin been abuur ah ka sameyso iyo iyadoo iska horkeentay dagaal ooglayaasha (war-lords) ama qofkii ay isleeyihiin dhibaato ayuu samayn karaa wareysata.

Faalooyinka ama wareysiyada ay sameyso LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ma aha kuwo dhex dhexaada balse waa kuwo dhinac u badan (bias) inkastoo ay ku andacooto in LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ay tahay mid dhexdhexaad ah taasna waa wax lagu qoslo. Doorka ay LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ka ciyaartay dhibaatada Soomaaliya waa mid aad iyo aad looga xumaado lagana yaqyaqsoodo sababtoo ah sida ay wararka u sheegaan oo ah mid sababta in ay ku dhintaan dad ay u badan yihiin caruur, dumar. Waayeello iyo wax magaratada is leeysa

Madaama ay wariyayaasha LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA iyo caruurtooda ay joogaan dhul nabad ah dan iyo duunyo ka malaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhimanaayo dagaalada ay kasoo oogayaan kana soo hurinayaan daarta weyn ee bush house.


Taa waxaa ka sii daran in wariyayaasha ka shaqeeya LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ay ku andacoodaan iney dhexdhexaad ka yihiin arrimaha Soomaaliya taas waa mid aan raad iyo sal lahayn ama lala yaabo sababtoo ah waxaad ku garaynaysaa in ay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya marka ay sameenayaan waraysi ama faalo ka bixinayaan arrimaha Soomaaliya waxaad ka dheehan kartaa afkaarta u gaarka ah, marki aad tix raacdo qaabka ama sida uu waydiinayo ama uga faaloonayo waryiha taasoo kuu cadeyn karto sida ay uga wada siman yihiin dhinac jirka.

Tan kale oo cadaynaysa in wariyayaasha LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ayna dhexdhexaad ahayn waxaa lagu garan karaa inta ay joogaan idaacada mooyee inta kale ay ku dhex jiraan qabiiladooda ama reerahooda ama gobolkooda mid kastana wuxuu la yimaadaa idaacada waxa isaga iyo dadka uu la nool yahay ay aaminsan yihiin taas oo lagu garan karo waraysiyaasha iyo sheekada ay sameeyaan marka ay wada hasaawayaan iyo wareysanayaan qof kale, anagoo og inuu helo wariyaha ka tirsan TV caalamiga al jazeera sanadkiiba fasax bil ah si uu u guto waajibaadka saxafi nimo una qaadan afkaarta dalkiisa iyo axsaabta ka jirto iska daa qabiilkiisee .

Waxaan kale ay wariyayaasha qaarkooda ay halmaameen in ay Soomaali yihiin sida lagu arkayba qurabaha dad ayaa markii jinsiyado cusub ay qaateen hilmaameen Soomaalinimadii waana mida ka taagan LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA iyo sida ay uga qayb qaateen burburka Soomaaliya. Wariyayaasha waxay kale hilmaamsan yihiin in Soomaaliya ay ku dhasheen, ku koreen, wax ku barteen.

Waxaad arkayasa in wariyayaasha LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ay hilmaameen in barri xisaab ay jirto Ilaah (SWT) uu la xisaabtamidoona.

RASUULKEENA SUUBAN NABAD IYO NAXARIIS KORKIISA HA AHAATEE (NNKH) wuxuu xadiis ku yiri mu’minka waa qofkii laga nabad galaa afkiisa iyo adinkiisa (gamcahiisa) ama sida uu yiriba , hadaba aqristow dhibaato layskugu gaysto afka aa ka xun tan laysugu gaysto gamcaha iyo walxo kalaba sababto ah afka waxii ka soo baxo waxay saameysn dadka maqlo oo dhan halka dhibadata gacanta ay ku koobantahay qofka la gaarsiiyay .

Sida aad adinkuba marag ma doonto ka tihiin sida xuub diir ka ah oo ay u hadaaqdo LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA oo laga sugayay inay amaahiso umada dhiban nabad iyo neecaw , hadii aad u kuur gasho aqristow wareysiyada idaacadan sida ay yihiin adigoo ka dheehan kara sida ay uga fog yihiin nabada sidoo kale aflagaadadad aan soo qaatay ayaa tusmo ahaan kuugu filan erayda cusub ee ka mida XAG JIR,SEEF LA BOOD,QOLYAHA MAYALKA ADAG IYO KUWA MOWQIFKOODA FOOGAADAY , QOLADA ASAL RAACAA ,KUWA MAJARAHA ADAG iyo ARGAGAXISO oo aa dareemeyso inay yihiin erayo lagu ijaafeynayo umadda islaamka iyo diinteena daahirka ah sidoo kale araya kale oo aflagada siyaasadeed ayaa ah kuwa laga bartay LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA oo ay ka mid yihiin DAWLADAN TAAGTA DARAN, DAWLADA SOMALILNAD, marna DAWALADA LA MAGAC BAXDAY SOMALILADN, iyo eraya badan oo ka tarjumeyn innaba nabad.

Tusaalo (example) ahaan hadii aan u soo qaadano wareysiyada ku aadan dagaal dhaca dartiis waxaa aad arkeysaa LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA oo raadinaya hubka la isku adeegsaday noocyadiisa? ciddee awood xumada reebtay? dadka ku wax yeelobay tira ahaan? goobta dagaalka ka dhacay cida ku danbeysa? dagaalkaas dib ma u soo noqon karaa? iyo maxaa man cinaayo? adigoo is leh idaacadan ma idaacad ciidan baa (military radio) oo aysan raadin dadka geeriyooday kuwa dhaawacmay halka loola cararay, dhaawoocda ceynka uu yahay qasaaraha bini aadanimo iyo dhulba.

Sidoo kale aqristow waxaan dhageysanaa dooda jimcaha oo maalin ahaan lagu soo aadiyay maalin umada islaamka guud ahaah ciidi u tahay soomalidana nasasha guud ku jiraan jimco (Friday) doodaas ayaa kuugu filan inaad ku garwaaqsato nabad diid nimada ay wado LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA , barnaamijkan oo uu daadihiyo alaaba odayga iyo garaadka BBCDA qeybteeda af soomaaliga muddane yuusuf garaad uuna ku soo qaato hadba xaalada daran ee lagu jiro kuna dadaalo sidii uu u hurin lahaa kana dhigo xabadii mira maqsin buuxa halka ay ku haboonaan lahayd inay ka dhigaan doodaas mid dadka kaga faa’iideystaan nabada, dawlad wanaaga.wadanimada, dhibaatada qurbaha , dagaalada sokeeyo, xumaha qabiilka iyo qabyaalada, sidaana ku noqoto xudun dhaxaadka umada soomaaliyeed kuna xiriiri lahaayeen iskuna saamaxaan.

Idaacadaha dalka ka jira oo tabar iyo tayo ahaanba ka liita LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ahna idaacd weyn hadana cumri jirsatay ayaa aqristow marag ma doonta weyn kuu ah sida ay ugu howlan yihiin wax ka qabashada baahida firxatay ee ku habsatay shacabkan diintiisa lagula diraray ee soomaaliyeed, tuusaale qayaxan waxaad u qaadataa waxii ay ka qabteen abaarahii ka dhacay dalka sida ay uga qeyb qaateen daboolida baahidaas sidoo kale isku xirka dan yarka iyo somaalida dibad joogta oo ay wax badan ka qeyb qaateen daaweynta dad daruufeysan.

Aqristow waxaan gunta iyo gaba gabada qoraalkeyga ku gudoon siinayaa LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA bilad sharaf xumo ah oo ay ku muteysteen dowrka weyn ee ka cayaareen nabad diidnimada ay ku wadaan dalkooda hooyo asal ahaan (native) iyo dadkooda walaalaba


Ugu dambayntii, waxaa ku talin lahaa haddii Idaacada LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA ee hadana KANSARKA ah ayna wax ka bedelin sida ay akhbaarta u gudbinayso: -

· In qofkii danaynaayo arrimaha Soomaaliya ayna waraysi ama xog siin idaacada LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA.

· In la abuuro idaacad kale oo la baratanto LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA oo dhexdhexaadna ka ah arrimaha Soomaaliya ah


sababto LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA waxay dadka ku haystaa kalinimo ama waxa afka carbeed lagu yiraahdo ixtikaar manopoli (monopoly). Hadii idaacad kale la abuuro, waxaa hubaal in ay wax ka bedeli lahaayeen sidii ay wararka u tabiyaan wixii ay rabaana iskama sheegi karayn.

· In la joojiyo ama la qaadhaco (boycott) oo aan la dhagaysan LAANTA AF SOOMAALIGA EE BBCDA.

· In qoraalo loo qoro maamulka idaacada guud ee BBC-DA loona sheego hab u dhaqanka wariyayaasha iyo madaxda LAANTA AF SOOMAALIGA EE iyo inaysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya iyo soomaalidaba ayna ka turjumaan uun arragtida ka jirta meesha ay ka yimideen iyo qabiilka ay ka soo jeedaan una huwiyaan magac soomaaliyeed .


Dalmar Omar Gacal

Islamabad-Pakistan

E-mail dalmaryare@hotmail.com


qoraalkan waxuu soo baxay Fri 3/30/07

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.