C/llaahi Shiikh Xasan Iyo Kaartadii Amxaaro
Arbaco, March 02, 2005
C/llaahi Shiikh Xasan oo maanta saxaafadda u soo bandhigay Kaarto ay
Dowladda Itoobiya ku qabsaneyso Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya
C/llaahi Shiikh Xasan oo ka mid ahaa
Wafdigii Xaqiiqo raadinta, dhowaana lagu xiray deegaanada Puntland ayaa
maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Saxafi International ee magaalada
Muqdisho, kaasi oo uu ku faah faahinayay gunta hoose ee wixii lagu xiray,
isagoo sidoo kalena soo bandhigay Kaarto Mileteri oo ay diyaariyeen
Saraakiil Soomaaliyeed oo ay Ciidamo ka socda dowladda Itoobiya ku
qabsanayaan magaalooyin ka tirsan dalka Soomaaliya.
C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu ka qiseeyay safarkii guddigii xaqiiqo
raadinta min Muqdisho ilaa Puntland, isagoo caddeeyay in guddigan uu ahaa
mid aanan la mid ahayn guddiyadii xaqiiqo raadinta ee horay u yimid
Soomaaliya sanadihii 2003 oo labo jeer ahayd, 2004 iyo 2005, wuxuuna intaas
ku sii daray in xubnaha wafdigan ay u badnaayeen saraakiil ciidan, kuwii uu
yaqiinayna uu kaliya kala socday rag uu ka xusay Dr. Edmore Kambudzi oo
Midowga Afrika ka socday.
C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu meesha ka saaray warar ka soo baxay maamulka
Puntland oo sheegayay in uusan ka mid ahayn wafdigii xaqiiqo raadinta,
wuxuuna maanta soo bandhigay oo uu saxaafadda tusay dukumiintiyo caddeynayay
in uu wafdigaas ka tirsanaa.
C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in socdaalkii guddiga Xaqiiqo
raadinta ee socdaalka ku maray deegaano ka tirsan Soomaaliya intii u
dhaxeysay 14-kii ilaa 27-kii bishii hore ee Febraayo uu ahaa mid ujeeddo
gaar ah laga lahaa, isla markaana lagu uruurinayay warbixinnada dadka, gaar
ahaan kuwa qaba fikirka in ciidamo shisheeye dalka la keeno.
"Waxaa ila soo hadlay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan
Midowga Afrika Md. Maxamed Cali Foam, kaasi oo iga codsaday in aan guddiga
xaqiiqo raadinta la shaqeeyo inta ay joogaan Muqdisho, una diyaariyo dadka
ay la kulmayaan iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan yihiin, taasina waxay
caddeyneysaa in aan Guddiga ka mid ahaa" ayuu yiri Md. C/llaahi Shiikh Xasan
oo intaas ku daray in intii uu la socday wafdiga oo meelo ka mid ah Muqdisho
booqanayay in uu arkay waxyaabo ka dhan ah howlaha xaqiiqo raadinta ah ee
loo soo xil saaray.
"Markii Guddiga howshiisii Muqdisho ka dhameystay ayaan si iskey ah u
goostay in aan u raaco meelaha kale ee ay dalka ka booqanayaan bacdamaa aan
arkay waxyaabo aan indhaha laga qabsan karin, Meelihii ay Muqdisho Guddiga
ka tageen waa laga diiday in ciidamo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya,
inkastoo ay jireen dad qabay in ciidamo la keeno balse aan lagu soo darin
kuwa dalalka safka hore" ayuu mar kale yiri Md. C/llaahi Sh. Xasan oo
caddeeyay in meelihii ay wafdigu booqanayeen ee uu la tegay uusan Guddigu
wax mushaar ah ku lahayn, si iskiis ahna uu isu dabarayay.
"Waxaan tagnay Jowhar, intii aan halkaas ku sugneyn ayuu Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Xiriir la soo sameeyay Jen. Badmaceeye, isagoo weydiiyay wixii u
qabsoomay, Muqdisho dadkii ay kula kulmeen sida uu fikirkooda ahaa iyo wixii
uu ahaa Bamkii Muqdisho ku qarxay ee Mootada lagu soo xiray" ayuu hadana
yiri C/llaahi Sh. Xasan oo sheegay in meeshaas ay wax uga baxeen, meeshana
uu ku jiray qorshe weyn oo ay madaxda dowladda ku lug leedahay.
C/llaahi Sh. Xasan wuxuu shirkiisa ku soo bandhigay Kaarto magaceedu yahay
Mogadishu Area Operation, taasoo uu caddeeyay in uu diyaariyay Jen. Cusmaan
Shiikh Badmaceeye, wuxuuna isagoo sharaxaya kaartadaas uu yiri "Sida aad u
jeedaan waxay tilmaameysaa kaartadaan weerar ku soo socda Gobollada
Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka, weerarkaasoo ay soo qaadayaan
ciidamo 11 kun gaaraya oo ay leedahay Dowladda Itoobiya, waxaana u
qorsheysan in ay gobolladaas kala gooyaan, kadibna ay Gobolka Banaadir ka
soo galaan labo waddo oo ah tan Afgooye iyo tan Balcad oo ka kala tirsan
gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
"Arrintaas waxaan si fiican u ogaadya markii aan tagnay Baydhabo, xiligaasoo
uu Jen. Badmaceeye saraakiil reer Baydhabo ah u sheegay in ay u
diyaargaroobaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamo Itoobiya ka imaanaya,
isla markaana ay miinooyinka ka saaraan deegaanada Xuduudka ku yaala,
haddiiba ay jiraan meelo horay loo miineeyay, sidoo kalena ay soo sahmiyaan
meesha ay gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose isaga xirmaan" ayuu ma kale
yiri sarkaalkaas la socday Guddigii Xaqiiqo raadinta.
Baydhabo ayuu sheegay C/llaahi Sh. Xasan in uu hadana mar kale kula soo
hadlay Jen. Badmaceeye C/risaaq Jurille oo ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda
Federaalka, kaasi oo Jananka weydiiyay halka ay wax u marayaan, kana
codsaday inta uusan Baydhabo ka bixin in uu xaqiijiyo waddooyinka ka baxa
Baydhabo ee xiriirka la leh gobollada kale ee howlgalku ku wajahan yahay.
"Markaas waxaan weydiiyay waxa loo socdo xaqiiqo raadin iyo in dalka la kala
googooyo oo ciidamo aysan dadka raali ka ahayn lagu soo hoggaamiyo, wuxuuna
ii sheegay Jananku in isagu uu yahay nin arrimo farsamo ahaan loogu soo
daray, balse go'aanka arrintaas uu yahay mid lagu gaaray shirkii Abuja ka
dhacay ee ay isugu tageen madax Afrikaan ah ee uu ka mid ahaa Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed" ayuu mar kale yiri C/llaahi Sh. Xasan oo maanta
hurdada uga kiciya dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda dhegeystay
warbixintiisa Sir Culus iyo Dibindaabyo lala soo maaganaa.
Sida aan la wada soconayba C/llaahi Sh. Xasan intii uu ku sugnaa Baydhabo
wareysi ayuu BBC-da siiyay, kaasi oo uu si fikriyan ah u sheegay in aaney
dadka dooneynin in dalka Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda dalalka safka
hore, taasina wuxuu sheegay C/llaahi Sh. Xasan in ay ka caroodeen
mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika oo ninkii hoggaanka u ahaa ku soo
canaantay in aaney wanaagsaneyn waxa uu ku hadlay.
Warbixintiisa ayuu sii watay, wuxuuna sheegay in ay tageen magaalada
Beledweyne oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadibna ay uga sii gudbeen
magaalada Gaalkacyo oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka socday maamulka
Puntland oo uu ka xusay C/raxmaan Faroole iyo Saciid Jaamac Qoorsheel,
kuwaasoo markii ay wafdiga caga dhigeenba weydiiyay wafdiga qofka la
yiraahdo C/llaahi Sh. Xasan, dabadeedna uu isu sheegay, meeshaas waxaa iiga
muuqatay ayuu yiri in aan ahay nin tilmaan gaar ah u leh.
"Intii aan joognay Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta maamulka Puntland ayaa waxaa
dood na dhexmartay aniga iyo Wasiirradii, waxaana dooneynay in aan booqano
qeybta kale magaalada maadaama ay ku nool yihiin dad kale oo aan maamulkooda
ka tirsaneyn, taasina aad ayay uga dhiidhiyeen raggii maamulka Puntland ka
socday, waxayna ku doodeen in ay Mudug iyaga ka wada taliyaan, markii ay
sidaas yiraahdeen ayaan ku iri goorma ayaad wada qabsateen, sanadkii hore
2004 markii aan imaaneynay ma heysane?, adigu calaa ayi xaal waan booqanay
dhinacii kale waxayna noo sheegeen in aysan dooneyn in dalka la keeno
ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa safka hore" ayuu warbixintiisa ku sii
daray C/llaahi Sh. Xasan.
Kadib Wafidii waxay u gudbeen magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka
Puntland, waxayna halkaas kula kulmeen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa
Madaxweyne Cadde Muuse, kaasi oo ay warbixin ka dhegeystay, "Kadib waxaa la
gaaray xiligii ay wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka degayeen Garowe,
waxaana noo yimid mid ka mid ah Wasiirrada maamulka Puntland, kaasi oo nagu
wargeliyay in aan ka baxno Hotellka aan ku jirno oo aan Madaxweynaha wax ka
soo dhaweynayo, waxaanse u sheegay in aan howl u joogno Garowe, soo dhaweyna
aysan howsheena ahayn, kadib wuxuu igu yiri ma adigoo Puntland jooga ayaad
sidaas u hadleysaa, anna waxaan mar kale ugu jawaabay Madaxweynuhuba xalay
wuxuu joogay Jowhar, dhulkiisana ma ahayn" ayuuna yiri.
C/llaahi Sh. Xasan waxaa uu sheegay in intii uu Puntland joogay si gaar ah
dhaqdhaqaaqyadiisa loola socday ilaa la gaaro ugu dambeyntii in laga qaado
Taleefoonkiisii Mobile-ka ahaa, Baasaboorkiisii iyo Dukumiintiyo kale oo uu
watay, iyadoo mar lagu armay uu diro dhamaan Nambarrada ku keydsan
taleefoonkiisa, isla markaana uu weydiiyo sida ay u arkayaan booqashada
wafdiga Madaxweynaha, in ciidamo shisheeye dalka la keeno iyo weliba in
caasimadda la wareejiyo, markaas wuxuu u sheegay C/llaahi Sh. Xasan dadkii
amarkaas siiyay in aysan taasi suurtageleynin maadaama nambarrada ku keydsan
taleefankiisa ay ku jireen dad dhoofay, kuwo dhintay iyo weliba kuwo uusan
dooneynin in uu la hadlo.
"Iyadoo xoriyadda sidaas la iiga qaaday, xabsi ku yaala Garowe-na la igu
xiray ayaa nin ka socday Jaamacadda Carabta oo wafdigana ka tirsanaa waxaa
uu isku dayay in uu la hadlo raggi meesha igu xiray, waxayna ugu jawaabeen
isagana haddii uu soo dhaafo Diblumaasinimadiisa in ay isna xirayaan, sidaas
ayuuna isaga gaabsaday" ayuu hadalkiisa ku sii daray C/llaahi Sh. Xasan oo
intaas sii raaciyay in isagoo aanan dib loogu soo celin Taleefoonkiisii,
Baasaboorkiisii, iyo Alaabo kale oo laga reebay diyaarad laga soo saaray
magaalada Gaalkacyo, taasoo keentay Garoonka No. 50 ee gobolka Shabeelaha
Hoose oo uu ka soo degay Shalay subaxnimadii.
Sirtan culus ee uu maanta daaha ka rogay C/llaahi Sh. Xasan ayaa qabsatay
magaalada Muqdisho kadib markii ay isu dhiib dhiibeen dadka Muqdisho oo
Idaacadaha kala socday, waxayna sirtan noqoneysaa mid dadka Soomaaliyeed ku
sii fogeyneysaa cadaawadda ay u qabaan Dowladda Itoobiya oo iyadu u soo
baxbaxsaneysa in ay Ciidamo ay iyadu la baxeyso dhaqaalaha ku baxaya u soo
direyso Soomaaliya.
Dalmar Omar Gacal
Islamabad-Pakistan
No comments:
Post a Comment
Note: Only a member of this blog may post a comment.